Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 July 8 2014                                             Ramdaan 10,1435H     

 

 

 

 

“Xukumada Waxa Waajib Ku Ah Inaanay Qaladkeeda Ku Adkaysan Ee Ay Sida Ugu Dhakhsaha Badan U Soo Deyso Madaxda Haatuf Ee Dulmiga Ku Xidhan, Xayiraadana Ka Qaado Labada Wargeys Ee Haatuf Iyo Hubaal” Guddoomiyaha Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac

Hargeysa, June 7, 2014 (Haatuf) - Gudoomiyaha  Ururkii doorashadii deegaanka ku hadhay ee  Xaqsoor Mujaahid Xasan Ciise Jaamac isla markaana ahaa Madaxwayne ku xigeenkii u horeeyey Somaliland ayaa si adag u naqdiyey dhaqamadda xukuumadda Siilaanyo ee xoriyatul-qawlka ka dhanka ah.

 

Xasan Ciise waxa uu xukuumadda ugu baaqay in xal kama dambays ah ka gaadho xayiraada wargeysyada Haatuf iyo Hubaal oo uu sheegay in dhaliilo badan ay Somaliland ku mutaysatay, kaas oo xadhiga madaxda Haatuf iyo xayiraada labadaas Wargeysba ku tilmaamay dulmi cad oo aan la qarin karin. Waxaanu sidaasi ku sheegay Xasan Ciise warsaxaafadeed kooban oo uu soo saaray Mujaahid Xasan, kaas oo nuqul ka mid ah Haatuf soo gaadhsiiyey, isagoo dhamaystiran u dhignaa sidan:-

 

“Nin wasiir ah ayaa laga soo sheegay in dulmiga ay xukumadani ka gashay Haatuf iyo Hubaal uu dulmiga ay xukumadani ku hayso saxaafada guud ahaan ka dib dulmigii aan xadka lahayn ee cadaanka ahaa ee doorashooyinkii ugu dambeeyay, xukumadani iyada ayaa isu qoday oo isku riday bohol daran oo liidata. In badan ayaynu u soo taagnayn dawlad Afrikaan ah oo dariiqa toosan in tay ka leexato qardajeex dhiidhi iyo dhoobo ay ku dhex bakhtido.

 

Dhawr arimood ayaa jira oo aduunku maanta fiira gaara u leeyahay. Waxa ka mida arimaha saxaafada,arimaha haweenka,arimaha dadka laga tirade badan yahay iyo arimo dhaqan. Kuwa dambe aduunka waa lagala doodi karaa qaababkooda iyo qorshahooda. Laakiin arimaha saxaafada aduunka waxa uga yaal nidaam mudo dheer la soo tijaabiyay oo cid kasta faa’iidoo u ah.

 

Sababta oo ah xoriyada saxaafadu waxa ay ka kaw tahay xoriyatul qawlka oo iyaduna kaw ka ah xoriyada iyo xurmada aasaasiga ah ee bilaw aadmiga oo dhan. Laba arimood oo aasaasi ah ayaa seegay xukumaduna, markii ay xidhay wargeesyadii Haatuf iyo Hubaal.

 

Kaw, waxa seegtay inay xukumadu baadhitaan madaxbanaan oo shicibku ku kalsoonaan karo ku sameyso eedeymihii ay wargeesyadu u soo jeediyeen. Baadhitaankaasi  hadii uu u markhaati furo wargeesyada, wargeesyadu abaalgud ayay leeyihiin. Hadii se baadhitaankaas madaxabanaani uu cadeeyo inaanay wargeesyadu qorin eedeymo sax ah, ama aanay ku qaldamin arinta ayaga oo ka daacad ah . waxay ahayd in markaas arintooda loo maro xeerka, saxaafada ooy ku muteysan karaan ganaax mudaysan.

 

Imika iyo haatan, xukumada waxa waajib ku ah inaanay qaladkeeda ku adkaysan ee ay sida ugu dhakhsaha  badan u soo deyso madaxda Haatuf ee dulmiga ku xidhan iyo inay xayiraada ka qaado labada wargees ee Haatuf iyo Hubaal”.