Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

September 21, 2014                                              

 

 

 

 

Xisbiyada Mucaaridka Iyo Xukuumada Oo Khilaafkii

Diiwaangalinta Xal Ka Gaadhay Iyo Nuxurka Qodobada Laga Isku Afgartay

Hargeysa, September 21, 2014 (Haatuf) - Xisbiyada Mucaaridka iyo Xukumada Somaliland ayaa ku Heshiiyey in Diwaangalinta Muwaadiniinta ay wakhtigeeda ku Qabsoonto iyada oo laysla qaatay in qofka aan Diwaangalinta Madaniga ah ka qaybgalin aan lagu xidhin marka uu qaadanayo kaadhka codbixiyaasha.
Kulanka ay Xisbiyada Mucaaridka iyo Xukumadu ku heshiinayeen ayaa waxa uu ka dhacay Qasriga Madaxtooyada ee Somaliland, waxana shirkaasi Jaraa’id ka hadlay Madaxweyne Ku-xigeenka Cabdiraxman Cabdilaahi (Saylici), Wasiirka Arrimaah Gudaha Cali Warancade, Guddoomiyaha Golaha wakiilada ah Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxman Cirro, Guddomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in murankani uu Somaliland shan sano dib u celiye, isagoo tilmaamay in muran oo kale uu taagnaa diiwaangalintii hore ee 2009-kii, waxaanu yidhi “Hadaanu Nahay Asxaabta Mucaaridka Marna Anagu Kamaanu soo horjeedin in la qaato kaadhka muwaadin-nimada, xamarna anagu xamar umaanu socon sida la sheegayey, waxaan idin xasuusinay shan sano horteed 2009-kii bishii September 24-keedii sidaasaa saddexda xisbi isku haysteen wakhtigaasi oo ay qodobkaa doorashada ka hadlayeen, horta shan sano hadlkii aynu taagnayn ayaynu ku noqonay, anagu waxa aanu doonay nay in qofka ka gaadhiwaaya kaadhka muwaadinka in aan laga xanibin marka la gaadho diiwaangalinta codbixiyeyaasha (Voter Registration) oon lagu xidhin kaadhkii diiwaangalinta madaniga ah maadqaadan oo isna loo sameeyaa hab uu u qaato kaadhka cod-bixiyeyaasha, hayorta waxa aanu isku haynay taasay ahayd”.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Warancade oo ugu horeyn ka hadlay Shirkaasi Jaraa’id ayaa waxa uu hadalkiisa ku Bilaabay. “Halkan waxanu isku nimid in bulshada reer Somaliland u sheegno, in lagga heshiiyey Khilaafkii yaraa ee Labbada Diwaangalinood ta Codbixiyaasha iyo Ta Madaniga ah, wixii madmadow ah ee ku jiray.”Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Warancade.
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdilaahi ismaciil (Saylici) oo isaguna ka hadlay nuxurka heshiiskan ayaa waxa uu yidhi. “sidaad maalmahan la socoteen waxa ina soo dhexgalay Buuq, buuqasi oo ahaa arrinta labbada Diwaangalinood, Diwaangalinta Muwaadiniinta iyo Diwaangalinta Codbixiyaasha oo isasaaran oo labaduba ah dan qaran ah oo runtii ahayd in dhawaan in ay Bilaabman balse dareen ka dhashay, kaasi oo dhex maray Xukumada iyo Axsaabta, waxanu illaa shallay iyo maanta ka shaqeynaynay in aanu isku soo dhaweyno, taasi oo xeerkii Diwaangalinta muwaadiniinta iyo xeerkii Doorashooyinku hor yaallo, marka waxanu ku heshiinay in xeerkii diwaangalintu sidiisi u socdo wixii qodob iyo labba ee lagga taabtayna madaxweynuhu ka dabba gudbiyo oo golaha wakiilada loo gudbiyo.”Ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenku Saylici.
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo isaguna ka hadlay heshiiska ay wadda gaadheen Xisbiyada mucaaridka iyo Xukumadu ayaa waxa uu yidhi. “Aragtiyo kala Duwanbaa ka soo baxay xeerkii Golaha loo gudbiyey ee kala ahaa Xeerka Diwaangalinta Muwaadiniinta, iyo diwaangalinta codbixiyaasha, iyada oo la eegayo heshiisyadii hore, waxa ay ahayd in labbada diwaangalinood aanay isdabrin oo kala madaxbanaanadan, markanu aad u gorfaynay waxanu isla garanay wixii aanu u arkaynay in ay dabrayso diwaangalinta Codbixiyaasha oo aan kala madaxbanaanayn labbada diwaangalinood aragti mideysan ayaanu isku waafaqnay, sidda la sheegayna Madaxweynaha u gudbindoona Golaha, taasi ayaan u sheegaya shacabka Somaliland.”Ayuu yidhi Guddoomiyaha Waddani Cirro.
Guddoomiyaha Xisbiga Tallada Dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo isaguna ka hadlay Madashaasi ayaa Tilmaamay in ka xisbi ahaan ay soo dhaweynayaan heshiiska la gaadhay oo ah mid taarikhi ah, waxanu tilaamay in Xisbiyada iyo Xukumada heshiiyeen.