Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 August 4 2014                                             Shuwaal 7,1435H     

 

 

 

 

Mujaahid Xasan Guure Oo Isbar-Bar Dhig Ku Sameeyay Afartii Madaxweyne Ee Wadanka Soo Maray Iyo Siday Hantida Dalka U Kala Ilaaliyeen

 

“Waxaan Filayaa In Sillaanyo Dhisan Doono Guri Ka Weyn Guriga Daahir Rayaale, Inkasta Oo La Igu Yidhi Gurigiisa Ku Yaala Hargeysa  Ayuu Duminayaa  Oo Biyo Badda Laga Keeno Ayuu Ku Dhisayaa Oo Si Casriya….”Xasan Guure

Hargeysa, August 3, 2014 (Haatuf) - Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Somaliland Mujaahid Xasan Guure Jaamac, ayaa isbarbar dhig ku sameeyey Afartii Madaxweyne ee dalka iskaga dambeeyey, waxaanu sheegay in ALLE ha u naxaxiiste labadii Madaxweyne ee Somaliland ugu horeeyey Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ay ahaayeen laba Madaxweyne oo Umadda daacad u ahaa, oo aan wax  Guryo iyo Hantiya oo ay ka tageen aanay jirin, isla markaana xilka Madaxtimo uu kaga tagay Madaxweynihii ugu horeeyey Somaliland Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabdiraxmaan Tuur), isaga oo Gurigiisi qabyo yahay, halka Madaxweynihii ku xigay ee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal isna uu dhintay isaga oo Gurigiisi uu sidiisi hore yahay, waxna aan ku darin. Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Somaliland Mujaahid Xasan Guure Jaamac, ayaa isaga oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika  sheegay in Madaxweynihii Saddexaad ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, uu Fooqaq iyo Aqalo aad u badan u  dhistay, Hanti  badana uu  ka urursaday Umadda Muddadii uu Madaxweynaha ahaa, halka uu ku tilmaamay Madaxweynaha  hadda taladda haya ee Madaxweyne Sillaanyo uu  isna maray Waddada uu jeexay Daahir Rayaale, isaga oo sheegay Xasan Guure inuu Madaxweyne Siilaanyo doonayo inuu Gurigiisa dumiyo oo uu si casriya u dhiso, qalab casriyana uu ku dhiso, kana dhigo Dabaqyo, waxaanu Mujaahid Xasan Guure ugu horeyn hadalkiisi uu ku bilaabay “Dalkan aynu joogno waxa soo maray Afar Madaxweyne oo kala ah Madaxweynihii ugu horeeyey ALLE u wada naxariiste  Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali, Madaxweynihii ku xigay isna ALLE ha u naxariiste Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal,Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), Saddexdii Madaxweyne ee hore mid walba Raad ayuu   dalka kaga tagay, Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal labadoobu Sannadkii 1959-kii ay Laba Guri oo iska soo hor jeeda ka dhisteen Magaalada Hargeysa, Labadaas Guri oo Dagaalkii 1988-kii lagu dumiyey, oo Faqashtii dumisay, labadiiba iyaga oo Guriyihii dunsan yihiin ayey Madaxweynayaal noqdeen, iyaga oo Guriyihii sidii u dunsan yihiina  oo aanay waxba ka qabanin ayey ka tageen”. Mujaahid Xasan Guure Jaamac oo ka hadlaya wakhtigii uu Madaxweynaha ahaa ALLE ha u naxariiste Cabdiraxmaan Axmed Cali  waxa uu yidhi “Wakhtigii Cabdiraxmaan Axmed Cali uu dalka Madaxweynaha ka ahaa, Cashuur badan oo la qaadi jirey , oo Dawlad iyo Dal qarbo qarbo ah ayeynu ahayn, oo wakhtigaas ayeynu ka soo kabanay dagaaladii iyo dhibaatooyinkii aynu kala kulanay Dawladdii Faqashta ee dhibta ina gaadhsiiyey, waxaana run ah inuu ahaa Cabdiraxmaan Axmed Cali Madaxweyne daacad ah, oo aan isku dayin inuu xilka isku sii dhajiyo, Hantina uu ka tabco dadkiisa iyo dalkiisaba, ilaa hadda Gurigiisi sidii ayuu yahay, wax is badal ah iyo qurxin lagu sameeyey ma jirto”. Gudoomiyaha Madasha Wada-tashiga Somaliland Mujaahid Xasan Guure Jaamac isaga oo ka hadlay wakhtigii uu Madaxweynaha dalka ka ahaa ALLE ha u naxariiste Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa yidhi “Wakhtigii uu Madaxweynaha ahaa ALLE ha u naxariiste Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waxa ay ahayd wakhtigii Dawladdnimada Somaliland salka dhigtay, ee walibana Kharashku ugu badnaa, waxaana la ogaa in Cigaal ka dhintay Gurigiisa oo qabyo ah, oo sidiisi u dunsan, Maantana sidiisi ayuu u dunsan yahay, waxaana Shan Boqol oo Mitir (500-mitir) u jira Guriga Daahir Rayaale, oo markii hore ahaa Guriga NSST, oo isaguba waxa uu ahaa NSST”.  Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Somaliland Xasan Guure Jaamac isaga oo ka hadlaya Wakhtigii uu Daahir Rayaale Kaahin uu Madaxweynaha ahaa ayaa yidhi “ Daahir Rayaale Gurigiisi wuu dumiyey, Guri Fooqa ayuu ka dhisay, oo haddii gudihiisa la galo waa Guri cajiib ah oo aad u qurux badan, aadna u balaadhan, oo xaqiiqdii lagu dhisay Cashuurtii laga qaadayey Islaan  Caanalay ah oo u soo kalahday Cagad Caano ah dilaalkeeda” Xasan Guure Jaamac isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi  “Daahir Rayaale Kaahin Guriyo Fooqyo ah  ayuu ka dhisaytay Hargeysa iyo Boorama, isaga oo sidoo kalena Guryo Sakado dhaadheer ah ka dhistay Boorama, Lacagtii Aafada ee ugu horeeysay ee Burco ayaanu  Guriyhiisa hore ka dhistay,  waana tii ALLE ha u naxariiste Cigaal ku yidhi Siyaasada Guryo lagama dhistee waa loo xaraashaa” Mujaahid Xasan Guure Jaamac ayaa isaga oo ka hadlaya Madaxweyne Sillaanayo iyo waxa uu ka filayo marka uu xilka ka tago ayaa yidhi “Waxaan filayaa in Sillaanyo dhisan doono Guri ka weyn Guriga Daahir Rayaale dhistay, inkasta oo la igu yidhi Gurigiisa ku yaala Hargeysa  ayuu duminayaa  oo Biyo Badda laga keeno ayuu ku dhisayaa,oo si casriya ayuu u dhisayaa, marka waxa iska cad in waxa Axmed Siillaanyo  uu u xisaabin waayey adna aad ka dhisatid Gurigiisa oo kale ama mid ka wanaagsan, taasna bal weynu eegi doonaa, laakiin waa wax aad looga xishoodo in Umadda u badan danyarta ee u baahan.