Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 3570 |
September 18 2014 Shuwaal 30,1435H |
|
|
Xildbibaanadda Muxaafidka Oo Siilaanyo Ku Gartay Inuu Isna Kordhisanayo Iyagana Is-dhaafinayo Hargeysa, September 18, 2014 (Haatuf) - Xildhibaanadda golaha wakiiladda ee muxaafidka ah ayaa u muuqda in intoodii badnayd ay taageeradoodii kala noqdeen mashruucii xukuumadda ee diwaangalinta maddaniga ah ka dib markii ay dareemeen in Madaxwayne Siilaanyo uu doonayo in doorashadda wakiilada la qabto sanadka soo socda, ta madaxwaynahana laba sanadood dib loo dhigo, taas oo ay wakiiladda muxaafidku u arkeen in madaxwaynuhu isna kordhisanayo mudadii uu xilka haynayo iyagana is-dhaafinayo kol hadii qorshihiisu yahay in doorashadda aqalka hoose ee baarlamanka laga soo horaysiiyo ta madaxwaynaha. Qaar ka mid ah xubnaha mudada dheer muxaafidka u ahaa xukuumadda Siilaanyo ayaa kuwoodii ugu ad-adkaa fadhigii golaha wakiiladda ee Salaasadii waxay si badheedh ah u taageereen in dooda mooshinka diwaangalinta maddaniga ah dib loo dhigo halka ay xukuumadu ka danaynaysay in la dadajiyo oo duuduub lagu ansixiyo. Asxaabta mucaaridka iyo qaybaha bulshadda intooda badan ayaa qolaba sabab iyada u gaar ah la-ajligeed uga soo horjeedaa mashruuca diwaangalinta maddaniga ah, kaas oo uu ku jirro qodob muwaadinka ka horjoogsanaya inuu codkiisa dhiibankaro doorashadda hadii aanu haysan kaadhka diwaangalinta maddaniga ah. Axsaabta iyo ururadda siyaasadda oo ay weheliyaan siyaasiyiin iyo aqoonyahano badan oo madaxbanaani (Mustaqilliin-Independents) ayaa qodobkan u arka mid aan loo baahnayn oo ay xukuumadu ula kasayso si ay u abuurto khilaaf iyo carqalado baajiya hirgalinta diwaangalinta cod-bixiyeyaasha, taas oo haddi lagu dhamaystiri waayo mudada dhawrka bilood ah ee soo socota ay sababi doonto in dib u dhac ku yimaado doorashadii madaxwaynaha iyo ta wakiilada ee ku beegnayd in la qabto badhtamaha 2015-ka. |
|