Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 September 29 2014                                             Dul-Hijjah 4,1435H     

 

 

 

 

Siilaanyo Beenta Uu Sheegay waxa ka darran Dhaqan-xumadda Ay Maskaxda Caruurta Ku Reebayso

Hargeysa, September 28, 2014 (Haatuf) – Madaxwayne Siilaanyo haddii uu

inuun ummadda u tudhayo wuu is-casili lahaa markii ay soo

shaacbaxday-ba inuu da’diisii ka been-sheegay.

Kol hadii ay ilaa caruurtii ay ogaatay in isagoo madaxwaynihii dalka

uu muddo saddex sanadood gudaheed ah laba da’ood oo kala jaad ah

sheegtay oo isagoo markii hore isku diwaangaliyey inuu tuulo la

yaraadho Dheryalay ku dhashay sanadkii 1936-kii uu haddana Khamiistii

dhawayd sheegtay inuu Burco ku dhashay 1942-kii, waxay ahayd inuu

bulshadda xaal ka siiyo meel ka-dhacaa wayn ee uu u gaystay maamuuskii

iyo sharaftii ay lahayd madaxtinimada dalku isla markaana uu xilka

iskaga deggo si uu isku daba-qabateeyo oo uu wax uun uga gaadho

karaamadiisa uu dhulka jiid-jiiday markii uu u badheedhay inuu been

qayaxan dadka la horyimaado.

Mr Siilaanyo waxa arrintan ka yeedhsiiyey jacaylka kursi aanu waliba

ummadda wax ugu tari karaynin.

Waxa iska cad in marka uu da’diisa yaraynayey uu ula jeeday in aanu

qabanin qodobka sharci ee qofka da’diisu kor u dhaafto 74 jirka ka

xarrimaya inuu isku sharaxo jagadda madaxwaynenimada Somaliland.

Su’aasha meesha taalaase waxay tahay maxay caruurtu ka barran doontaa

marka madaxwaynehoodii ka beensheego taariikhdii uu dhashay ee aan

waliba laga abaalmarin dambigaasi khiyaamadda qaran ah ee uu galay???.

Beenta uu sheegay waxa inagaga darran dhaqamadda xumadda ay ku

reebayso maskaxda caruurteena maanta oo ah madaxda barrito, halkii ay

ahayd inuu noqdo qof masuul ah tusaale fiicana u horseeda (Role Model)

oo waxa wanaagsan ay kaga daydaan.