Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

July 28, 2014                                              

 

 

 

 

Somaliland Oo Si Weyn Looga Xusay Ciida Soonfur Iyo

 Kumanaan Dadweyne Ah Oo Ku Tukaday Masaajiida & Garoomada Hargeysa

Hargeysa, July 28, 2014 (Haatuf) - Dadweynaha ku nool dhamaan goboladda Somaliland, ayaa si balaadhan loogu ciidday ciidal fidriga, kuwaas oo saaka waaberigii u dareeray goobaha loogu tallogalay in lagu oogo salaadda ciida.
Waxa shalay aroortii wadooyinka dhex lugayanayey qaarkood gaadiid lagu siday caruur wada faraxsan oo wajiyadoodu ka muuqatay dareenka ciidda Islaamka, kuwaas oo xidhnaa dhar cusub, isla markaana ku ciyaarayey qalabka caruurta ku madadaashadaan maalmahan oo kale.
Sidoo kale, dadka waaweyn oo qudhoodu aan ka dhicin caruurta Ciidda ayaa ku labisnaa dhar qurux badan oo ay ugu tallogaleen in maalinta farxadda ah, kuwaas oo isku salaamayey ciid mubaarak iyo saamaxnaa kum, iyagoo wejigoodda ka muuqdaan farxad badan, kuwaas oo is wada gacan qaadayey.
Ciiddan oo ahayd tii soonfur, isla markaana laga soo baxay bil cibaado, Quraan akhris iyo alla ka cabsi badan lagu jiray ayaa loogu dabaaldegayaa sodanka cishe ee laga somaana cuntadda iyo raashinkii la quudan jiray maalinimada si loo dareemo gaajadda ay wehelka u yihiin boqolaal muslimiin ah oo danyar ah,isla markaana loo badiyo wax bixinta iyo iyo sadaqadda si aakhiro wax loogu meel dhigto.
Magaaladda Hargeysa ayaa lagu tukadday goobo faro badan iyo fagarayaasha garoomada kubadda Cagta, kuwaas oo ay kala qaybgaleen madaxda Qaranka oo uu hor socdo madaxweyne kuxigeenka Somaliland ahna ku simaha madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo isagu dadweynaha reer Hargeysa kula tukaday masjidul jaamaca magaaladda ee ku yaalla badhtamaha magaaladda Hargeysa.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa hambalyo u diray caalamka islaamka, isla markaana shacabka Somaliland hambalyo ciida soonfur hawadda u marayey inay sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan nabadgalyo iyo caafimaad.
“Muddo 23 sanadood ah ayuu qarankani soo jiray dedaal adag ayuu soo galay, gacmihiisana wuu isku taagay isaga oo aan wax taageero ah ka helin caalamka, walina waxa inoo dhiman waddo dheer oo ah himilada aynu higsanayno ee ah inaynu gaadhno qaran madax banaan, taasina waxay ku imanaysaa dedaal dheer, wada jirkeena, wax wada qabsigeena iyo inaga oo dhinac u wada jeedsana,”ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka oo khudbad ka jeediyey salaaddii ciida ka bacdi.
Waxaanu intas ku daray “Waxaan leeyahay xisbiyada mucaaridka ah, ilaahay waxa uu inoo sameeyey iimaam haddii ay wax ka qaldamaana waxa laynoo jideeyey edaab aynu ku saxno oo subxaana laah ayaa la yidhaahdaa, bina aadanka inta hawsha haysaa qabyo way jiri, dhaliili way jiri, qof hawl hayana wax way ka qaldani doonaan laakiin edaabta toosinta yaan laga tagin oo subxaana laah ha lagu adkaado oo mucaaridnimadu yaanay inaga noqon in wixii kor loo qaadaba la mucaarido.”
Si kastaba ha ahaatee, dadweynaha Somaliland iyo guud ahaan caalamka Islaam ayaa maanta si wanaagsan loogu ciiday, waxaana leeyahay sanadkan sanadkiisa ilaahay ha inagu gaadhsiiyo caafimaad qab iyo nabadgalyo.