Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 July 7 2014                                             Ramdaan 9,1435H     

 

 

 

 

Madaxtooyada Oo Ka Jartay Mushahar Xil-Sugid Ah Oo Uu Qaadan Jiray Cabdilaahi Geel Jire Iyo Nuxurka Halka Laga Raacay

 

Hargeysa, June 6, 2014 (Haatuf) -Xogaha qarsoon ee shabakada wararka ee ramaasnews ay helayso ayaa sheegaya in Wasiirkii hore ee Wasaarada Kaluumaysiga Somaliland Md:Cabdilaahi Cismaan Geeljire ay Madaxtooyada Somaliland ka joojisay mushahar  Xil sugid ah oo uu ka qaadan jiray aqalka madaxtooyada Somaliland kadib markii ay ku tuhuntay in uu la safan yahay Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.

 

Ma jiraan warar rasmi ah oo ku saabsan soo shaacbixida arintani balse waxaa ay wararku tibaaxayaan in madaxtoyada Somaliland ay si xooga uga xanaaqday kulan Dalka Finland ka dhacay kaasi oo uu Cabdiaahi Geel jire uu isku soo horfadhiisiyey Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Pro:Axmed Ismaaciil Samater si ay uga wada hadlaan in uu Pro:Samatar uu Musharax Madaxweyne ku xigeen uu u noqdo Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.

 

Arintani ayaa Isla markiiba waxaa jawaab cad ka bixisay Madaxtooyada Somaliland oo ugu hanjabtay Cabdilaahi Geel jire in ay ka jarayso Mushahar heer wasiirnimo ah oo uu ka qaadan jiray Madaxtoooyada,waxaana dabayaaqadii bishii May ee aynu soo dhaafnay toos ah looga jaray Musharkii uu u xaadiri jiray tan iyo markii laga qaaday Xilka Wasiirnimo ee Wasaarad Kuluumaysiga iyo Khayraadka Bada Somaliland.

 

Wasiirkii hore  Wasaarad Kaluumaysiga Md:Cabdilaahi Geel Jire ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu xilka ka qaaday horaan bishii waxaana lagu lifaaqay waraaqda Xilka qaadistiisa in aan la eryin Wasiirka oo shacabk reer Somaliland ku noqtay wax ku cusub hanaank Xilka xayuubinta Masuuliyiinta haya Xilalka dawalda Somaliland,waxaaana uu Geel Jire uu qaadan jiray Mushahar ay Madaxtooyadu ugu magacdareen Mushaharka Xil Sugida. Sources; Ramaas.