Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 July 8 2014                                             Ramdaan 10,1435H     

 

 

 

 

Dagaalka Qarsoon Ee Wasiiradda Gunti-Gaabta Ah Ee Xukuumadda Somaliland Kula Jiraan Saxaafadda Xorta Ah

Hargeysa, June 7, 2014 (Haatuf) - Cadaawadda ay Xaaska Madaxwaynaha Somaliland iyo Baashe Cawil u qabaan Saxaafadda Xorta ah ee dalka iyada waynu ka dharagsanayn oo wax inagu seegani ma jiro laakiin dadka inyar baa og in Wasiiradda gunti-gaabta ah ee ku jira xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ay cadaawad la mid ah ta Aamina Waris iyo Baashe ama kaba sii daran u hayaan warbaahinta madaxabanaan oo ay mabda’iyan diidan yihiin in warbaahin xor ahi ay dalka ka hana-qaado, iyadoo ay ka cabsi qabaan inay saxaafadu qashifto ama ay daboolka ka qaado dhaqdhaqaaqyadooda qarsoon ee ay ka wadaan gudaha Somaliland iyo xidhiidhada dibadeed ee ay la leeyihiin ururada ay xubnaha ka yihiin daacadana u yihiin sida Al Ictisaam iyo Al Islaax (Akhwaanul-Muslimiinta).

 

Waxa kooxdaasi colaada ay saxaafadda u hayso safka hore kaga jira Maxamuud Xaashi Wasiirka Duulista iyo hawadda. Xog aan la faafin oo mid ka mid ah hay’adaha sirdoonka reer galbeedku ay ka ururisay Maxamuud Xaashi intii uu Wasiirka ahaa ayaa ku tilmaamtay inuu yahay nin xidhiidh firfircoon la leh Ashkhaas xubno ka ah urur xag jir ah oo ka jira Mandaqada.

 

Waxyar ka dib markii uu xilka ilaa hadda uu hayo loo magacaabay, Maxamuud Xaashi wuxuu xukuumadda ka dhex bilaabay olole balaadhan oo ka dhan ah saxaafadda xorta ah ee xukuumadda Siilaanyo horteed lagu majiiran jiray Somaliland, taas oo wakhtigan gabal-baasi u dhacay.

 

Wuxuu isku dayey inuu qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiiradda uu ku dhiiri-galiyo inay taageeraan talaabooyin lagu cabudhinayo warbaahinta xorta ah, waxaanu Maxkamadaha ka dacweeyey ugu jiraan laba Wargeys isagoo lacag badan ku bixiyey sidii uu garsoorka ugu qancin lahaa in xadhig iyo xayiraad lagu xukumo labadii Wargeys ee uu dacweeyey iyo masuuliyiintoodii oo imika Xabsiga ku jira.

 

Inkastoo bilawgii aanu ololahiisa noqon mid midho-dhal ah oo aanu taageeradii loo baahnaa ka helin saddexda waaxyood ee dawladda haddana dedaalkiisii iyo badhi-taageeradii uu ka helayey Wasiiradda gunti-gaabta ah waxay xukuumadda ka dhex abuureen oo sanadihii danbe la arki doonaa jawi colaadeed oo jihaysan warbaahinta madaxabanaan taas oo Marwada Madaxwaynaha Aamina Waris iyo wiilka ay sodohda u tahay ee Baashe Cawil-na ay iyaguna dhinacooda ka wadeen.

 

Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi ayaa dacwadihii hore ee ka dhicisoobay ka dib wuxuu ku guulaystay in ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud loo magacaabo Aadan Seed (Aadan Gudhuu Jug-soo dhacay) oo ay isku beel yihiin, kaas oo uu ka soo wareejiyey xafiiska xeer ilaalinta ciidanka qaranka ee Caynabo si marka ay xukuumadda ka soo wada go’do in la galo dagaalka saxaafadda uu diyaar u ahaado fulinta qaybta isaga kaga soo hagaagaysa oo ah ta ugu mihiimsan. Hase yeeshee looma baahan go’aan golaha wasiirada ka soo baxa ee waxa hawshii dardar galiyey oo fududeeyey Aamino Waris iyo Wiilka inanta ka qaba ee Baashe Cawil, waxaana la bilaabay olole lagu ugaadhsanayo dadka ka shaqeeya mihnadda saxaafadda isla markaana lagu tirtirayo xoriyadii warbaahinta iyadoo ay xukuumadda Siilaanyo ku talaabsatay tacadiyo iskugu jira cago-juglayn, xadhig, jidh-dil iyo xayiraad ay kula kacday warbaahinta dalka afartii sanadood ee ay xilka haysay.

 

Maxamuud Xaashi ayaa mudadii ay dacwadii Haatuf socotay ahaa Wasiirka ugu mawqifka adag ee marwalba Marwadda Madaxwaynaha iyo Baashe Cawil ku taageerayey in xukun adag lagu rido masuuliyiinta Haatuf, isla markaana aan Wargeys-yada Haatuf iyo Somaliland Times Xayiraada laga qaadin iyadoo mar ay odayaal iskood isku xilqamay u tageen Madaxwayne Siilaanyo si ay arrinta Haatuf ugala hadlaan uu Maxamuud Xaashi intuu Madaxwaynihii ka daba-hadlay erayo aflagaado ah odayaashii ku weeraray, una muujiyey heerka ay taagan tahay cadaawada uu u qabo Wargeys-yadan Xayiran iyo guud ahaan saxaafadda xorta ah ee dalka.