Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

June 30, 2014                                              

 

 

 

 

Dacwadii Haatuf: Xukun Qarqoosh Iyo Ku-Qosle Kabtan Kufay

Hargeysa, June 30, 2014 (Haatuf) - 11 maqaal (articles) oo koobiyadii Haatuf ee lagu qoray maxkamada la keenay ayaa garsoorihii qaadayey dacwadii Haatuf iyo Xeer ilaaliyihii dambiga ku soo oogay-ba inooga dhigeen in sheekadii halkaas ku dhan tahay oo gudoomiyaha iyo tifaftiraha Haatuf ku cadahay inay ka been sheegeen aflagaadooyin iyo sharaf dhacna u gaysteen dhibinayeeshii soo eedeeyey oo kala ahaa Baashe Cawil oo madaxweyne Siilaanyo sodog u yahay, wasiirka macdanta Xuseen Cabdi Ducaale (Waji-xun), Wasiirka Daakhiliga Cali Warancade iyo xildhibaanka golaha wakiilada Cali Mareexaan.
Dhagaysigii sadexaad ee maxkamada oo dhacay 19/5/2014 ahaana kii ugu dambeeyey ayaa Yuusuf Cabdi GAboobe oo ahaa eedaysanaha labaad wuxuu garsoore Asad Nuur oo labada masuul ee Haatuf hore u dureen waydiiyey kol hadii ay u fududeeyeenba kiiskii oo qareenadii Haatuf dacwadii ka baxeen miyaanu garsoore ahaan iskuba dayeyn inuu eego eedahan masuuliyiinta haatuf loo soo jeediyey run iyo been waxay kala yihiin si uu naftiisa u qanciyo, kolkaasuu xeer-ilaaliye Aadan Seed intuu soo booday yidhi sawkuwan nuquladii Haatuf ee aad wax ku qorteen waxaanu koobiyadii ku wareejiyey garsoore Asad oo isna is agdhigay, waa run oo meesha cadaalad iyo xaqsoor midna lagama filayn oo go’aamada soo bixi doona maxkamada oon bilaabmin ayuu gudoomiyaha maxkamada gobolka Hargeysa Faysal Dhagodhago Asad u sii qoray, laakiin bal riwaayad kasta ha iska ahaatee waxa fashiliyey khasiinimo xaga mu’alifka ah iyo matalaad xumo.
Asad xataa intuu is yeelyeelo iskama dhigin garsoore doonaya inuu damiirkiisa qanciyo oo qoraalada Masuuliyiinta Haatuf lagu soo eedeeyey waxba kamuu waydiinin xeer-ilaaliyaha.
Asadna waxa ka matalaad xumaa xeer-ilaaliye Aadan oo xeer-ilaalinta ciidanka qaranka ee Caynabo joogi jiray kaas oo maxkamada dhexdeeda iyo dibadeeda ku dhaqmayey sidii laba xidiglayaashii intay faqashtu xeer ilaaliye ka dhigto u diri jirtay gobolada waqooyi (Somaliland) ee lagu odhan jiray kacaan diidka soo xidha.
Dhagaysidii sadexaad oo intaanu qabsoomin la rajaynayey in la badalo garsoore Asad ayaa markii uu maxkamada soo fadhiistay waxay qareenadii Haatuf u sheegeen in aan hawli u oolin maxkamada oo ay dibada uga baxayaan maadaama labada qof ee ay difaacayaan ay ku adkaysanayaan duristii garsoore Asad ujeedada ay maxkamada u yimaadeena ay tahay in qoraalka loo galiyo sababta ka qaybgal la’aantooda keentay, ayaa garsoore Asad oo doonayey in dacwadu sida ugu dhakhsaha badan uga dhamaato wuxuu fasaxay looyaradii Haatuf taas oo ahayd markii u horaysay ee uu ogolaado codsi ay soo jeediyeen.
Hase yeeshee Xeer-ilaaliye Aadan Seed oo maxkamadaha looga yaqaano Aadan Gudhuu jug-soo dhacay ayaa isaga oo qaylinaya garsooraha ka dalbaday inuu joojiyo qareenada oo ay dambi tahay inay dacwada ka baxaan.
Laakiin markuu ogaaday intii uu hadlayey ay qareenadii Haatuf baxeen ayaa wuxuu yidhi garsoore waa in la soo xidhaa taas oo markii ay ku qosleen dad maxkamada gudaheeda fadhiyey ayuu Mr Aadan intuu garsoore Asad dhiniciisa u jeedsaday si cadho leh ugu yidhi dadkani maxay la qoslayaan meeshani miyaanay maxkamad ahayn kolkaas ayuu mid ka mid ah dadweynihii meesha fadhiyey hoos u yidhi ma is-tidhi waa sidii ku qosle kabtan kufe xeer-ilaaliyuhu kol hadii uu ka war hayey dhaliilaha faraha badan ee ay dacwadani soo jiidatay waxay ahayd inuu sameeyo dedaal uu rayul caamka u muujinayo in dhinacooduba doonayo in dacwada si cadaalad ah loo qaado oo tusaale ahaan halkii uu kaga dhaganaa garsoore asad uu badalkiisa ogolaado oo haduu doono garsooraha kula tafaahumo inuu mararka qaarkood (tactically) qareenada Haatuf wax ka ogolaado isla markaana maxkamadu noqoto mid furan oon laga horjoogsan saxaafada iyo ehelada iyo asxaabta eedaysaneyaasha ilayn xukunku kolay iska diyaar buu ahaaye.
Maadaama ay qareenadii Haatuf maqnaayeen waxay ahayd in xeer-ilaaliyuhu ka faa’iidaysto oo dadka uu u sharaxo falalka lagu eedaynayo masuuliyiinta Haatuf iyo dhibaatooyinka ay u gaysteen dadka muduciga u ah ee uu u doodayey.
Laakiin garsoorihiibuu caaq ka dhigay, bilayskiina amarka uu bixiyo ayay ku dhaqmayeenoo tacadiyo fool xunxun ayaa la sheegayaa inay u geysteen labada eedaysane intii dacwadu socotay.
Talaabo kasta oo uu qaadaa waxay ahayd uun kol hadii aan awoodii dawladeed haysto anigaa kaa xoog weyn oo waxaan doono ayaan kugu samaynayaa.
Haatuf markay leedahay waxa nalagu cadeeyey maxkamada horteeda ma jirto ee runta aanu sheegnay ayuunbaa lanagu haystaa, xukuumada ma waxa jawaab lagu qanco u noqonaya beenbay madaxda dawlada ka sheegeen oo sharaftooda ayay meel kaga dhaceen oo koobiyadii Haatuf ku soo daabaceen baanu haynaa.
Maqaalada Haatuf lagu dacweeyey xitaa waxa ku jiray qaar ra’yi ah oo magacii qofkii soo qoray ku yaalo oo maamulka madaxweyne Siilaanyo dhaliilaya. Waana markii u horaysay ee ay Somaliland ka dhacdo in maxkamadi masuuliyiintiisii iyo wargeyskii u xidho qof rayigii dhiibtay oo ay soo daabaceen.
Waa arin xataa maxkamada dalalka ay digtaytaradu ka taliyaan iska ilaaliyaan oo ay si kale ula tacaalaan, bal eedaysaneyaashii waabad xukuntaye, waa maxay dambiga meheradu gashay ee ay u xidhnaanaysaa?
Muxuu xeer-ilaaliyuhu u fasiri waayey xayiraada uu u dalbaday in Haatuf la saaro si ay dadku u fahmaan sababta kaliftay inay xidhnaato, ilayn masuuliyiintii Haatuf waa kuwan mar kasta talaabadan ku tilmaamaya mid madaxweyne Siilaanyo iyo qoyskiisu ay kaga aargoosanayaan isla markaana ay marwadu aaminsan tahay in hadii ay Haatuf soo baxdo aanay gafi doonin wiilka inanta ka qaba ee Baashe Cawil’e.
Meherad aad xidhay oo dhaqdhaqaaqeedii ganacsi saddex bilood kuu xayirnaa hadana intaad go’aan maxkamadee ku baabiiso waliba iyagii magdhaw ka doon iyana waa mid subxaanala oon dunida hore uga dhicin.