Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 August 15 2014                                             Shuwaal 19,1435H     

 

 

 

 

Kulan Lagaga Arrinsanayo Xaaladda Dalka Iyo Shirwayne Ay Iskugu Imanayaan Beelaha Habar- Magaaddo Oo Maanta Ku Qabsoomay Hargeysa

 

Hargeysa, August 14, 2014 (Haatuf) – Kulan balaadhan oo ka mid ah

shir-doceedyada ay beelaha Habar-Magaaddo kaga tashanayaan xaaladda

dalku ku sugan yahay iyo shirwayne guud oo ay beelahaasi Magaaddo

dalka gudihiisa ku qabsan doonaan oo baryahanba ay hadal-hayntiisu ku

badnayd warbaahinta iyo goobaha bulshadu iskugu timaadaba ayaa maanta

ka qabsoomay magaaladda Hargeysa.

Kulankan oo ka dhacay Ambassador Hotel ayaa waxa iskugu yimid

haldoorka beelaha Subeer-Awal iyo Garxajis ayaa waxa lagaga hadlay

arrimo mihiim ah oo qaban-qaabada shirwaynaha ka sokow ay ka mid

ahaayeen xaaladda dalku ku sugan yahay iyo sidii beelaha

Habar-Magaaddo u yeelan lahaayeen iskaashi siyaasadeed oo waxtar u

yeesha qaranimadda Somaliland iyo nabad-galyada dalkaba, iyadoo la

isla qaatay in kulanka danbe lagu marti-qaado labada beelood ee kale

ee Habar-Magaaddo ee ay wada dhasheen.

Kulankan oo ay ka soo qayb-galeen 50 xubnood oo ka socday beesha

Garxajis iyo 50 ka socday beesha Subeer-Awal ayaa waxa ka soo baxay

natiijooyin ay ka mid ahaayeen in la sameeyo guddi-hawleedyo ka

shaqeeya midnimada iyo wax-wada qabsiga siyaasadeed iyo dhaqanba ee

beelaha Magaaddo.

Sidoo kale waxa la go’aansaday in siyaaro Alla-bari ah lagu qabto

dhulkii laga yimid ee waalidiintoodu ku aas-nayd sida qubuuraha

Magaaddo, Subeer-Awal iyo Arab.

Waxa kale oo la isla qaatay in kulanka danbe oo noqon doona mid ay

beelaha Habar-Magaaddo u dhan yihiin lagaga dhawaaqo guddida

qaban-qaabada shirwaynaha Magaaddo.

Shirkan maanta oo qaybtiisa hore ka koobnayd qaddo, isbarasho iyo

laab-xaadhasho, waxa marti-qaadkiisa lahaa beesha Subeer-Awal iyadoo

ay kaga jawaabayeen kulan kan oo kale ah oo Ramadaantii ay beesha

Garxajis marti-qaadkiisa lahayd oo ka dhacay Maansoor Hotel.

Qaybtii danbe ee kulankan maanta oo ilaa afartii galabnimo socday ayaa

waxa la isla naaqishay oo la isla meel-dhigay Axdi iyo Balan waxtar u

yeesha diinta, dalka iyo dadka reer Somaliland oo dhanba.