Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 June 25, 2014                                             Shabcan, 28, 1435H     

 

 

 

 

Haatuf La’ Garaye Somaliland Times-na Maxay Ku Xidhan Tahay Ee Lagu Haystaa

Hargeysa, June 24, 2014 (Haatuf) – 13-sano ayuu wargeyska Somaliland Times halgan ugu jiray sidii uu qadiyada Somaliland u gaadhsiin lahaa uguna dhaadhicin lahaa caalamka intiisa kale.

Ma jirto wargeys dalkani leeyahay oo u dhigmi kara ama xataa ku dhadhawaan kara Somaliland Times marka laga eego kaalinta uu kaga jiray caalam-ka-iibinta Somaliland iyo sidii codka umadan meelwalba uga ridi lahaa iyo waliba sidii cadadkii soo baxaba uu dalkani u kasban lahaa saaxiibayaal cusub oo magac iyo saamaynba ku leh ama ku yeelan doona bulshooyinka caalamka ee ay ka tirsan yihiin.

Somaliland Times waxay door muhiim ah ka qaadan jirtay cir-bixinta diblomaasiyadeed (diplomatic promotion) ee Somaliland. Waxay ahayd daaqada uu caalamku ka daalacdo Somaliland wararkeeda, faalooyinkeeda iyo editorials-keedu may dhaafi jirin diblomaasiyiinta dawladahooda u fadhiya dalalka mandaqada Geeska iyo Bariga Afrika.

Waxa akhristayaasheeda ka mid ahaa masuuliyiinta qaabilsan qaybaha Bariga iyo Geeska Afrika ee Wasaaradaha Arrimaha Dibada ee dalalka daneeya arimaha Soomaalida iyo ka mandaqadaba.

Waxay Somaliland bartay dad badan oo ku kala nool qaaradaha dunida oo ay ka mid yihiin arday shahaadadaha MA-ga ama Phd-ga ka diyaarinayey qaar ka mid ah jaamacadaha dunida, macalimiin (professors) waxa ka dhiga jaamacado ka mid ah kuwa aduunka ugu caansan, khubaro (experts), cilmi-baadhayaal iyo qaar kale.

Tifaftiraha SL/Times ee Yuusuf Cabdi Gaboobe wuxuu ahaa Somalilander-kii ugu horeeyey intii uu dalkani madaxbanaanidiisa la soo noqday ee la kulma raysal wasaare British ah sanadkii 2005 markaasoo uu Prime Minister Tony Blair wax ka waydiiyey mawqifka Britain ka taagan tahay qadiyada Somaliland isla markaana uu su’aashiisa Raysal Wasaaraha u dhex raaciyey inay dulmi tahay aanay Somaliland ka filayn beesha caalamka gaar ahaan dalka Britain inay aqoonsiga dalkiisu xaqa u leeyahay kala masuugaan.

Mid ka mid ah qorayaasha Somaliland Times oo noo waramay ayaa waxa uu sheegay inay ugu daran tahay oo wuxuu ku hadlo garan waayey markay akhristayaasha caalamiga ah (international readership) ee uu wargeyska Somaliland Times yeeshay qaar ka mid ahi fariimo ugu soo diraan bogoga Times-ka ee Twitter-ka iyo Facebook-ga ay ku waydiinayaan sababta ay xukuumadu xadhig ugu quudhay wargeyskii Somaliland u hadli jiray. Waxba may ahaateen hadii ay warbaahinta dawladu buuxinayso kaalintii ay haysay Somaliland Times.

Hase yeeshee halkii ay caaalamka ku faafin lahayd qadiyadda Somaliland iyo xaqa ay u leedahay inay aqoonsi ka hesho beesha caalamka ayaa waxay wakhtigeeda ku lumisaa inay Siilaanyo iyo Aamina Waris u xayeysiiso shacbigii dalka ee ka sugayey ictiraafka.

Somaliland Times xataa kumay jirin 11-kii maqaal (article) ee wargeyska kale ee ay lamaanaha yihiin ee Haatuf lagu soo dacweeyey inay kaga been abuurtay Xuseen Waji-xun, Baashe Cawil iyo Cali Mareexaan mana jirto meel Somaliland Times kaga qorantahay warqadii xayiraada iyo xaashidii eeda (charge sheet) iyadoo xeer-ilaalintu kiiska ku soo oogtay Haatuf oo kaliya inkastoo markii dambe ay jirtay in telefoon madaxtooyada looga soo diray taliyaha bileyska Cabdilaahi Fadal oo af-ahaan loogu sheegayo in uu Somaliland Times-na raaciyo Haatuf oo aanay soo bixin. Sidaas ayay madbacadihiina ku diideen inay soo saaraan Somaliland Times iyadoo aanay jirin wax qoraal ah oo ay maxkamada ama bileyska ka haystaan oo jidaynaya diidmadoodaasi.

May jirin sabab kale oo madaxweyne Siilaanyo albaabada ugu laabo wargeyska Somaliland Times ee hawlaha mudakarka ah ee aynu kor ku soo sheegnay u qaban jiray dalka oon ahayn inuu ku raaligaliyo wiil-yaroo inan ka qaba iyo mid kale oo uu ku xeerinayo dakhliga xaaraanta ah ee uu qoyskiisa uga soo xareeyo laaluushka uu ka qaato shirkadaha shidaalka baadha ee qaranka seejiya malaayiinta dollar ee sida xalaasha ah ugu soo dhici lahayd khasnada dawlada.