|
|
Xildhibaano Cambaareeyey Rasaastii
Lagu Furay Dadweynihii Dibadbaxa Ka Dhigay Gabiley Iyo Dilkii
Saraakiishii Ciidanka Qaranka Oo Ay Ku Tilmaamay Mid Qorshaysnaa
Hargeysa, September 20, 2014 (Haatuf) – Xildhibaan Siciid Cilmi
Roobe iyo Xildhibaan Bashiir Tukaale ayaa xukuumada Siilaanyo
Cambaarayn uga soo jeediyey sidii foosha xumayd ee ay Ciidamada
RRU-du Rasaasta ula dhaceen dadweynihii sida salmiga ah ugu
mudaharaaday Gabiley, kuwaas oo sidoo kale wax lagu xumaado ku
tilmaamay qaabka qarsoon ee loo aasay saraakiishaasi la dilay.
Xildhibaanadan ayaa sidaasi ku sheegay mar ay maanta ugu
waramayeen warbaahinta xarunta golaha wakiilada, waxaanay
sheegeen in dilka saraakiishaasi iyo in ninkii dilka geystay ee
baxsadayba ay ahayd mu’aamarad loo baahan yahay in baadhitaan
lagu sameeyo.
Ugu horayna Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo halkaasi ka hadlay
ayaa waxa uu yidhi “Tacsi dabadeed, horta qaabka raga loo laayey
waad ka war haysaan, ninkani wuu xidhnaa oo saraakiisha ayaa
xidhay, dambiiluunu ahaa, cidbaana ka furtay halkii uu ku
xidhnaa, cidbaa qoriga usoo dhiibtay, cidbaa diyaargaraysay,
cidbaa ku talo gashay in aan la qaban, taasi waa qodob.
Waxaan xukuumada ku cambaaraynayaa taas oo dhacday ayaa ragaasi
sida Tukaha loo aasay oo cid is-weydiisay iyo janan u tagay iyo
wasiir gashaandhig oo ka hadlay, madaxweyna ka hadlay io cid ka
tacsiyadaysay aanay jirin”.
Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay Xildhibaan Bashiir
Tucaake waxa uu yidhi “Waxaan tacsi u dirayaa dhibtaa ciidanka
qaranka ku timid iyo dadweynaha reer Gabiley ee ciidamada RRU-du
laayeen wax dhintay iyo wax dhaawacmay kaga dhigeen, kuwa
dhaawacmayna ilaahay ha u naxariisto. Waxa gadoodka keenay waxa
weeyaan ragii ragii jiida hore joogay ee sida xun ee
mu’aamaradaysan loo dilay ayaa aaskii loo sameeyey waxa uu
noqday mid aan loo aasiin tuuga, waxa weeyi nimankani saraakiil
bay ahaayeen waxay ahayd in aas milatari loo sameeyo, calanka
lagu duugo oo salaam Milatari la siiyo oo taliyaha ciidanka
qaranku muu tacsiyadayn oo muu soo haal qaadin dadkii la laayay.
Arinta gadoodka keentayna waxa weeyaan sida riqiiska ah ee loo
aasay Saraakiishaasi, dadku way mudaharaadeen si nabadgalyo ah
ayay wadadaa dheer ee Gabiley u marayeen, ciidanbaa markiiba
laga horgeeyey dadkii waxa ay taayir mariyeen iyo wax ay rasaas
mariyeen ayay kaga dhigeen Adeer marka ay dadku kacaan Rasaas
iyo ciidan waxba ma taraan”.
|