Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

September 21, 2014                                              

 

 

 

 

Siilaanyo Oo Wiilka Uu Sodoga U Yahay Iyo Wasiirka Macdanta U Wakiishay

Wada-Xaajoodka Shirkad Imaaraati Ah Oo Lagu Wareejinayo Dekeda Berbera

Waxay Shalay Dalka Ka Dhoofeen Wasiirkii Arimaha Dibada Oo Hotel Maansoor Shaah Ku Cabaya
Hargeysa, September 21, 2014 (Qarannews) – Wiilka uu sodoga u yahay Madaxweyne Siilaanyo ee Baashe Cawil iyo Wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale (Waji-xun) ayaa shalay dalka ka dhoofay iyagoo ku sii jeeda magaalada Abu-Dhabi halkaas oo la filayo inay ka sii ambaqaadaan wadahadalo ay baryahanba kula jireen shirkadda Mubaadala ee laga leeyahay Imaaradda Abu-Dhabi, wadahadaladaas oo ku saabsanaa sidii dekeda Berbera loogu wareejin lahaa shirkadaasi.
Baashe Cawil ayaa ilaa sanadkii hore Abu-Dhabi ugu noqnoqonayey si uu shirkada Mubaadala ugu qanciyo inay la gasho heshiis maalgalin ah oo ay shirkadaasi kula wareegayso maamulka dekeda Somaliland ugu weyn ee Berbera.
Hase yeeshee markii sanadkan gudihiisa ay wadahadaladii soo gaadheen heer waxbadan la isku afgartay ayaa shirkada Mubaadala waxay Baashe Cawil u sheegtay inkastoo ay ogyihiin inuu ka mid yahay caa’ilada xukunta Somaliland, hadana ay lagama maarmaan tahay in qaybta wadahadalada ka hadhsan uu kala soo qaybgalo masuul rasmi ah oo ka socda dawlada Somaliland oo heer Wasiir ah oo kalsooni buuxda ka haysta Madaxweynaha.
Hadaba Madaxweyne Siilaanyo ayaa sanadkan gudihiisa waxa uu warqad qarsoodi ah u qoray Wasiirka Macdanta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale taas oo uu u wakiishay inuu ku matalo wixii wadahadalo ah ee dhexmaray dawlada Imaaraadka gaar ahaan shirkada Mubaadala iyo xukuumada Somaliland.
Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo haba-yaraatee aan waxba lagala socodsiinin arintaasi ayaa shalay shaah ku cabayey Maansoor Hotel markii ay Baashe iyo Xuseen Waji-xun Madaarka ka dhoofayeen.
Shirkada Mubaadala oo Imaarada Abu-Dhabi u qaabilsan arimaha horumarinta dhaqaalaha ayaa dalkooda gudihiisa ka sokow waxay leedahay mashaariic ay iyadu maalgaliso oo ka socda meelo kala gadisan oo caalamka ka mid ah.
Inkastoo Baashe Cawil uu ku guulaystay in Wasiirka Khaarajiga Maxamed Biixi Yoonis banaanka uga saaro wadahadalada uu la waday shirkada Mubaadala, hase yeeshee waxaan wali u suurtoobin shardi kale oo ay ku xidhay shirkadan uu abbaanka u yahay taas oo ah inuu Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ka soo qaato warqad cadaynaysa in Dawlada Federalka ee Somalia aanay waxba ka qabin hadii uu Baashe Cawil heshiis la galo shirkado Ajnabi ah gaar ahaan kuwa laga leeyahay Imaaraadka Carabta.
Ilaa hadda Baashe Cawil kumuu guulaysan inuu warqadaasi ka helo Xasan Sheekh Maxamuud iyadoo uu ku hungoobay dad uu u dirtay inay ka wasteeyaan Madaxweynaha Somalia.
Inkastoo Baashe warqad caynkaas oo kale ah uu ka haystay madaxwaynaha Somalinad, haddana shirkaddaasi ayaa ku xidhay inuu mid kale oo la mid ahna ka soo qaato madaxwaynaha Somalia.
Waxay ahayd 4/4/2014 markii uu wargeyska Haatuf soo qoray war sheegayey in Baashe Cawil uu sanadkii hore ee 2013-kii madaxwaynaha Somalia ka qaatay warqad rasmi ah oo uu Mr Xasan Sheekh ku cadaynayo in haddii ay dawladii Somalia yihiin aanay waxba ka qabin hadii uu Baashe Cawil heshiisyo la galo shirkado ganacsi oo shisheeye.
Haddaba sababta uu Baashe Cawil warqadan cusub uga baahday madaxwaynaha Somalia ayaa ilo xogogaal ah oo xoog loogu kalsoon yahay waxay ku tilmaameen mid la xidhiidha mudada la isticmaali karayey warqadda hore ee uu siiyey Xasan Sheekh Maxamuud oo ku koobnayd lix bilood oo qudha, taas oo wakhtigii loo ogolaa dhamaaday.
Sida uu Wargeyska Haatuf ku sheegay cadadkiisaasi tan iyo intii uu madaxwayne Siilaanyo taladda dalka la wareegay, Baashe Cawil waxa uu noqday ninka ugu awooda badan dawladda Somaliland ee labeeya madaxwayne Siilaanyo iyo waliba inuu yahay shaqsiyada kaliya ee labada madaxtooyo ee Somaliland iyo Somalia-ba wadda tixgaliyaan isagoon labadda dawladood midna aan xil rasmi ah ka haynin.