Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 August 13 2014                                             Shuwaal 16,1435H     

 

 

 

 

Wasiiro Ay Isku Hayb-Yihiin Madaxwayne Siilaanyo Oo U Biyeystay Cambaaraynta Wasiirka Khaarajiga

 

Hargeysa, August 12, 2014 (Haatuf) - Laba wasiir oo ay isku hayb-yihiin Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa u biyeystay olole ka dhan ah wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyadoo ay ku eedaynayaan inuu ka soo horjeedo siyaasadda xukuumadda ee ku aadan labadda arrimood ee kala ah Taleex iyo Saxaafadda, gaar ahaan Wargeysyada xidhan.

Ololahan oo ay wadaan wasiirka duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo wasiirka macdanta iyo tamarta Xuseen Cabdi Ducaale (Waji-xun) ayaa waxa 24-kii saacadood ee u danbeeyey si balaadhan looga dareemayey caasimadda dalka ee Hargeysa.

Ololahan oo labadaas wasiir uu si dadban ugu weheliyo wasiirka warfaafinta C/laahi Cukuse ayaa wuxuu soo shaac-baxay ka dib markii uu wasiir Maxamed Biixi Yoonis sheegay in labada mawqif ee ay xukuumadu ka taagan tahay arrinta Taleex iyo arrinta Wargeys-yada xidhani ay si xun u saameeyeen xidhiidhkii arrimaha dibedda ee dalka isla markaana loo baahan yahay in mawqifkaa wax laga badalo, iyadoo uu soo jeediyey in furdaaminta arrinta Taleex loo adeegsado siyaasad iyo dhaqanba oon daan-daansiga iyo colaadda uu dhinaca kale soo hurinayo marwalba dagaal lagaga hortagin, balse ay dawladu samir iyo dulqaad siyaado ah muujiso inta karaankeeda ah.

Wasiiradda ka soo jeeda beesha Harti oo figradan Maxamed Biixi la qaba ayaa ku cawda in aan wax talo ah laga siinin sida wax looga qabanayo arrimaha barriga Somaliland.

Wasiir Maxamed Biixi oo meelkasta oo uu tago arrinta ugu horaysa ee ay dawladuhu wax ka waydiiyaan noqotay labadda wargeys ee Haatuf iyo Hubaal ee wali xidhan, ayaa sida la sheegay xukuumadda kula taliyey inay si degdeg ah faraha uga qaado labadaas wargeys oo ay xoriyadoodii u soo celiso iyadoo loo tudhayo sumcadii dibadeed ee dalka oo dhaawac culusi ka soo gaadhay arrintaas.

Wasiirka arrimaha dibedu waxa uu ku dooday in labadaas arrimood iyo gal-daloolooyinkii ka muuqday hay’adaha amnigu ay albaabada ka soo xidheen siyaasadii khaarajiga ee dalka sidaas darteedna ay daruuri tahay in si degdeg ah wax looga qabto saddexdaas arrimoodba, iyadoo ay aragtidaasi ku taageersan yihiin xubno ka mid ah golaha wasiiradda Somaliland sida Xaglo-toosiye iyo Sacad Cali Shire.

Inkastoo aanu wali soo shaac-bixin dareenka dhabta ah ee uu Madaxwayne Siilaanyo ka muujiyey arrimahan uu ku doodayo wasiirkiisa khaarajigu, hase yeeshee wasiirka duulista iyo hawada ee kala taliya arrimaha barriga ayaa arimahaas ka galay dagaal cad oo uu kaga soo horjeedo talooyinkii uu soo jeediyey Mr Biixi Yoonis, kuwaas oo uu ku soo bandhigay kulamo ay xukuumadu yeelatay oo uu ugu danbeeyey shirkii golaha wasiiradda ee Khamiistii doraad dhacay.

Dad uu Magaaladda Hargeysa si gaar ah ugula kulmay galinkii danbe ee maalintii Khamiistii iyo Jimcihii shalayba ayaa uu wasiir Maxamuud Xaashi waxa uu u sheegay in Maxamed Biixi uu mijo-xaabinayo dawladda, balse uu isagu Maxamuud ahaan odayga Siilaanyo ka ilaalinayo inuu qaato talooyinka wasiirka arrimaha dibadda ee ku saabsan barriga iyo warbaahinta.

Markii uu qof ka mid ah dadkii uu Khamiistii la kulmay uu su’aalay waxay xukuumad ahaan ka yeeli doonaan Maxamed Biixi waxa uu ku jawaabay inay sidii Muuse Biixi dhulka jiid-jiidi doonaan si uu iskii iskaga tago.

Wasiirka macdanta Xuseen Waji-xun ayaa isagu wasiirka khaarajiga colaad u qaaday markii uu Mr Biixi isaga iyo shirkadda Genel oo isku-dhacay kala dhexgalay oo uu ogaaday wax badan oo ay Genel gar ku lahayd inay dalka iskaga baxdo, taas oo ka dhalatay maamul xumo iyo qaladaad ay ku kaceen masuuliyiintii Somaliland ee gacanta ku hayey xidhiidhkii iyo wada-shaqayntii shirkadda Genel.

Meesha kale ee uu Mr Xuseen Ducaale ka qaniinsan yahay wasiirka khaarajiga ayaa ah talo uu Maxamed Biixi soo jeediyey horaantii sanadkan oo ahayd in la sameeyo guddi wasiiro ah oo la socota heshiisyada iyo hawlaha baadhista shidaalka iyo khayraadka dabiiciga ah ee kale ee dhulka Somaliland ku duuggan.

Wasiirka macdanta oo Maxamuud Xaashi kula jira ololahan ka dhanka ah wasiirka arrimaha dibedda ayaa isagu si gaar ah uga soo horjeeda in dib loo furo wargeyska Haatuf oo ay xukuumadda Siilaanyo sifo sharciga baalmarsan albaabada ugu laabta 7/4/2014 ka dib markii uu soo daabacay maqaalo uu ku sheegayo in wasiir Xuseen Ducaale ku kacay musuqmaasuq balaadhan oo la xidhiidha heshiisyada shidaal baadhista ee ay wasaaradda macdantu la gasho shirkadaha ajanabiga ah.

Mr Xuseen Ducaale oo ay Haatuf ku tilmaamtay wasiirkii hantidii guud ee ugu badnayd lunsaday ee Somaliland soo maray mudadii ay jirtay ayaa ku caan ah inuu si qarsoodi ah u maamulo hawlaha wasaaradda macdanta gaar ahaan heshiisyada shidaal-baadhista.

Wasiir Xuseen Waji-xun ayaa dad ku sugan Abu-Dhabi oo uu dhawaan la hadlay wuxuu u sheegay in Wargeyska Haatuf uu xidhnaan doono ilaa inta uu Siilaanyo xukunka dalka hayo, wasiirka khaarajigana degdeg xilka looga qaadi doono.

Wasiirka macdanta oo lacag badan ku kharash-gareeya si aan warbaahintu  dhaliilihiisa wax uga sheegin ayaa ka danbeeyey wararkii dhawaan laga faafiyey wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Biixi Yoonis inuu damacsan yahay inuu ku biiro xisbiga UCID si uu iskaga soo sharaxo tartanka loo galayo doorashadda madaxtinimada dalka ee inagu soo foolka leh.Source: Qarannews.