Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

September 20, 2014                                              

 

 

 

 

“Musuqmaasuqa Maanta Jiraa Waa Mid Xeeladaysan Oo Wax Lagu Xadayo Qaab Qoraala Iyo Qaabka Wax Soo Iibsiga, Hanti-Dhawrkuna Waa Nin Ku Milmay Nidaamka Imika Jirta” Xil. Naasir C. Shire
 

Hargeysa, September 20, 2014 (Haatuf) – Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka mid ah guddida ilaalinta iyo dabagalka hantida qaranka Somaliland, ayaa sheegay in dalka uu ka jiro hanti lunsi iyo musuqmaasuq kii abid ugu weynaa ee soomara Somaliland.

Md. Naasir Cali Shire ayaa intaa ku daray in musuqmaasuqa maanta jiraa uu yahay mid xeeladaysan oo hantida qaranka lagu xadayo qaab qoraal ah iyo qaabka wax soo iibsiga oo qandaraasyada wax soo iibsiga aan la galin tartan balse la siiyo qof ama shirkad lagu naas-nuuujinayo.

Xildhibaanku waxa kale oo uu sheegay inay guddidooda Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida qaranku ay dhawaan soo bandhigi doonaan fadeexado musuqmaasuq oo ay hayaan, balse aanay ka hordhacayn inta ay xogwarasiyada ay Masuuliyiinta dawlada la leeyihiin u socdaan.

Xildhibaan Naasir Cali Shire ayaa sidaasi ku sheegay Waraysi gaar ah oo uu siiyey Radio Hilaac, waxaanu intaa ku daray in halka hantida qaranka looga soo dhacay ay tahay Hantidhawraha Qaranka oo ku milmay nidaamka xiligan jira ee Madaxweyne Siilaanyo, kaas oo uu ku tilmaamay inuu dayacay xilkii dalka ka saarnaa.

Ugu horayn xildhibaanka oo la waydiiyey sida ay u socoto shaqada gudidoodan iyo xog-waraysiyada ay la yeesheen masuuliyiinta dawlada bilihii la soo dhaafay oo ay dardar galiyeen ayaa waxa uu yidhi “Guddidan Ilaalinta iyo dabagalka hantida qaranku waxa ay ka mid tahay Gudidii la aasaasay 2005-tii, ee markii gudi hoosaadyada la aasaasayey ayay ka mid ahayd gudidani, run ahaantii ujeedada ugu weyn ee loo sameeyey waxay ahayd in ay dabagasho, ilaaliso, warbixin joogto ah keento golaha wakiilada oo ku saabsan sidii arintaasi hantida qaranka ay keento golaha wakiilada.

Laakiin sida ay guddidani u shaqayso marna may dhicin in gudiyadii ka horaysay u shaqeeyaan sida gudidani u shaqayso, falilaahi xambu marka laga soo bilaabo saddexdii bilood ee u dambeeyey gudidani si layaab leh ayay u shaqaynaysay, meelaha aanu galnay ee waraysiyo aanu ka qaadnay, waxa ka mid ah Madbacada Qaranka, Hay’adda Shaqaalaha, Maayarka Gabiley, Maayarka Hargeya, Wasaarada Maaliyada, Wasaarada Macdanta iyo Tamarta, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wakaalada Biyaha Hargeysa, Telefishanka Qaranka iyo waliba qaar farabadan ayaa iyaga maqan.

S: Waxa Aad tilmaantay In aad Waraysiyo La Yeelateen Maayaro iyo Wasiiro lagu eedeeyo inay hantida qaranka lunsadaan, ma jirtaan wax Musuqmaasuq ah oo aad ku qabateen masuuliyiintaasi? 

J: Waxa noo socda xog-waraysiyadii, laakiin hadii aan farta ku fiiqo, waxaan odhan karaa dalka waxa ka jira hanti lunsi iyo waxa la odhan karo musuqmaasuq abid kii ugu weynaa ee soomara Somaliland ayaan odhan karaa.

Waxa lagu eedaynayey dawladii UDUB in waxyaabihii ay ku dhacday ay ka mid ahaayeen musuqmaasuq, Musuqmaasuqa maanta jiraa, waa musuqmaasuq xeeladaysan, maaha mid toos wax loo boobayo maaha, waa mid wax lagu xadayo qaab qoraal iyo qaababka wax soo iibsiga oo qofka ama wasaaradaasi ay doonayo inay qalab soo iibsato lama mariyo (tender) tartan lama galiyo waxa ay noqotaa in siyaabo hoos hoos ah wax loo samaysto, waxa jirta in loo samaystay kambaniyo iyo Shirkado oo tartan la galiy aan jirin ama hoos hoos loo siiyo qofka iyada oo lagu naasnuujinayo.

Waxa jirta dadyow magac xukuumada sare ka haysta oo marka la doonayo in alaab la soo iibiyo ama dekeda laga soo dajiyo iyadana in iyadoo magacaa la isticmaalayo alaabtaa la soo dhaafiyo, dhamaana marka la isku geeyo waxay noqonayaan qaab hanti lunsi ah.

Waxa kale oo aan odhan karaa oo jira imika farta ku fiiqi maayo wasaaradihii iyo hay’adihiiye oo ka hor dhici mayo ee marka aanu warbiximahayaga soo dhamayno ee aanu kormeeradayada soo dhamayno waad arki doontaan warbixino balaadhan oo aanu halkan ka sii dayn doono, waayo waxa aanu ka codsanay inay qoraalo rasmi ah noo keenaan siday hantidoodii u isticmaaleen sanadkii tahay ee 2013 iyo sanadihii ka horeeyey.

Waxaanu hanti-dhawraha ka codsanay qaabkii ay u baxday Miisaaniyadii 2012 iyo 2013-kii iyadana waa lanoo keenay iyo xisaab xidhadoodii waxaanu ka soo saarnay khaladaad badan oo ka dhex jira, xataa xisaab xidhkii u dambeeyey 2013-kii wax farabadan oo madmadow ah ayaa ku jira, laakiin waxa aanu doonaynaa in aanaan ka hor dhicin ee marka aanu si dhab ah wax uga qorno in aanu saxaafada qaranka iyo umada Somalilandba aanu usoo bandhigno.

S: Waxan dhacaya ma la odhan karaa waxa u fududeeyey oo sababay Hantidhawrka oo Shaqadiisii Gabay ama Habranaya?

J: Hantidhawraha  guud waa meelaha lagu tilmaami karo inay shaqadoodii gabeen afartaa sano ee maanta xukuumada Kulmiye jirtay meelna inta uu hanti-dhawraha guud galay oo uu ku sameeyey baadhis oo uu natiijo rasmi ah uu ka soo saaray ama cid musuqmaasuq loo xidhay lama arag.

Hadaan tusaale soo qaato Tv-ga Qaranka laba jeer ayuu galay oo aad loogu eedeeyey musuqmaasuq qaybo ka mid ah wax natiijo ah kamay soo bixin, dawlada Hoose ee Boorama wuu galay wax natiijo ah kamay soo bixin, waxaan runtii odhan karaa waa nin ku milmay nidaamka xukuumada imika jirta, waa nin gabay hawshii qaranku u igmaday, waxaan odhan karaa taasi waxa ay lug ku leedahay qaabka hantidhawruhu distoorka qaranka uu ugu qoran yahay, waayo hantidhawraha waxa soo magacaaba Madaxweynaha, waxaana ansixiya golaha Baarlamaanka, markaa hadana waxa xilka qaadis ku samayn kara isagoon la soo marin Baarlamaanka Madaxweynaha taasaana keenaysa habrashada.

 

Xigasho: Hilaacmedia.com