Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 August 13 2014                                             Shuwaal 16,1435H     

 

 

 

 

Bayaankii Mucaaridka Oo Gilgiley Xukuumadda Iyo Madaxtooyadii Oo Markay Ka Jawaabi Kari-Wayday Kula Gal-Galatay Muuse Biixi Oo Tiisii La Tiicaya

 

Hargeysa, August 12, 2014 (Haatuf) – Bayaankii ay shalay soo saareen Isba-haysiga Xoogaga Mucaaridka Somaliland ee ay hormoodka ka yihiin xisbiyada Ucid, Waddani iyo Madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranka ee ay ku muujiyeen mawqifkooda ah in la dhiso xukuumad ku meel-gaadh ah hadii ay dhacdo in doorashooyinka Madaxwaynaha dalka iyo ta aqalka wakiiladu xiligoodii ku qabsoomi waayaan ayaa si wayn u gil-gishay xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo, iyadoo markii ay jawaab cad ka bixin kari wayday kula gal-galatay guddoomiyaha xibsiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi inuu wax ka yidhaahdo mawqifkan cusub ee ay mucaaridku qaateen.

Siday ilo lagu kalsoon yahay noo xaqiijiyeen, waxa ilaa wakhti danbe oo xalay ah ka socday dabaqa sarre ee Madaxtooyadda shirar ay xukuumadu kaga tashanaysay waxa ay ka yeelayso bayaankan mucaaridka gaar ahaan, qodobka ku baaqaya in haddii ay xukuumadu doorashooyinka xiligoodii ku qaban-waydo la dhiso xukuumad ku meel-gaadh ah oo loo wada dhan yahay, iyadoo go’aanka ka soo baxay shirkaasi xukuumadu noqday in jawaabteeda ku aaddan arrintaasi uu bixiyo Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi oo dhawaan isagu isu-dhiibay Madaxwayne Siilaanyo iyo marwadiisa Aamino Waris ka dib markii uu hankiisii siyaasadeed ee musharaxnimadda madaxwayne ee doorashadda 2015-ka uga tanaasulay Mr Siilaanyo, taasoo uu Muuse Biixi ku waayey taageerayaal tiro badan oo markaas kula socday arrintaas oo uu wakhtigan xaadirka ah cidlo taagan yahay.

Inkastoo Muuse Biixi sheegay in xukuumad ahaan iyo xisbi ahaanba ay ka go’an tahay in doorashadu wakhtigeeda ay ku qabsoonto haddana jawaabtiisa kumay jirin wax balan-qaad adag ah oo ay mucaaridka iyo shacbiguba ku rumaystaan in xukuumadda ay ka dhab tahay inay doorashooyinka xiligoodii ku qabanayso.

Waxa kale oo sababta ay xukuumadu uga gabatay inay iyadu u jawaabto mucaaridka loo fahmayaa in Madaxtooyadu ay maaggan tahay mudo kordhintii marka horeba lagu tuhmayey. Bayaankan cusub ee xoogaga mucaaridka ayaa ku soo beegmay xili ay xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ay xoog uga walaacsan tahay kulamo dalka gudihiisa iyo dibadiisaba uga socda beelaha Habar-Magaaddo oo sida la sheegay ay kaga tashanayaan xaaladda dalku marayo iyo waliba doorashooyinka Madaxwaynaha iyo Wakiiladda ee inagu soo foolka leh.

Wasiiradda xukuumadda Siilaanyo ayaa ilaa hadda ku fashilmay inay joojiyaan kulamada noocan ah oo la filayo inay aakhirka iskugu biyo shubtaan shir-wayne ay qabsadaan beelaha Habar-Magaaddo oo u dhigma kii ay beesha Madaxwaynaha iyo Guddoomiyaha Guurtidu ka soo jeedaan ay ku qabsatay meesha la yidhaahdo Gar-adag ka hor intii aanay dhicin doorashadii Madaxtooyadda ee 2010-kii ee uu ku guulaystay Musharixii xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo.Source: Qarannews.