Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 July 4 2014                                             Ramdaan 6,1435H     

 

 

 

 

Maxay Baadhitaanada Bilayska Somaliland Natiijo La’aan Ugu Dhamaadaan Ee Ka Djibouti Uga Xariifsan Yahay; Qalinkii Axmed Ismaaciil Mooge

Markasta oo dalka Faldambiyeed wayni ka dhaco waxaynu maqalnaa Bilayska ayaa arrintii baadhaya laakiinse marna maynu maqal Natiijo wax-ku ool oo ka soo baxday baadhitaankii laynoo sheegay in Ciidanka Bilaysku ku maqan yihiin.

Bishii October 2008-dii waxay Al-Shabaab qarxisay Madaxtooyadii dhamayd ee dalka Somaliland, Qunsuliyadii Ethiopia oo ahayd ta kaliya ee dalka ka furan iyo xaruntii Qaramadda Midoobay ee UNDP.

Ilaa hadda C/laahi Fadal iyo Bilayskiisu wali inoomay sheegin xataa magacyadda dadkii falkaa gaystay bal kuwii ka danbeeyey, kuwii hagayey iyo kuwii taakulaynayey iskaba daayoo.

Barbar dhig taas natiijooyinka ay Bilayska Djibouti ilaa hadda ka gaadheen baadhitaankii ay ku samaynayeen qaraxii bishii hore dabayaaqadeedii ka dhacay makhaayad ay dadka ajanabiga ahi ku cunteeyaan oo ku taala caasimadda dalkaasi, waxaad dabeeto arkaysaa Bilays leh nidaamkii wax lagu baadhi jiray ee la yiqiinay (Stander) iyo dadkii muhaniyiinta ahaa ((Professional) ee ka shaqaysiinayey oo Bilayska Djibouti ah iyo mid aan intaaba lahayn oo ka Somaliland ah. Bilayska Djibouti dabcan la mid maaha umana dhawa FPI ama Scotland Yard-ka Ingiriiska oo xataa Bilayska Dubia ayaanu ka Djibouti ku gaadhayn dhinaca aqoonta iyo awoodaha farsamo.

Hase yeeshee Bilayska Djibouti waxbaa u dhisan oo shaqaynaya oo todoba cisho qaraxaa dabadeed waxay sheegeen magacyadii labadda ruux ee is qarxiyey, waxa la ogaaday kuwii gudaha Djibouti iyo dibadeedaba ka taakulaynayey iyo waxyaabo la mid ah.

Waxay ku joogsadeen raadkii hawlgalka ilaa halkuu ka soo bilaabmay iyo marxaladaha uu soo maray ilaa uu Djibouti soo gaadhay. Dadka la doondoonayo ayey xataa qaar ka mid ah sawiradoodii soo dhigeen warbaahinta iyadoo saddex ka mid ah oo Somaliland lagu sheegay mid la qabtay oo Djibouti lagu wareejiyey. Bilayskoodu markay la kulmaan waxa aanay aqoon u lahayn ama ku adkaada sida Bilayska Somaliland kama khajilaan inay u yeedhaan cid ka caawisa oo uga aqoon badan arrintaas fahankeeda ama baadhisteeda.

Arrintu maaha Djibouti waa dawlad la aqoonsan yahay ee waxa weeyi Djibouti ma dhayalsato (kuma safaado) shaqooyinka u baahan dadka muhaniyiinta ah sida dambi-baadhista oo kale oo kama suurtowdo madaxwaynaha dalkaas wixii kale ee lagu dhaliilayaa iyadu waa gooniye.

bal wax kaleba ha inoo dambeeyee inuu ogolaado in dad aan macrifadii iyo xirfadii (Skills) loo baahnaa lahayni hadana baadhayaal ku magacawnaadaan oo meesha ha iska joogjoogaan sida Somaliland ama uu hogaanka Bilaysku u magacaabo qof uu ogyahay inaanu lahayn kartidii iyo aqoontii uu xilkaasi kaga soo bixi lahaa sida Somaliland, balse markay jagadii Taliyaha Bilayska Djibouti banaanaatay waxay ka waddi wayday inuu u dhiibo sarkaal Bilays oo soo maray jaran-jarooyinka dalacaadaha (Career Officer). 

Amaanka ummadda oo ka Madaxwaynuhu kow ka yahay ayaa sidaas ku xidhan oo u baahan.

Inaga Madaxwaynaheenu wuxuu Taliyaha Bilayska dalka u magacaabay C/laahi Fadal.

Waxa la yidhi saraakiishii hogaanka markaas joogtay ayaa qaar ka mid ah laysu diray inay soo xulaan qofka noqonaya Taliyaha cusub ee Bilayska ka dib markii uu geeriyooday Alle ha u naxariistee Taliyihii hore ee Maxamed Saqadhi Dubad.

Saraakiishan oo xilalka ay hayaan ku yimid Wasto ama Saami-beeleed ayaa waxay doorteen mid sidooda oo kale ah kaas oo ahaa C/laahi Fadal. Caqabadaha Bilayska Somaliland hortaagan waxa kow ka ah Saddexdii Nin ee u sareeyey oon lahayn aqoontii waxbarasho iyo farsamo-ba ee ay ku hanankari lahaayeen xilalkay hayaan.

Da’da kasokow xitaa maaha niman aqoontooda kor loo qaadi karo (Untrainable) tababaro koorsooyin dibadeed oo la siiyo oo waxa haysta mushkilad afka ah oo luuqadaha ajanabiga ah ee loo adeegsado aqoonkorodhsiga cilmiyada kala duwan ee Bilays-nimada midna kama yaqaanaan, kolkaasay iska cadahay in Bilayska madaxdiisa caynkaas ahi aanay horumar iyo horusocod toona (Development & Progress) samaynkarayn oo C/laahi Fadal waa dabiici intuu kari karo inuu ka warwareego in la kobciyo aqoonta saraakiisha da’da yaryar ama ay Bilayska ku soo biiraan dhalinyaro la tababari karo (Trainable) oo dugsiyadda sare ama kuuliyadaha shuruucda ka soo baxday.

Mudadii 10-ka sano ka badnayd ee uu C/laahi Fadal hogaanka sare ee Bilayska ka midka ahaa ma jirto hal baadhe oo aqoon fiican yeeshay oo la odhankaro isagaa soo saaray. Ka Sirdoonka haystaana isna waa la mid oo aabahay goblantiibaa lagu keenay. Adigoo isleh kolkaas malaha Madaxwaynuhu wuxuu doorkan xulan doonaa Wasiirul-daakhili la yimaada caqli, aqoon maamul iyo xigmad uu ku dabooli karo galdaloolooyinka ka muuqda Taliska Bilayska ayaaba mise wuxuu magacaabayaaba Cali Warancade oo mid ka mid ah qolooyinka gunti-gaabka ah ee la taliya uu u amaanay.

Hadda waa nin Lixdamaadkii askari Bilayska Aadaabta ah intuu noqday markii danbena Ina Saleebaan Dafle uu u soo wareejiyey NSS-ta ayaa la doonayaa inuu kala waddo hawlaha Wasaaradaha arrimaha gudaha ee u baahan inuu hogaankeeda loo dhiibo qof la soconkara qarniga 21-aad ee aynu ku jirno.

Waa run oo qofka nidaamka (System) ayaa ka mihiimsan. Laakiin xaqiiqadu waxay tahay ma jiro nidaam inoo dhismayaa haddii aanay marka horeba jirin madax ogol oo dhiiri-galinaysa in nidaamyo inoo dhismaan oo aqoonta iyo cilmigu ina hagaan.

Hadiise aynu noqono waddo halaq-mareen ah oo kii Djibouti soo qarxinayey iyo kii Ethiopia soo qarxinayeyba dalkeena u sii maraan qarax danbena saw inaga inala soo beegsan maayaan Ilaahay inaguma keenee.

Waxba may ahaateen haddii ay dadwaynaha dalka gudihiisa ku nool uun ka xaqab-tirayaan baahida ay u qabaan Bilays u heelan oo u adeega. Haddii xaafad Magaaladda ka mid ah mushkiladi ka dhacdo waa inaad tagtaa Saldhiga Bilays ee kuugu dhaw oo inta badan masaafad dheer jirra.

Qofkii oo rubad go’ay ayaa haddana la odhanayaa Bilays ma hayno ee woxogaa na sug hadii aanad baabuur wadana kuma raacayaanba. Taas waliba waxa dheer haday ku raacaana jaadkii oo hadhaw lagu waydiinayo. Markaad eegto lacagta qaraqa ee Bilayska ku baxda inamada askarta ah Mushahar fiican oo ay kaga maarmi karaan dhibta ay dadkooda ku hayaan ayaa uga soo bixi lahaa miisaaniyada Bilayska loo qoondeeyo laakiin wixii ay ahayd in lagu daryeelo asktarta hogaanka ayaa madaxyadda miisaaniyada ku xasaysta.

Qaar badan oo askarta ka mid ah ayaa Wasto u gala inay ilaaliye ka noqdaan shirkadaha, hudheelada waawayn, gaadiidka wasiiradda, jaamacadaha, madarasadaha IWM si ay laba mushahar u qaataan.

Waxase waxkasta isku fuuqsada nidaamka caaglaynta ee hogaanada iyo xataa wasiiradda qaarkood ay lacagta faraha badan ku qaataan askar aan jirin.

Ciidanka Bilayska ee uu dhexmushaaxayo musuqmaasuqa sharciyeysan ee  noocaas ahi baadhitaan ay inta dhamaystiraan natiijo la qaadan karo ka soo saaraan ha inoo joogtee inagaaba nasiib badan hadii aan la inoo soo dhexmarin.

 

Qalinkii Axmed Ismaaciil Mooge.

 

Hargeisa/Somaliland.