Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 August 18 2014                                             Shuwaal 22,1435H     

 

 

 

 

Wasiirka Macdanta Oo Seedigii Qandaraas Ku Siiyey $2.5 Milyan Oo Lagu Wacyi-Galinayo Dadka Ku Nool Deegaanada Shidaalka Laga Baadhayo

Hargeysa, August 17, 2014 (Haatuf) – Wasiirka Macdanta Somaliland

Xuseen Cabdi Ducaale ayaa qandaraas ku siiyey nin seedi u ah oo la

yidhaahdo Siciid Xasan Sheekeeye mashruuc qiimihiisu yahay $2.5 Milyan

oo shirkadaha shidaal baadhistu ugu tala-galeen in lagu wacyi-galiyo

dadka ku nool deegaanadda ay ka hawl-galayaan.

Bishii September 2013-kii ayaa waxa dalka si lama filaan ah uga baxday

shirkadda Genel Energy oo ah shirkadaha heshiisyada shidaal baadhista

ah kula jira wasaaradda Macdanta ta ugu wayn ka dib markii ay isku

dhaceen hawl-wadeenadii shirkadaasi iyo dadkii ku noolaa deegaanka

Saraar ee ay wax ka baadhaysay.

Masuuliyada isku dhacan ayaa waxa dusha laga saaray wasiirka Macdanta

oo ahaa cidii u dhaxaysay shirkadda Genel iyo dadka deegaanka, iyadoo

wasiirka lagu eedeeyey inuu shirkadda Genel u fasaxay inay hawlaheeda

bilawdo tii-yoo aan wali la qancin xoolo-dhaqatada deegaanadaasi oo

iyagu qabay shaki iyo walaac ah in hawl-galkan shidaal-sahamintu uu

waxyeelo u geysankaro deegaanka sida dhirta, daaqa iyo biyaha ee ay

xoolaha ay dhaqdaan ku noolyihiin.

Waxyaabaha kale ee soo dedejiyey in dadkii deegaanka iyo Genel ay

madaxa isla galaan waxa ka mid ahaa wasaaradda Macdanta oo ka baaqatay

wacyi-galintii dadwaynaha ee ay iyada iyo shirkadu isku ogaayeen in la

fuliyo inta aan hawsha sahaminta la bilaabin iyo waliba wasiirka oo

dadkii deegaanka ka qadiyey fursadihii shaqo iyo qandaraasyadii ka soo

baxay mashruuca shidaal baadhista.

Sidoo kale shirkadda DNO ee laga leeyahay dalka Norway ayaa

todobaadkii hore ee bishan joojisay hawlihii shidaal-baadhista ee ay

ka waday dhulka u dhexeeya Ceel-afwayn iyo Xudun ka dib markii ay

dadka deegaanadaasi ay soo caydhiyeen.

Ururada iyo axsaabta siyaasada ee mucaaridka ayaa dhinacooda waxay ku

tilmaameen hawlaha shidaal-baadhista ee laga wado Somaliland qaar aan

sharciyad ku fadhiyin maadaama aan heshiisyadooda laga ansixin

Baarlamaanka dalka.

Hesheesyada shidaalka iyo macdan baadhista ayaa waxa si qarsoodi ah u

maamusha wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale kaas oo xildhibaan ka

tirsan golaha wakiiladu dhawaan ku tilmaamay inuu ka mid yahay

saddexda nin ee ugu wayn ee dalka dhacay.