Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 August 8 2014                                             Shuwaal 10,1435H     

 

 

 

 

Ururka Dhalinyaradda Beelaha Subeer Awal Ee Jiidali Oo Meel Adag Iska Taagay Qaranimadda Somaliland, Sheegayna Inay Hiil Iyo Hooba La Barbar Taagan Yihiin

Hargeysa, August 7, 2014 (Haatuf) - Ururka dhalinayada ee beelaha

Subeer Awa lee Jiidali ayaa shalay soo saaray qoraal ay ku sheegeen

inay urur ahaan ay u taagan yihiin ilaalinta iyo jiritaanka iyo

qaranimadda Somaliland, kuwaas oo si cad u shaaciyey inay Qaranimadda

Somaliland la barbartaagan yihiin hiil iyo hooba, isla markaana ay u

dhimanayaan una caydhoobayaan, waxaanu war-saxaafadeedkaas oo uu ku

saxeexnaa

Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Jiidali Md Cabdiraxman Xasan Aadan,

kaas oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Haatuf ayaa isaga oo dhamaystiran

waxa uu u dhignaa sidan:- “Maanta (shalay) oo ay tahay taariikhdu

06/08/2014, wuxuu ururka Dhalinyarada jiidali  u bayaaminayaa

Mujatamaca reer Somaliland, In jiidali loo abuuray inay barbar

istaagto jiritaanka qaranimada somaliland, xoojiso walaalnimada,

jaarnimada, wada dhaqanka iyo wada noolaanshaha beelaha somaliland,

Jiidali waxay u taagan tahay inay isku fur furto dhalinyarada oo ay

hormood u noqoto dhalinyar wax wada qabsada oo talo midaysan leh, waxa

ka go'an jiidali inay kala shaqayso hayadaha amniga, sugida iyo

adkaynta nabadgalyada qaranka, jiidali waxay astaan u tahay dhalinyar

firfircoon oo ka turjumaya dareenka shacabkooda, diyaarna u ah inay

wakhti ,maskax iyo maalba u bixiyaan sidii qarankan jamhuuriyada

somaliland u noqon lahaa qaran waara oo horumara.

Ururka dhalinyarada Jiidali, waa urur ay gadhwadeen ka yihiin

dhalinyar aqoonyahan ah, oo ka damqaday, tacadiyada iyo iska horkeenka

beelaha ee ay xukuumada madaxwayne siilaanyo caadaysatay, waa urur

aanay dabada ka riixayn siyaasiyiin iyo xisbiyo midtoona, balse waa

urur majaro siyaasadeed leh oo  garanayana tubta quman ee qaranka lagu

badbaadin karo.

Ururka dhalinyarada  jiidali wuxuu aaminsan yahay , in xukuumada

maanta jirtaa ay ku fashilantay  gudashada wajibaadkeedi shaqo, waxay

ku fashilantay kobcinta tiirarkii  dimuquraadiyada  ee aynu ku faani

jirnay  ee salka u ahaa dawlidnimo dhamaystiran oo hana qaada, waxana

ka mida:

1- Xoriyada Saxaafada: waxa si cad u karaameeyay oo u dhawray

xuquudada saxaafada iyo suxufiga, dastuurka qaranka somaliland, waxa

sidoo kale xusay xeerka saxaafada ee la saxeexay 2004tii, Xukuumada

maantu waxay albaabada u laabtay wargaysyo , waxay si jees jees ah u

xidhay tiro badan oo suxufiiyiin ah, waxay si cad xukuumadu ugu

tumatay sharcigii muwaadinka iyo suxufiga, iyadoo suxufiyiin badan si

sharci daro ah xabsiyada loo geeyay.

2- xoriyatul qawlka: shuruucda wadanka u taala waxay u damaanad

qaadeen muwaadinka kasta oo reer somaliland ah inuu cabiri karo ,

fikirkiisa isagoo xor ah, kana reeban tahay shakhsi weerarku si

sharaftii muwaadinka loo dhawro, hadaba dawlada maantu waxay dadka ku

bartilmaamsataa maxaa wax la iiga qoray, taas oo sababtay in dad

badani ay xoriyadoodii ku waayaan , jeelashana ay ku jiraan iyagoon

maxkamad la horgayn

3- Nabad galyada: qaranka jamhuuriyada somaliland 23ka sanadood  wuxuu

aduunyada ka iibinayay  amniga  ka jira somaliland. Hadaba xukuumadani

waxay noqotay mid wadamadii jaarku ay kala noqodaan kalsoonidii

nabadgalyada sidoo kalena ay  aduun waynuhu ay laaxin galiyeen

Nidaamka amni ee somaliland- taasina horseed u noqotay dhawaaqyada ka

soo yeedhaya wadamada reer galbeedka. sidoo kale arintani waxay

saamayn ku yeelatay dhaq dhaqaayadii shacabku ku tagi lahaayeen

wadamada jaarka oo gabi ahaanba xuduudahoodii xidhay

Gaba gabadii, Dawladu waxay horseeday, musuq maasuq baahsan  oo

casriyaysan,  qabyaalad qaawan, Tahriibkii dhalinyarada oo batay,

camal la’aan baahsan oo dhalinyaradi gayaysiisay inay wadankii ka

niyad jabaan, dawlad tiro badan oo bilaa tayo ah, caasimadii oo biyo

la’aan taagan, mashaariicdii biyo balaadhinta caasimada oo la

qabyaaladeeyay oo la siyaasadeeyay, waxbarashadii oo tayadeedii

luntay, Arimihii dibada oo fashilmay iyo hogaankii wadanka oo aan

awoodin inuu isku hayo dawlada waxa intaa u dheer, Afmiishaarnimo,

xilkasnimo la'aan, Samirl'aan, dulqaad la'aan, guulwadayn, hubsiimo

la'aan, iyo nidamkii dawladnimo oo meesha ka maqan, waxaanu shacabka

ku baraarujinaynaa inay ka foojignaadaan, mu'aamaradada siyaasadaysan

ee xukuumadani ku kala irdhaynayso beelaha walaalaha ah ee somaliland,

sidoo kale wuxuu ururka dhalinyarada ee jiidali ku baraarujinayaa

dhalinyarada reer somaliland inay u midoobaan sidii ay uga qayb qaadan

lahaayeen dhaq dhaqaaqyadan lagu badbaadinayo qaranka somaliland

laguna xoojinayo inay dhalinyaradu hormood u noqoto siyaasad fur furan

oo la jaan qaadi karta aduunyada oo ay gadhwadeen ka yihiin

dhalinyaro”.