Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 September 27 2014                                             Dul-Hijjah 3,1435H     

 

 

 

 

Madaxwayne Siilaanyo Oo Is-diwaangaliyey Sharcigii Oo Wali Baarlamaanka Horyaala

Hargeysa, September 27, 2014 (Haatuf) –  Madaxwaynaha Somaliland Axmed

Siilaanyo ayaa shalay qaatay kaadhka diwaangalinta maddaniga ah iyada

oo aanu Baarlamaanka dalku wali ansixinin xeerkii lagu sharciyey-nayey

diwaangalintaasi oo ay xukuumadu damacsan tahay inay ka hirgaliso

dhamaan goboladda dalka.

Diwaangalintan madaxwaynaha ee shalay oo siday wasaaradda daakhiligu

sheegtay  muwaadiniinta u saamixi doonta inay qaataan kaadhka

aqoonsiga jinsiyada Somaliland waxa ku wehelinayey qaar ka mid ah

wasiiradiisa oo iyaguna is-diwaangaliyey.

Arrintan layaabka leh ee madaxwaynuhu ka hordhacay sharcigii wadanka

ayaa waxa Mr Siilaanyo u dheer fadeexad kale oo dhacday markii uu

kaadhka diwaangalinta qaadanayey iyasagoo sheegtay markaasi inuu ku

dhashay magaaladda Burco sanadkii 1942, halka uu waxyar ka hor

doorashadii 2010-kii sheegtay inuu ku dhashay tuulada Dheryalay oo ka

tirsan degmadda Balli-dhiig sanadkii 1936-kii.