Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

June 31, 2014                                              

 

 

 

 

Xarunta Xuquuqal Insaanka Oo Xukuumadda Siilaanyo Ka Dalbatay In Degdeg Maxkamad Loo Horgeeyo Wasiir Ku Xigeenkii Hore Ee Amniga

“Waxaanu Dawladda U Soo Jeedinaynaa Inay Joojiso Ficilada RRU-da Ee Ka Soo Horjeeda Shuruucda Somaliland, In Si Madax Banaan Loo Baadho Cabashooyinka Ka Dhanka Ah RRU-da”Ku Simaha Agaasimaha Fulinta Axmed Xuseen Cabdi
Hargeysa, June 30, 2014 (Haatuf) – Xarunta Xuquuqal Iinsaanka Somaliland ayaa xukuumadda Siilaanyo ka dalbatay in degdeg Maxkamad loo horkeeno Wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga ee wasaaradda daakhiliga Md C/laahi Abokor Cismaan, kaas oo mudo bil ah maxkamad la’aan ugu jira xabsiga dhexe ee magaaladda Hargeysa.
Xarunta Xuquuqal Iinsaanku waxay xusseen inaan amar qabasho Maxkamadeed aanay ciidanka Bilaysku marka hore ee ay gurigiisa ku weerareen C/laahi Abokor inaanay haysanin oo ay sifo sharciga baalmarsan xabsiga ugu taxaabeen, nidaamkaas oo ay ku doodeen inuu ka soo horjeedo qodobka 25-aad ee Distuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaana sidaasi lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta xuquuqal Iinsaanka oo uu ku saxeexan yahay Ku-simaha Agaasimaha Fulinta hay’adaas Md Ahmed Hussein Abdi, kaas oo isaga oo dhamaystiran u dhignaa sidan “31 kii May 2014, abaaro 1:30kii habeenimo, unuga ka tirsan Booliiska Somaliland ee loo yaqaan RRU waxay weerareen guriga uu degenaa Cabdilaahi Abokor Cusmaan, Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Amniga ee Wasaaradda Arimaha Gudaha. Caruur ayaa joogtay guriga markii weerarku dhacay. Mid ka mid ah ilaaladiisa ayaa ku dhaawacmay rasaas la is-waydaarsaday. Ma jirto wax eed ah oo lagu soo oogay Cabdilaahi.
Cabdilahi waxa la xidhay iyada oo aan Booliisku wadan amar qabasho oo maxkamadi soo saaray. Taas oo ka soo horjeedda qodobka 25 ee dastuurka oo sheegaya in anaay banaanayn in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin garsoore awood u lihi.
Cabdilaahi ilaa hadda wuu xidhan yahay isaga oo aan la horgeyn maxkamad inkasta oo sharcigu si adag uu waajibiyay in qof kasta oo xidhan sida ugu dhaqsaha badan loo horgeeyo mudo aan ka badnayn 48 saacadood oo ka bilaabanta markii la xidhay maxkamadda awood u leh sida ku cad qodobka 27 ee dastuurka iyo qodobka 39 ee Xeerka Habka Ciqaabta.
Booliisku waxay ku tuureen guriga markay xidhayeen Cabdilaahi sunta indha ka ilmaysiisa. Sacdiya Maxamed Cali oo ah xaaska Cabdilaahi waxay Xarunta u sheegtay in caruurtii guriga joogtay ku xanuunsatay kadib suntaas lagu soo riday guriga iyo argagaxa ay ka qaadeen rasaasta la is-waydaarsaday.
Sacdiya waxay Xarunta u sheegtay inay ku baraarugeen rasaas, caruurtuna ay argagexeen. Sacdiya waxay ku dooday in Cabdilaahi la xidhi kari lahaa xilli maalin ah oo aanay jirin baahi loo qabay in la soo weeraro guriga saq dhexe.
Xoogga lagu galay guriga la degen yahay oo ay caruuri hurudo kowdii habeenimo waxay ka soo horjeedaa qodobka 29 ee dastuurka iyo qodobka 44 ee Xeerka Habka Ciqaabta.
Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ka welwelsan tahay ficilada RRU da oo isticmaala habab aragagax gelin ah islamarkaana aan raacin shuruucda Somaliland u yaal marka ay cid xidhayaan, wax baadhayaan ama wax qabanayaan.
Xarunta Xuquuqal Insaanka waxay ka codsanaysaa dawladda Somaliland:
1. Inay Cabdilaahi Abokor Cusmaan sida ugu dhaqsaha badan u horgeyso maxkamad awood u leh ama xoriyadiisa u soo celiso
2. Inay joojiso ficilada RRU da ee ka soo horjeeda shuruucda Somaliland
3. In si madax banaan loo baadho cabashooyinka ka dhanka ah RRU da”