Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 October 2 2014                                             Dul-Hijjah 7,1435H     

 

 

 

 

Geerashka Ismaaciil Gaameelo Qaybtiisa Toornadda Oo Lagu Soo Kordhiyey Qalab Casri Ah Oo Lagu Qorayo Mishiinada, Kiriimada, Beebabka Iyo Waxkasta Oo Bir Ah, Lagagana Maarmayo Toornooyinkii  Dalalka Jaark Ah

Hargeysa, – Geerashkii Ismaaciil Gaameelo ee Mubaarik ee magaaladda Hargeysa ayaa qaybtiisa  toornada lagu soo kordhiyey mishiino casri ah oo ku cusub dalka, kuwaas oo lagu qori doono isla markaana lagu farsamayn doono mishiinadda, kiriimadda, beebabka iyo waxkasta oo bir ah, kuwaas oo lagaga maarmi doono toornooyinkii loo doonan jiray dalalka jaarka la ah Somaliland.

Mulkiilaha geerashkaas Ismaaciil Cabdi Caabi (Gaameelo) oo ka hadlay munaasibada lagu daahfurayey qalabkan cusubb oo ka dhacday xarunta geerashkaasi ayaa horumar dalka u soo kordhay ku tilmaamay qalabkan casriga ah ay bulshadda u soo bandhigeen.

Guddoomiyaha Geerashka Mubaarik Ismaaciil Gaameelo ayaa sheegay in toornadda cusubi ay u qaybsamayso todoba nooc oo mid walba shaqo gooni ah qabanayso, isla markaana lagaga kaafdooni doono mishiinadii iyo qalabkii gaadiidka ee marka ay ciladi ku timaado dalka jaarka ah ee Ethiopia lyo Djibouti qaadi jiray, kaas oo tibaaxay in khabiiro ajanabi ah oo u dhashay dalka India ay dibada uga keeneen ka dib markii ay waayeen muwaadiniin aqoon fiican u leh qalabkan casriga ah.ugu horayna isagoo maamulaha Geerashka Mubaarik Md Ismaaciil Gaameel isagoo sharaxaad ka bixinaya toornaddan cusub waxa uu yidhi “Geerashkan ilaa 1991-kii ayaanu nab-nabaynay oo dhulka ayaanu ka soo qaadnay, imikana waxaanu maraynaa meel Ilaahay noogu mahadnaqo oo Toornooyinkii iyo qalabkii gaadiidku u baahnaa oo dhan ayaanu dalka ku soo kordhinay oo wax wal oo bir ah lagu farsamaynayo, qalabkan casriga ah ee aanu keenay xataa markii hore cid ku shaqaysa ayaanu waynay oo waxay nagu kaliftay inaanu khubaro Hindi ah oo xirfadlayaal ah isla markaana qalabkan ku xeel-dheer sida loogu shaqeeyo. Mida kale qalabkan cusub ee aanu keenay waxa uu dalka u horseedayaa horumar oo shaqo abuurka ayuu ka qaybqaadanayaa ilaa dhawr iyo toban qof oo shaqaale ahna waanu qaadanaynaa Insha Allaah, iyadoo geerashkan markii horena ay dhawr iyo kontan qof hore uga shaqaynayeen, markaa shaqaale kale oo u khaas ah Toornooyinkana waanu qoraynaa”.

“Qalabkani waxaynu kaga maarmaynaa baahi badan oo qalabka gaadiidka loo qabay ayaa lagaga maarmayaa oo inta badan dalka dibadiisa ay marmarka qaar keenaysay in loo qaado amaba inagu yaraa oo mudo ay inagu qaadan jirtay in lagu farsameeyo dalka oo kuyuu dheer aad u galaysay oo wakhti dheer ayaad sugaysay shayga aad toornadda gaysay, markaa sida aan sheegay qalabkan cusub ee noocyada badan leh waxa lagu qorayaa Ijiinada iyo wax ala wixii bir ku abtirsada oo dhan, haday beebyada noqoto, haday mikiinada noqoto iyo haday gudaheeda noqoto iyo haday Kiriimada noqotoba markaa adigu todobadaa nooc ee toornadani u qaybsamaysaa mid walba waxbay qabataa oo shaqo gooni ah ayey qabanaysaa”. Mulkiilaha geerashkaas Ismaaciil Gaameelo mar la waydiiyey sababta keentay in shaqaale ajanabi ah ay u keeneen toornooyinka oo ay muwaadiniintu fursad ugu heli waayeen, waxa uu yidhi “Run ahaantii way jiraan dad muwaadiniin ah oo qalabkan ku shaqaynkaraa laakiin waa naaddir oo aad bay inoogu yaryihiin dal ahaan dadkaasi, in badana waanu raadinay laakiin way noo suurta-gali wayday inaanu ka helno dalka farsamo-yaqaanadaasi markaa ayey nagu kaliftay inaanu Ethiopia iyo India u doonano khubaro ku shaqaynkarta qalabkan, imikana waxa hawsha gacanta ku haya shaqaale ajanabi ah oo Hindi ah, balse qorshahaygu waa inaanu tababarno dhalinyarada dalka u dhalantay oo aynu dhawaan ka maarano dadka ajanabiga ah”.

Dhinaca kale geerashkan Mubaarik oo ku caan ah geerashka Ismaaciil Gaameelo ayaa xaga galbeed kaga beegan dugsiga hoose dhexe ee 31-ka May ee degmadda Ibraahim Koodbuur ee magaaladda Hargeysa, kana mid ah geerashyadda ugu guunsan, uguna farsamada fiican Somaliland.