Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 September 25 2014                                             Shuwaal 30,1435H     

 

 

 

 

Boqor Buurmadow Iyo Xildhibaan C/Casiis Dhul-Cun Oo La Siiyey Qandaraaska Qorista, Tababarka, Qalabaynta Iyo Hawlgalinta Ciidan Cusub Oo Loo Samaynayo Inay Ilaaliyaan Shirkadaha Shidaal Baadhista

Buur-Madow Iyo Xildhibaan Dhul-Cun Oo Ay Isaga Isku Jilib Yihiin Askarigii Labada Sarkaal Ku Dilay Qori-Lugad Ayaa Sidoo Kale Lala Xidhiidhiyey Inay Gacan Ka Gaysteen Baxsashadii Gacan Ku Dhiiglahaasi

 

Hargeysa, (Haatuf) – Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) iyo xildhibaan Cabdicasiis Dhul-cun oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiiladda Somaliland ee ka soo baxay gobolka Togdheer ayaa la sheegay in la siiyey qandaraaska qorista, tababarka, qalabaynta iyo hawlgalinta ciidan cusub oo loogu tala-galay inuu ilaaliyo shirkadaha heshiiyadda shidaal baadhista kula jiray wasaaradda macdanta Somaliland.

 

Qandaraaskan oo sida la sheegay madaxwayne Siilaanyo iyo wasiirkiisa macdantu siiyeen Boqor Buurmadow iyo Xildhibaan Dhul-cun ayey sida qorshuhu yahay ay danaynayaan in ciidamadda qaranka ee jiidaha bariga in lagu badalo oo ay laga soo raro ciidanka qaranka si ay ciidamadda cusub ee shirkadaha shidaal baadhista  loo samaynayaa ay ula wareegaan jiidaha ciidanka qaranka laga soo raro.

 

Qandaraaskan oo aan dadwaynaha reer Somaliland ka warqabin cidii bixisay iyo goortii la shaaciyey toonna, ayaa waxay xukuumadu u saartay guddi qiimaysa shirkadaha soo dalbada qandaraaskan, waxaanay guddidaasi kulankii ugu horeeyey ee ay arrintaas ka yeelatay ka dib soo saartay go’aan ah in lixdii shirkadood ee usoo tartamay qandaraasku aanay midina buuxinin shuruudihii looga baahnaa, waxaanay xubnihii guddidu isla-garteen inay waajib tahay in qandaraaska dib loo baahiyo.

 

Haddaba wasiirka macdanta Mr Xuseen oo ka mid ahaa xubnaha guddidii wax qiimaynaysay iyo madaxwaynaha ayaa labadoodu mudo haatan laba todobaad laga jooggo waxay go’aan ku gaadheen in qandaraaska la siiyo shirkad ka mid ah 6-dii shirkadood ee markii hore dhacay oo ay qaab qaraabo kiil ah ay ugu hagliyeen madaxwaynaha iyo wasiirkiisa macdantu.

 

Dhinaca kale waxa jira warar kale oo sheegay in Xildhibaan C/casiis Dhul-cun iyo Boqor Cismaan Buurmadow inay ahaayeen maskaxdii ka danbaysay inuu baxsado askarigii dhawaan labadda sarkaal ku dilay deegaank Qoru-lugad oo isaga ilaa hadda lagu jahawareeray halka loo tahriibiyey, halka ay jiraan warar madaxbanaan oo iyagu tilmaamay in gacan ku dhiiglahaasi loo tahriibiyey magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya oo sida la filayo ay dad ehelkiisa ahi damacsan yihiin inay ka sii kaxeeyaan.