Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 July 5 2014                                             Ramdaan 7,1435H     

 

 

 

 

Haatufka Maanta

Waaryaadheen yaa yidhi reer Siiraanyo doorashay doonayaan sawkuwan taw ku siinaya meeshay maqlaan waxyar oo lacagaa ku ururtayba ee wadaadkii yaraa ee Saamiri ee ay ayaantii dhawaad  haamaha dhigteen weerarka ku soo qaaday ee Milyan iyo boqolkii kun $ ee Ina Gahayr meesha kaga tagay ee waliba Baanka Berbera uu wadaadkani kala baxay iyadoon Samaale Okey-gareyn.

Waar nin Qoyskiisu dalkii xaalufinayaa malaha doorasho hunguri kama hayee arrintu waxay u eegtahay in odaygii iyo Islaantii ay quusteen oo ay halkoodii qaboobayd iskaga noqonayaan ee bal ninka Siiraanyo xil u hayoow lacag ha isku ururinin ilayn waydinkan arkaya kii xalay oo kale Awqaafta Tafsiirka ka akhriyey oo subaxdii danbena Jiif-cadee kaga jira Haamihii shidaalka’e.

Tolow wixii hore xagay qabteen Ma kii Magaagsanaa ee Waji-xun ayaa Islaantii kala aamusay woxogaagii dibadda la dhigay.