Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 June 24, 2014                                             Shabcan, 26, 1435H     

 

 

 

 

Heshiiskii Madaxwayne Silanyo Iyo Muuse Biixi Oo Burburay , Khilaafkii Oo Markale Istaadhmay & Rag Ka Tirsan Garabkii Siilaanyo La Safnaa Oo U Hanjabay Muuse

Hargeysa, June 24, 2014 (Ramaas) - Warar Xogogaala oo aanu ka helay Madaxtooyada ayaa sheegaya in Maanta galinkii hore kulan ku dhex maray Madaxweyne Axmed Siilanyo iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, kulanka ayaa la sheegay in ay gudoomiyaha iyo Madaxweynaha oo kaliyi balan ku lahaayeen kulankaasi oo ahaa in ay labada masuul kulan gaara wada qaataan maadama oo aanay mudadii dhexdhexaadinta Khilaafka xisbigu Kulmiye Socotay kulan gaara wada yeelan.
Waxaanu warku intaas kudaray in kulankii labada masuul oo aan si rasmiya ubilaamin balse ay wada fadhiyaan Xafiiska Madaxweynaha ay markaliya soo galeen xafiiska Madaxweynaha Xubno aan la magac dhabin oo katirsan hogaanka Xisbiga Kulmiye ee garabkii Madaxweyne Siilanyo kuwaas oo damacsanaa in ay dhagaystaan waxa ay Madaxweynaha iyo Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi kuwada hadlayaan balse waxa arintaas ka biya diiday una arkay shirqool loo maleegayo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Cabdi Isaga oo madaxweynaha ka codsaday in nimanka uu kulankooda gaarka ah debeda uga saaro balse waxa uu Madaxweyne Siilanyo ugu jawaabay waa iska caadi fadhiga nimankani maxaad ka hadlaysaa soo daa warkaaga sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu raaciyay oo hadalkiisa ka mida ahaa miyaanad ku dhawaaqayn in shirweynihii golaha dhexe ee Xisbiga la qabto bacda Ramadaanta, Muuse Biixi ayaa warku sheegay in uu kaga jawaabay maxaan ku dhawaqaa miyaynaan horta wada hadlayn
Intaas markii ay dhacday ayay Xubnihii kulanka gaarka ah ee Madaxweyne Siilanyo Iyo Muuse Biixi dhex maarayay kusoo dhex dhacay ee katirsanaa hogaanka Xisbiga Kulmiye gaar ahaan garabkii Madaxweyne Siilanyo ay Gudoomiye Muuse Biixi ku yidhaahdeen waar ku dhawaaq waa shirweynaha aanu kugu ridaynee maxaad uga meeraysanaysaa.
Intaasi markii ay dhacday ayaa Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi oo aanay jirin meel ufayawi cadho kaga soo baxay Madaxtooyada.
Arinkan ayaa umuuqda mid lagu shirqoolayay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo aanay jirin meel ufayaw hadii ay noqoto kalsoonidii taageerayaasha oo uu lumiyay dhawaan markii uu aqbalay go,aankii dhinaca ka rarnaa ee xaqiisa lagu duudsiyay iyo markii uu kudhawaaqayay tanaasulka musharaxnimadisii Madaxtinimada Xisbiga kulmiye.Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland iyo hogaanka xisbiga Kulmiye oo la xidhiidha kulankaa, balse sida ay shebekadda wararka ee Qarninews heshay waxa Gudoomiye Muuse Biixi ku tegey qasriga Madaxtooyadda balan uu la lahaa Madaxweynaha.Hase yeeshee sida ay sheegayaan tibaaxaha iyo xoggaha hordhaca ah ee laga helay kulankaa Gudoomiye Muuse Biixi oo ku socda balantii Madaxweynaha, waxa uu xafiiska Madaxweynaha ugu tegey sadex xubnood oo ka mid ah hogaanka xisbiga oo xiligaa ku sugnaa xafiiska Madaxweynaha, kuwaas oo kala ahaa Gudoomiye Xigeenka Labaad Xisbiga Xildhiban Wabeeyo, Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle iyo Xoghayaha Guud ee Kulmiye Xasan Siciid
Talaabadan lagula kacay Muuse Biixi ayaa kusoo beegmaysa xili uu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye uu lumiyay guud ahaan kalsoonidii shacabka reer Somaliland ee kasoo horjeeday hogaaminta dalka ee Madaxweyne Siilanyo iyo Xukumadiisa oo iyaduna meel cidla ah dhigtay kalsoonidii shacabka kadib markii ay ku dhaqantay kala qeybinta shacabka walaalah ah ee kuwada dhaqan geyiga Somaliland iyo qabyaaladii oo dib usoo noolaatay kudhaqankeedii uu Madaxtooyada lagu qeybiyo balse waxa waxaas oo dhan ka daran Gudoomiye Muuse Biixi oo ay ay cadaatay in aanu meelnaba kasoo galin siyaasada iyo kushaqaynteeda iyada oo ay garabka Madaxweyne Siilanyo ee hogaanka Xisbiga Kulmiyena cadeeyeen in la wado qaabkii Gudoomiye Muuse Biixi looga tuuri lahaa gudoomiyenimada Xisbiga kulmiye kalsoonina aan lagu qabin in uu hogaanka Xisbiga Kulmiye sida Madaxtooyada laga rabo aanu uwadi doonin.