Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 September 15 2014                                             Shuwaal 30,1435H     

 

 

 

 

Duqa Degmadda Boorame Oo Ka Hadlay Sababta Ay Ciidamda Militarigu Ula Wareegeen Xarunta Dawladda Hoose Ee Degmadaasi

“Caqabadahaas Is-Biirsaday Ee Jira Ayaa Maanta Ay Ka Fursan Wayday In Aan Ciidan Milatari Ah Waydiisano Saraakiisha U Madaxda Ah Ciidanka Qaranka” Maayar Saleebaan Xasan Xadi.

 

Boorame, September 14, 2014 (Haatuf) – Maayarka Magaalada Boorame Saleebaan Xasan Xadi ayaa difaacay ciidamada milatariga ah ee la wareegay xarunta dawladda hoose ee degmadaasi, kaas oo ka warbixiyey sababta xiligan keentay ciidamada milatarigu inay la wareegaan xaruntoodaasi.

Duqa Degmadda Boorama waxa uu ku sababeeyey in ka dib markii ay khilaafkii ka taagnaa golaha deegaanka ee degmadaa isla markaana ay ciidanka bilayska ee magaaladda Boorama tahli kari waayeen xakamaynta khilaafka kala irdheeyey xildhibaanadda golahaasi inay ciidanka milatarigu la wareegay, ayna ku guulaysteen inay soo afjaraan rabshadii halkaasi ka taagnayd.

Maayarka Degmadda Boorama Saleebaan Xasan Xaddi waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa magaaladda Boorama. Ugu horayna isagoo sharaxaad ka bixinaya sababta ciidamada milatarigu ula wareegeen halkaasi, Ugu horayna isagoo arrimahaasi ka hadlaya Maayar Saleebaan Xasan Xaddi, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Muhiimadu waa sugida Amniga iyo habsami u socodka shaqada, waxay ahayd shalay markii ay xildhibaano qas wadayaal ahi isku dayeen inay is hortaagaan hawsha aan dadweynaha u hayno, iyaga oo talaabo amni daro abuuri kartay ku kacay, si aanay taasi u dhicin ayaan dalbanay ciidan suga amniga xarunta Dawlada Hoose ee Boorama si ay shaqadu u socoto”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Guud ahaan degmada iyo gobolkaba ma joogaan ciidan ku filan oo boolis ah oo hawsha sideeda u qaban kara, hore masuuliyiinta heer gobol iyo degmo waxaan u waydiisanay ciidan boolis ah,mana suura-galin inay nasiiyaan, culeyska ay ciidan boolis la’aanta ahi leedahayna waan u sheegnay oo aan gaadhsiinay saraakiisha sare ee ciidanka ee ay khusayso, welina lagama soo jawaabin, caqabadahaas is-biirsaday ee jira ayaa maanta ay ka fursan wayday in aan ciidan Milatari ah waydiisano saraakiisha u madaxda ah ciidanka qaranka, sifahaas ayayna ku yimaadeen, waxaana ay ku hawlan yihiin ilaalinta amniga guud ee xarunta Dawlada Hoose ee degmada Boorama”.

Dhinaca kale waa markii u horaysay ee taariikhda dawlada Hoose ee Magaalada Boorame ee Gobolka Awdal ay ciidamo milatari ahi la wareegaan guud ahaan xaruntaasi, ka dib markii tahli kari-waayeen sugida amniga ciidamadii booliska ee ilaalada xarunta dawlada Hoose.