Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 June 24, 2014                                             Shabcan, 26, 1435H     

 

 

 

 

Xildhibaankii Keenay Aqoonsiga Somaliland Ee Sheffield Oo

Kursigiisii Ku Waayay Kala Qaybsanaanta Jaaliyada Somaliland Ee Magaaladaas

Hargeysa, June 24, 2014 (Geeska) - Xildhibaan Maxamed Macruuf (Mohammed Maroof), oo ahaa xildhibaankii mooshinka aqoonsiga Somaliland horgeeyay golaha deegaanka Sheffield, ayaa kursigiisii ku waayey doorashadii deegaanka ee 22 May ka qabsoontay magaaladaas.
Xildhibaan Maroof, oo ahaa xildhibaan guul lama ilaawaan ah u soo hooyay shacabka reer Somaliland, ayaa la filayay inuu doorashadan cod laxaad leh ka helo jaaliyadda asal ahaan ka soo jeeda Somaliland oo magaaladaas aad ugu badan, laakiin waxa ayaan darro noqotay markii 24 May la xaqiijiyay in xildhibaankaasi uu waayay kursigiisii.
Xildhibaan Maroof waxa uu ka tirsanaa xisbiga Labor oo sida caadiga ah lagu yaqaanno in uu helo codadka ugu badan ee Soomaalida iyo guud ahaan dadka dalka aan isir ahaan u dhalan ee jinsiyadda qaadatay, laakiin dhicitaankiisii kadib waxaa soo baxay warar xaqiijinaya in kala badh muwaadiniinta asalkoodu reer Somaliland yihiin aanay siinin codkooda. Guul-darrada xildhibaankan abaal gashaday Somaliland waxa ay layaab ku noqotay dad badan oo aan filayn. “Waxaan uga mahadcelinayaa dadkii ii codeeyay, taageerayaashayda, qoyskayga iyo saaxiibadayda shaqadii, dhiirigelintii iyo taageeradii ay dul dhigeen olololahayga.” Ayuu ku yidhi xildhibaanku qoraal uu barta uu ku leeyahay face booka soo dhigay 24 May, waxaanu sheegay in natiijada doorashada ka soo baxday ay cadaynayso inaanu ku sii negaan doonin kursigii uu hore ugu fadhiyay.

Maxaa sababay?
Sababta koowaad ee keentay guuldarada xildhibaan Maxamed Macruuf u soo hoyatay ayay dad badan oo reer Somalialnd ah oo Ingiriiska degeni ku xidhiidhinayaan kala qaybsanaan qabiil ku dhisan oo si laxaad leh u soo kala dhex gashay dadka reer Somaliland ee deggen magaalada Sheffield ee wadanka Ingiriiska. Dadka reer Somaliland ee deggen magaalada Sheffield ayaa si weyn isu maandhaafay ka dib guushii laga soo hooyay golaha deegaanka Sheffield, waxaana koox gaar ah oo is urursatay lagu eedeeyay inay si gaar ah u sheegteen guushaas, taas oo sabab u noqotay ficil aakhirkii keenay in dad badan oo reer Somaliland ahi ay xildhibaanka u codayn waayaan, kadib markii sida la sheegay ay tirsadeen in kooxda kelideed guushaas dusha u ridatay ay madaxtooyada Somaliland ka heleen soo dhoweyn iyo tixgelin ku gaar ah.
Koox ay jaaliyadda Somaliland ee Sheffield ku eedeeyeen inay qaab qabiil ku salaysan isu urursadeen, ayaa dhawaan safar ku yimid magaalada Hargeysa, waxa aanay madaxtooyada Somaliland ka heleen soo dhoweyn halyeey. Warar xog-ogaal ah ayaa iyaguna xaqiijinaya in dhicitaanka xildhibaan Maroof ay saamayn taban ku yeelatay dadaallo iyo ol’ole ka socday magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska oo lagu doonayey in golaha deegaanka ee magaaladaas lagu qanciyo in ay aqoonsiga Sheffield mid la mid ah siiyaan Somaliland. Waxaana la sheegayaa in xildhibaanka arrinta Bristol waday iyo saaxiibbadiisii la riixayeyba uu galay dareen cabsiyeed oo ay ka baqanayaan in ay maraan jidka Maroof oo kale.

Gunaanad
Ka sakow xildhibaanka loolanka qabiil ee dadka reer Somalialnd ka dhexeeya codka ku waayay, waxa ay arrintani cadaynaysaa halka uu gaadhay kala qaybsanaanta ka dhex jirta dadka reer Somalialnd ee qurbaha, oo aan dhawr sannadood ka hor sidan ahayn, waxaana sabab u ah qabyaaladda oo saddexdii sannadood ee u dambeeyay u muuqata inay dib u soo noolaatay, dad badanina u sibir saarayaan qaabka maamul ee ay u shaqaynayso xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, si kastaba ha ahaato ee Dhacdadani waxa ay dad badan oo aan reer Somaliland ahayn balse ka ag dhow ama niyadda ka taageersan ku beeri kartaa faham ah in aad loo qaybsan yahay, taasina ay keeni karto in ay ka hadhaan dadaalladii ay ku garab istaagayeen qadiyadda Somaliland.

Xigasho: Geeska Africa