Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 July 12 2014                                             Ramdaan 14,1435H     

 

 

 

 

Xidhiidhkii Somaliland iyo Ethiopia Oo Cakirmay: Madaxwayne Siilaanyo Iyo Xubno ka tirsan Xukuumadiisa Oo Dirqi Loogu Ogolaaday Fiisihii Ethiopia

Hargeysa, June 12, 2014 (Haatuf) - Xidhiidhka Somaliland iyo Ethiopia ayaa hadda gaadhay heerkii ugu xumaa ee ina soo mara inta la xasuusankaro, iyadoo shaki wayn oo khuseeya arrimo xaga amaanka ahi uu soo kala dhex-galay labada xukuumadood ee Hargeysa iyo Adis-ababa, waxaanay arrintaasi gaadhay wakhtigan heer Madaxwayne Siilaanyo iyo xubno ka tirsan xukuumadiisa dirqi loogu ogolaado Fiisihii dal ku galka ee Ethiopia.

 

Baryahanba waxa isa soo tarayey warar sheegayey in xukuumadda Somaliland ay ka dhago-adaygtay codsi xaga Ethiopian-ka kaga imanayey oo ay ku dalbanayeen in wax laga qabto xubno ku sugan Somaliland oo la tuhunsan yahay inay xidhiidh dhaw la leeyihiin ururada argagixisada isla markaana khatar ku yihiin amaanka labada Wadan iyo guud ahaan ka mandaqadaba, iyadoo sida la sheegay ay Wasiiro ka mid ah xukuumadda Siilaanyo lafteeda oo xagjirnimo lagu xanto ay ka soo horjeedsadeen in wax talaabo ah laga qaado shakhsiyaadka ay farta ku fiiqeen ee loo tirinayo xaga ururadda mayalka adag.

 

Dawladda Ethiopia ayaa dhawaan xidhay dhinaceeda xadka labada dal u dhexeeya. Waxa kale oo ay Qunsuliyada Ethiopia ee Hargeysa joojisay Fiisooyinkii dalkeeda lagu galayey arrimo la xidhiidho xaga nabadgalyada awgood, iyadoo la sheegay in Ethiopia gudaheeda lagu qabqabtey dad dhinaca Somaliland ka soo galay oo doonaya inay falal argagixiso ah ay halkaas ka fuliyaan.

 

Sidoo kale xadka Somaliland iyo Djibouti ayaa isna gabi ahaanba la xidhay ka dib markii la ogaaday in labadii qof ee fuliyey is-qarxintii dhawaan ka dhacday Djibouti ay dalkaasi ka soo galeen dhinaca Somaliland.

 

Madaxwayne Siilaanyo ayaa waxay ahayd inuu Arbacadii dhawayd u kicitimo safar baadhitaan caafimaad ah oo uu ku tagayey magaaladda London iyadoo qurshuhu ahaa inuu maalin ama laba maalmood ku hakado Adis-ababa si uu ula kulmo madaxda sare ee Ethiopia. Hase yeeshee waxa safarkiisaasi u baaqdey Qunsuliyada Ethiopia oo joojisay inay bixiso wax Fiiso ah oo ay siiso dadka reer Somaliland ee u socdaalay dalkeeda iyadoo fulinaysa amaro kaga yimid dawladda dhexe ee Ethiopia.

 

Madaxwaynaha Somaliland ayaa safarkiisa London waxa ku wehelin doona Xaaskiisa, xoghayihiisa gaarka ah iyo laba dumar ah oo la sheegay inay ka shaqayn doonaan gurigiisa London ee la filaayo inuu deganaan doono mudada uu ku sugan yahay halkaas. Waana markii u horaysay oo hablo gurigiisa ka shaqeeyaa ay Madaxwaynaha iyo Xaaskiisa u raacaan dalka Ingiriiska, taas oo keentay inay dad badani u qaataan inuu ku raagi doono magaaladda London.

 

Dhinaca kale Wiilka uu Siilaanyo sodoga u yahay ee Baashe Cawil iyo xaaskiisa Luul ayaa iyagu sidii looga bartay Madaxwaynaha London uga sii horeeyey iyagoo ay Hargeysa ka amba baxeen afar cisho ka hor.

 

Sidoo kale waxa magaaladda London isku diyaarinaya dad ka tirsan ururada saxaafada iyo xuquuqda aadamaha si ay mudaharaad ay kaga xun yihiin xadhiga Wargeysyada Haatuf iyo Hubaal, khaasatan xadhiga sharciga baalmarsan ee ay hadda u xidhan yihiin Masuuliyiinta Haatuf uga hor sameeyaan guriga uu Mr Siilaanyo ka degan yahay magaaladda London.