Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 October 1 2014                                             Dul-Hijjah 5,1435H     

 

 

 

 

Naafadda Xukuumadda Siilaanyo!!! Faallo: Naasir Aadan Maxamed (Nawaa)

Marka aad eegto ciwaanka (Title-ka) aynu u xulanay Mawduuceenan kooban ee ah “Naafadda Xukuumadda Siilaanyo” waxa markaaba qofka aan hoos ugu sii dhaadhicin maskaxdiisa ku soo dhacaysa waar tolow maanta-na ma naafadii Ilaahay laxaadkooda ka qaaday ayaa haddana madaxwaynihii dalka dhaliil looga dhigayaa???dabcan qofkasta oo is waydiiyaa arrintan mid walba meel buu ula kacayaa, isla markaana maskaxdooda iyo maankooduna wuxuu ku foofayaa ujeedada mawduuca oo wax iska waydiinayaa naafadan dareenka dhalisay ee aynu bulshadda halkan ugu guud-mari doono.

Aynu ku sii durugno ujeedada qormadeenane, madaxwayne Siilaanyo oo ah qofka aynu naafadiisa aanay bulshadu ogayn ka hadlaynaa horta sharaxaad uma baahna isagu oo waa nin mudo dheer safta hore kaga jiray siyaasiyiinta ummadan iyo guud ahaan Soomaalida-ba, balse isagu samaystay tabbo iyo xeelado uu talo-kasta oo uu gacanta ku hayo ama xilkasta oo uu hayo uu ku maamulo, kaas oo isagu inta badan ku caan ah inuu ka baydho khariidada ama jidka uu jeexo masuulkii isaga xilka uga horeeyey isla markaana ujeedooyinkiisa siyaasiga ah iyo kuwiisa gaarka ahba u marra wadooyin ka caqabo iyo khatarba badan jidkii ay ragii isaga ka horeeyey cabsida ku dulmari jireen iyagoo eed ka carar ah.

Siyaasi guun ah ha noqdee hadana laguma sheegi karro hogaamiye ummaddiisu mahadisay isla markaana lamuu imanin ilaa imika wax ay bulshaddan saboolka ahi ku xasuusato barri ka maalin, iyaddoo aynaan dafiri karin in madaxwayne Siilaanyo uu wali haysto habayaraatee fursad aad u kooban oo uu inuun ku saxo khaladaadka iyo cadaalad-darada badan ee bulshadani ka tabanayso mudadii afarta sano iyo dheeraadka ahayd ee uu taladda dalka hayey iyagoo in badan oo ka mid ah haldoorka dadkani uu muraara-dilaac iyo yabaal la aamusan yihiin, ayna iska daayeen inay xogagaal u noqdaan xaaladaha ay dalka la marayso xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo.

Somaliland; marka aanad qurbe kaga maqnayn isla markaana aanad muraara-dilaac isku dhaafinin dhacdooyinka dalka oo aad isha ku qabato dhacdooyinka dalkan ka dhacay sanadihii u danbeeyey waxaad calool xumo ka qaadaysaa oo aad arkaysaa inaad joogto dal ka mid ah dalalka madaxda Afrika ugu qabisan iyo Shacbiga ugu saboolsani ku wada nool yihiin, iyadoo ay taas cadayn u tahay marka aad aragto nin xil ka qabtay dalka nooca uu doono xilkaasi ha ahaadee oo haduu doono bil wax ka yar hayey xilkaasi oo daarro ka jeexanaya magaaladda Hargeysa, iyagoo waliba marka xilka laga qaadona loo jabinayo sharciga dalka isla markaana fadhiga lagu wadda gunaynayo.

Xukuumadda madaxwayne Siilaanyo waa xukuumadii u horaysay ee masuuliyiinta xilka laga qaado oo dhami marka laga reebo mid-midka dhaliisha kaga jawaaba xil ka qaadistiisa ay mushaharooyinkii iyo gunooyinkii ay qaadan jireen markii ay xilka hayeen ay wali qaataan iyadoo aanu sharciga dalkani meelna kaga qornayn in wasiir ama agaasime xil laga qaaday lagu guneeyo fadhiga si aanu madaxaba u qaaddin.

Haddii aynu xaga sare ka bilawno waxa jira wasiiro, maareeya-yaal, agaasimiyeyaal iyo badhasaabo xilalkoodii laga qaaday oo uu u socdo mushaharkoodii, iyadoo sharciga dalku ogol yahay uun madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa in la guneeyo marka ay xilka ka degaan si ay iskaga bixiyaan laydhka iyo baahiyaha yaryar oo ay u baahdaan oo waliba aanay lacagtaasi distuurku ogolyahay madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenku aanu kafaynin baahiyaha guryahooda yaala.

Iska daa masuul xil ka qabtay xukuumadda Siilaanyo’e waxa madaxtooyada Somaliland gunaysaa oo mushaharooyin aan meelna kaga qornayn sharciga ay siisaa afmiishaaro iyo siyaasiyiin la soo shaqeeyey dawladihii ka horeeyey iyadoo sababteeduna tahay iska aamusii si aanay idiin dhaliilin marka ay xayraamaan.

Dhaqaalaha ku baxa NAAFADDA XUKUUMADDA SIILAANYO;  waxa bulshaddan saboolka ah loogu qaban kari lahaa wax badan, waxaana loogu samaynkaraa haddii in uun lexejeclo laga qabo muwaadiniintan wixii ay u dagaalameen wax u dooriyaa aanu jirin, waxa waxbadan lagaga qaban karaa gunooyinka iyo mushaharooyinka aan sharciga dalka meelnaka haysanin baahiyaha aas-aasiga ah sida caafimaadka, waxbarashadda, biyaha iyo jidadka, iyadoo isla markaana shaqooyin loogu abuuri karro dhaqaalahaasi uu madaxwayne Siilaanyo siiyo naafadiisa aan Jismigga waxba ka qabin, iyadoo shaqo abuur ay la timaado xukuumadda Kulmiye uu yahay qorshaha kaliya ee lagu badbaadinkaro dhalinyaradda Somaliland ee ku idlaaday badda u dhaxaysa Liibiya iyo Talyaaniga.

Madaxwayne Siilaanyo shaqo uu u abuuro da’yarta dalkiisa iska daayoo waxa uu dhiirigaliyaa tahriibka haddii aynu waynayso ku qabano marka aad aragto sida loo wayneeyo ee xaflado lacag badani ku baxdo loogu sameeyo qurbo-jooga dalkan, iyadoo aynaan wali arkin munaasibad dad badan la iskugu keenay oo lagaga hadlayo qorshe shaqo loogu abuurayo dhalinyarada wadankan ee quusta ah. Hadda akhristow  Tahriibaha maantu haddii aanay tiisu dhamaanin waa qurbo-jooga barri!!!.

Su’aasha meesha taalaa waxay tahay; madaxwayne Siilaanyo ma shacbigiisa saboolka ah ayuu u tudhayaa mise siyaasiga uu iska aamusiinayo???.

Guntii iyo gabo-gabadii; maadaama oo cidda ay shacbiga Somaliland codka aqlabiyada ah ku doorteen ay tahay Axmed Siilaanyo isla markaana ay dabcigii ay ku yaqaaneen marka ii uu lahaa i doorta badda ayaan idiin macaanaynayaaye sida haqab la’aanta ah ugu codeeyey waxay aaminsan yihiin oo ay ku doodayaan oo inta badan qofkasta oo fikirkiisu dhexdhexaad yahay xasuusinayaa dhacdooyinkii mudadii 10-ka sano ku dhawayd ee uu xisbiga Kulmiye iyo madaxdiisa oo uu ugu horeeyo Axmed Siilaanyo ay mucaaridka ahaayeen in dhamaan arrimihii ay ka caban jireen ama ay ka qaylin-jireen isla markaana ay ku dhaliili jireen xukuumadii ka horaysay ee madaxwayne Rayaale inay dalka maanta ka yihiin xalaal waliba cidii farta ku fiiqdaana ay muddanayso ciqaab iyo dagaal hilfaha loogu laabayo oo lagu tusayo cidkasta oo madaxa soo qaad islahayd in cagta hoosteeda la galinayo cidii ka soo horjeedsata ama ka hortimaada nidaamka uu hogaaminayo madaxwayne Siilaanyo oo isagu xiligii uu mucaaridka ahaa uga naxariis iyo tudhitaan badnaa ummadan wallow aanay wakhtigaasi isaga gacanta waxba ugu jirin ama midida daabkeeda aanu haynin miyaanu ka xishoonaynin ama ka baqanaynin inuu cod waydiisto oo i doorta yidhaahdo isagoo sida runta ah waxkasta oo uu balanqaaday ama ku qornaa buuggii cagaarnaa ee Kulmiye aanay waxba ka fulinin.

Naafadda Xukuumadda Siilaanyo!!! Faallo: Naasir Aadan Maxamed (Nawaa)