Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 August 4 2014                                             Shuwaal 7,1435H     

 

 

 

 

“Inta Aanad Tuug Odhanin Ayey Tuug Ku Odhanayaan, Iyaga Ayaa Dalkii Halkaa Dhigay Oo Eex Iyo Qabyaalad Qandaraasyadii La Isku Siinayaa Oo Hantidii Ummadda Qabyaalad Lagu Urursanayaa, Annagu Uma Ogolin Inay Maalin Ku Darsadaan, Oo Ma Aqbalayno”

 

“Xukuumaddani Fashilaada Waxay Ku Darsatay Kibir, Madax-Adayg Iyo Dacaayad, Waa Inuu Meesha Yimaadaa Komiishan Cusub, Maanta Ictiraaf Ayaa La Filayey Ee Lama Filayn In Xuduudaha La Xidho,”Murrashaxa Madaxwaynaha UCID Jamaal Cali Xuseen

Hargeysa, August 3, 2014 (Haatuf) -Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Md. Jamaal Cali Xuseen oo wareysi gaara shalay siiyay Wargeyska Ogaal ayaa jawaab ka bixiyay eedeeymo ay xukuumadu u soo jeedisay Xisbiyada Mucaaridka ah, oo ay ku tilmaantay inay qabyaalad isticmaalayaan, isla markaana waxa uu ku eedeeyey xukuumadda inay iyadu adeegsato qabyaalada,balse ay doonayso inay ka gal-galato wax uu ugu yeedhay fashilaad. Mar la weydiiyey Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen labadiina Xisbi Mucaarid ee UCID iyo WADDANI waxay Xukuumaddu idinku eedeysay inaad kobcinaysaan qabyaalada, isla markaana inuu mid kasta si gaara u quudareynayo inuu qorshe beeleedka Habar-magaado uu isagu kasbado inay arrintaasi jirto? Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Muddadii afarta Sanadood ahayd ee uu Xisbiga KULMIYE talada waddanka hayey waxa dalka ka dhacay qabyaalad aad u fool xun, waana la og-yahay halka qabyaaladu gaadhay dalka, annagu xukunka shookaanta maanaan haynin, ee iyaga (KULMIYE) ayaa hayay, iyaga ayaa dadka kala qooqoobayay,iyaga Salaadiinta soo fadhiisinayey oo lahaa reer hebel ayaa annaga na taageersan iyo reer hebel ayaa annaga na taageersan.Annaga taasi nagamay dhicin, xukuumadii Somaliland ee dimuqraadiyada lagu doortay fadeexad ayay ku dhex jirtaaye, yaanay Xisbiyada qaranka (UCID iyo WADDANI) kula soo gal-galan.Waxa la og-yahay xukuumaddani inay xaflado aad u fara baddan oo ay ku bixisay hanta fara baddan inay maalin walba ay sameynaysay,halkee ayaa lagu arkay Xukuumad leh reer hebel ayaa igu soo biiray? Waynu ognahay Shirweynihii sadexaad ee Xisbiga KULMIYE waxa uu ku saleysnaa qabyaalad,…oo taas wax ka xun ma jiro, fadeexada noocaas oo kale ah Xisbiyada qaranku maysamaynin, Soomaalidu waxay ku maah-maahda Inta aanad tuug odhanin ayay tuug ku yidhaahdaan.Iyaga ayaa dalkii maanta halkaas qabyaalad ku dhigay,haday noqonayso eex qandaraasyo la isku siinayo oo qabyaaladeysan, iyo haday noqonayso hantidii dalka oo qabyaalad lagu urursanayo, Xukuumadda kalsooni darada ka muuqata ayay leedahay waxa nagu soo biiray reer hebel.Soomaalida nin waliba reer ayuu ka dhashay, taa macnaheedu maaha in dalka qabyaalad lagu maamulo, anigu waanigii idhi xitaa reerkaygu ma doonayo inay qabyaalad igu taageeraan, anigu waxaan doonayaa inay igu taageeraan barnaamijkayga Siyaasadeed iyo waxa aan dalka la jecelahay inaan gaadhsiiyo, dhamaan Xisbigayaga UCID oo dhan.Fashilaada ku dhacday xukuumadda iyo taageerada ay Xisbiyada qaranku ka heleen shacabka,halka uu Xisbigii KULMIYE ka yahay wax aan jirin ee laga hadal hayo Xisbiyada Mucaaridka, taas ayaa ugu wacan cabaadkan ay xukuumadu cabaadeyso ee ay kula soo gal-galanayso Xisbiyada Mucaaridka ah.Waxaan leeyahay xukuumadu dib ha isugu noqoto, dalka iyada ayaa loo dhiibay,taariikhdeediina waa la hayaa oo umaddu way ka wada dheregsan tahay.Taas waxaan u arkaa wax daciifa oo aan sal iyo raad-toona lahayn, haday noqoto qabyaalad xukuumada ayaa nooga dhow ee yaanay fashilaadeeda na lagu la soo gal-galan”. Sidoo kale, mar la weydiiyey Jamaal Cali Xuseen inaanay muuqanin sansaantii ay xukuumada Somaliland dalka diwaangelintii cod-bixiyayaasha kaga qaban lahayd si ay dalka doorasho uga dhacdo, iyadoo dadka qaar ay saadaalinayaan inay xukuumadu doonayso in muddada xilkeeda loo kordhiyo, haddii ay taasi dhacdo maxaa idinka qorsheysan? Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Annagu uma ogolin inay maalin ku darsadaan, oo ma aqbalayno sidii ay iyaguba markii ay Xisbiga KULMIYE ahaayeen u diidanaayeen inay maalin ku darsadaan xukuumadii wakhtigaas, ayaanan annaguna u ogolayn.Xukuumadu way ka cago-jiidaysaa inay diwaangelintii cod-bixiyayaasha qabato, xeerkii diwaangelinta ee la daraaf-gareeyay ee iyaga  oo gudbiyay ee ay ahayd inay Baarlamaanka u soo gudbiyaan ayaa weli qabyo ah, oo iyaga ayaa ku fadhiya. Doorashadu waxay leedahay nidaam,waxaana weeyaan in nidaamka halka ugu hooseysa in laga soo bilaabo si ay waxa kale u dhacaan,dusha iyo dhexda midna kama bilaabi kartid- marka ugu horeysay-ba waa inay dalka ka dhacdo doorasho diwaangelin leh,…..markaa waxaan leeyahay dawlada ayaa ku fadhida oo ka caga jiidaysa oo dadka meermeerinaysa, taasna aqbali-mayno, inkasta oo ay wax ku balanqaadeen bal waanu eegaynaa Kaadi baddane waa loo gogol badiyaa, oo waxaanu eegaynaa todobaadka soo socda maalinta Salaasada natiijadii ka soo baxday tijaabadii diwaangelinta, ma dhacayso muddo kordhin xukuumadda loo sameeyo”. Waxa kale oo la weydiiyey Jamaal Cali Xuseen maadaama uu qakhtigoodii uu ka dhamaaday Guddida doorashooyinka Somaliland waxa uga qorsheysan inay kuwan bedelayaan iyo in kale? Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Komiishanka ciddii soo magacaabanaysa dib ayey u soo magacaabanaysa, laakin waa inuu meesha yimaadaa Komiishan cusub oo taas waa la isla wada gartay oo bisha October ayaan rajeynaynaa inay taasi dhacdo, laakin sidii aanu hore u sheegnay sidii markii hore loo aqbalay ayaa khalad ahayd, in la yidhaahdo Xisbiyada qaranku Xabad xabad ha soo magacaabaan Xisbigii talada hayey iyo Madaxweynaha iyo labada kale oo ay Guurtidu soo magacaabayso oo uu isagu iska leeyahay shan iska soo magacaaba horta way yara khaldan tahay,…….Waxanay labada Xisbi Mucaarid (UCID iyo WADDANI) isla garteen inay ka doodaan si ay u noqdaan wax wadaaga, oo ay noqdaan sadexda tartamaya inay komiishanku wada matalaan, taasna waa la isaga imanayaa marka xiligeeda la gaadho Komiishanka” Mar iyana la weydiiyey Jamaal Cali Xuseen waxa sababay xuduudihii ay Somaliland la wadaagii jirtay waddamada Ethiopia iyo Jabuuti inuu muddo dheer xidhnaado? ayaa waxa uu ku jawaabay “Waa arrimo aan haboonayn, oo aan wanaagsanayn waa markii ugu horeysay ee xuduudaha Somaliland hal mar la wada xidho,berigii hore way dhici jirtay in kolba mid arrimo gaara loo xidho, laakin markiiba waa la furi jiray, laakin Somaliland taariikhdeeda kamay dhicin labada xuduudood (Ethiopia iyo Jabuuti) in mar kaliya la xidho, dalkii ayaa laynagu soo ooday, taasina waa fashilaada arrimaha dibada amaanka xagga dawlada, ee qorshayaashooda kaga aadan,…wax kasta oo aan ognahay inaan Tv-ga ka sheegno maaha waayo dalka waan u tudhaynaa, laakin waxaan leenahay Xukuumadani way ka gaabisay dantii ay umaddu u igmatay, ee ahaa inay dalka u raadiso ictiraaf, maanta ictiraaf ayaa la filayey ee lama filayn in xuduudaha la xidho, waana ayaan darro halka aynu manta marayno, oo dadka oodhan ayaa wada arka, fashilaad ayaa dul-hoganayaa xukuumadan, fashilaada waxay ku darsatay madax-adayg, iyo Kibir iyo iyada oo weliba dacaayadeynaysa Xisbiyada Mucaaridka ah, hada iyadiiba cadilan”.