Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 July 2 2014                                             Ramdaan 4,1435H     

 

 

 

 

Xaaska Wasiir Ku Xigeenkii Hore Ee Amniga Oo Ka Dayrisay Xaaladda Caafimaad Ee Laba Ka Mid Caruurteeda Oo Ay Sheegtay Inay Waxyeelaysay Suntii (Gas-Mass) Ay Ciidanka RRU-Du Adeegsadeen Habeenkii  Ay Odaygeeda La Baxeen

”Xirsi Wuxuu Qorsheeyey In Guriga La Burburiyo Oo Beebee La Dulmariyo Laakiin…, Garan-Maayo Balse Waxaan Xasuustaa Horaantii 2009-Kii C/Laahi Iyo Hooyadii Oo Wada Sheekaysanaya Ayaa…, Dhakhtarkii Aan U Geeyey Wuxuu Ku Taliyey In….”Marwo Sacdiya Maxamed

Hargeysa, June 31, 2014 (Haatuf) – Xaaskii wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga C/laahi Abokor Cismaan Marwo Sacdiya Maxamed Cali ayaa ka dayrisay xaaladda caafimaad eel aba ka mid ah caruurteeda oo ay sheegtay inay waxyeelo caafimaad u gaysatay suntii (Gas-Mass) ay ciidanka RRU-du gurigooda ku soo tureen habeenkii ay la baxeen Odaygeeda.

Marwo Sacdiya waxay intaas ku dartay in labadan caruur ah oo mid da’diisu tahay saddex jir ka kalena uu jiro 8 bilood uu u sheegay dhakhtarkii ay u gaysay inay suntaasi ay u raacday hawo-mareenka isla markaana aan dalka waxba lagaga qaban-karin oo ay u baahan yihiin dhakhtar dibadeed taas oo ay xusstay inaanay wakhtigan suurta-gal u ahayn maadaama oo uu odaygeediina xidhan yahay iyaduna aanay haysanin cid ay kaga tagto caruurteeda kale.

Xaaska C/laahi Abokor waxay sidaasi ku sheegtay Waraysi ay maanta gurigeeda magaaladda Hargeysa  ku siisay Wariye Naasir Aadan Maxamed (Nawaa) oo ka tirsan bahda Wargeyska Haatuf ee ay xukuumadu xadhiga iyo xayiraada iskugu dartay, kaas oo ay Marwo Sacdiya Maxamed Cali kaga xog-warantay arrimo door ah.

 

S: Waxaad Ka warantaa xaaladda caafimaad ee Odaygaaga ee wakhtigan?

 

J: Xaaladiisa caafimaad way wanaagsan tahay, dhaawac soo gaadhayna ma jiro laakiin ninkii kale ee dhaawaca ahaa ee la xidhnaa oo wali xabadii ku jirto ayaa ku jira jeelka oo dhiig u baahan oo sida nagu maqaalo ah in dhiig lagu shubo loo diiday, isla markaana arrintaasi ayaa daboolka ka qaaday cadaawada iyo masuuliyad darada xukuumadda talada haysa. Waxa kale oo jira laba caruur ah oo aan dhalay oo mid saddex jir yahay iyo mid 8 bilood jiro oo ay Gas-Mass u raacday hawo mareenka markii aan dhakhtarka u geeyeyna wuxuu ii sheegay oo uu igula taliyey in dhakhtar dibadeed loo qaado,  kama tagi karo caruurta kale sababta oo ah Odaygiina wuu xidhan yahay.

 

S: Maxaad kala socotaa arrinta saraakiil ka mid ah Sirdoonka Ingiriiska oo maalmihii u danbeeyey warbaahintu qoraysay inay xabsiga ku booqon doonaan C/laahi Abokor?

 

J: Arrintaasi way jirtaa laakiin waxaanu ognahay inay dawladu diidan tahay inay la kulmaan C/laahi oo ay ugu taggaan xabsiga, waxaana nagu maqaalo ah inay xukuumadu u sheegtay qoladaasi Ingiriiska ah inuu ku jiro xabsiga Mandheera isagoo ku jira jeelka Hargeysa markaa adigu waa xukuumad fashilantay iyo caadadeed oo ceebo aan qarsoomaynin ayey daboolaysaa ee bal waynu eegi halka ay kala soo dhacdo.

 

S: Ma Jirtaa xog rasmi ah oo aad ka haysaan ciidanka idin soo weeraray habeenkii Odaygaaga guriga lagala baxay cida soo dirta ama amarkaasi soo bixisay?

 

J: Haa, waxa na soo weeraray habeenkaasi ciidan ka badan 70 askari oo watay 11 gaadhi oo Tikniko ah, amarkaasna waxa laga soo bixiyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo C/laahi Abokor aad looga tixgalin jiray, sida ay sheegeen dad xogogaal ah oo xukuumadda ka tirsani amarka 1-aad waxa soo siiyey masuuliyiinta wasaaradda daakhiliga Wasiirka Madaxtooyadda Mr Xirsi iyo Wasiir ku xigeenka Amniga ee imika Cali Hadh-dheer.

 

Xirsi wuxuu qorsheeyey in guriga la burburiyo oo Beebee la dulmariyo laakiin Cali Hadh-dheer ayaa amray in suntan khatarta badan lagu rido guriga, waxaananu la yaabnay markii uu Wasiirka Arrimaha Guduhu u sheegay Odayaasha reerka inaanu ogayn weerarkii lagula baxay C/laahi Abokor oo ahaan jiray masuulkii isaga ku xigay.

 

S: Ma ogtahay adigu waxa sababay khilaafka u dhaxeeya Odaygaaga (Wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga)  iyo Xukuumadda?

 

J: Garan-maayo laakiin waxaan xasuustaa horaantii 2009-kii C/laahi iyo Hooyadii oo wada sheekaysanaya ayaa waxaan hadalkeedii ka xasuustaa oo ay hooyadii ku tidhi “Gabadhan Aamina Waris maaha haweenay abaal leh waayo walaalkeed Cali Jirde oo soo koriyey oo wax baray oo nolasheeda oo dhan lahaa ayey ka xishoon wayday oo isaga oo buka oo sariirta saaran ayey Maxkamadda uga yeedhay si ay u dhaxal-wareejiso, maadaama oo walaalkeed Cali Jirde aanu dhalin caruur balse uu caruur soo korsaday” waxaanay C/laahi Abokor hooyadii intaas raacisay “gabadha walaalkeed oo ildaran oo xanuunsanaya qiimayn wayday oo ka xishoon wayday ma cid kale ayey qiimayni hooyo?”. Markii ay C/laahi hooyadii intaas tidhi ayuu isaguna ugu jawaabay “Ilaahay ayaa wax qiimeeya inay doorashada ku guulaysan iyo in kale Alle ayaa og laakiin hooyo waa gabadh eedo ii ah oo ilaa caruurtii walaalkeed dhalay ee Ilma Xasan Jirde UDUB ka noqdeen ee waan la shaqaynayaaye hooyo iigu ducee”.

 

S: Ugu danbeyn ma jiraa wax baaq ah oo aad u dirayso bulshadda Somaliland, Xukuumadda amabase beesha caalamka oo aad codsan lahayd?

 

J: Haa, waxaan jeclaan lahaa inaan fariin u diro bulshadda Somaliland ee wanaaga jecel iyo beesha  caalamka, kuwaas oo aan ugu baaqi lahaa inay ka dhiidhiyaan xumaanta iyo dulmiga xukuumadda Siilaanyo waddo, waxaanan kula talinayaa in diidaan oo aanay aqbalin waxkasta oo cadaalada ka fog. Anigu imika waxaanu ka mid nahay dadka dulmiga ku dhacay oo waxa caruurtaydii loo adeegsaday Sun ay Qaramadda Midoobay joojisay sanadkii 1991-kii oo ka mabnuuc ah in dadka loo adeegsado, markaa run ahaantii waxa dalka ka dhacayaa waa nasiib darooyin jira oo aan loo dulqaadan karin oo waxaaban odhankarnaa waxa dalka ka dhacaya wax ka daran wixii ka dhici jiray wakhtigii Siyaad Barre. Aniga aabahay waxa uu ka mid ahaa ragii la isku xidh-xidhay ee lagu laayey meesha la yidhaahdo Mako Durduro ee dhawaan lafahooda la soo faqay, markaa wixii aabahay u dhintay in maantana anigii iyo ubadkaygii lana dulmiyo waa nasiibdaro ee bulshadda Somaliland ee cadaaladad jecel waxaan leeyahay ha yeelina dulmiga xukuumadda Siilaanyo.