Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 September 26 2014                                             Dul-Hijjah 2,1435H     

 

 

 

 

Madaxwayne Siilaanyo Oo Tahli Kari Waayey Inuu Saxo Taariikhda  Dhalashadiisa Iyo Halka Uu Ku Dashay-ba Xili Bulshadu Dareeno Kala Duwan Ka Qabto Xaaladiisa Caafimaad

 

Axmed Siilaanyo Ma 2003-dii Ayuu Run Ka Sheegay Xiliga Uu Dhashay Mise Maanta Oo Markii Uu Kaadhka Diwaangalinta Maddaniga Ah Ku Qortay 1942-Kii?

 

Hargeysa, September 25, 2014 (Haatuf) – Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa tahli-kari waayey inuu saxo taariikhda dhalashadiisa, kaas oo markii uu maanta marayey tijaabadii ugu horaysay ee diwaangalinta maddaniga ah ee la siiyey kaadhkiisa muwaadinimo ku qortay inuu dhashay sanadkii 1942-kii, halka uu sanadkii 2003-dii mar saddexdii musharaxa ee xiligaasi u tartamayey jagadda madaxwayne-nimo oo kala ahaa Axmed Siilaanyo, madaxwaynihii hore Daahir Rayaale iyo Guddooomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe uu sheegtay Mr Siilaanyo wakhtigaasi inuu dhashay sanadkii 1936-kii isla markaana uu ku dhashay tuulo la yidhaahdo Dheryalay oo ka tirsan degmadda Balli-dhiig ee gobolka Togdheer.

Haddaba  Madaxwayne Siilaanyo ayaa sida ugu qoran CV-yadiisa isla markaana uu horre dhawr jeer sida aynu xusnay uga sheegay meelo badan inuu ku dhashay 1936-kii tuulada Dheryalay oo ka tiran degmada Ballidhiig, halka uu Madaxwayne Siilaanyo kaadhkiisa aqoonsiga muwaadinimo ee uu maanta Khamiistii ka qaatay xarunta hay’adda shaqaalaha dawladda uu kaga qortay inuu ku dhashay magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer.