Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

September 30, 2014                                              

 

 

 

 

Yuusuf Cabdi Gaboobe Oo Sheegay In Wargeysyada Haatuf Iyo

Somaliland Times Ay U Xidhan Yihiin Madaxwayne Siilaanyo Iyo Qoyskiisa

Hargeysa, October 4, 2014 (Haatuf) - Guddoomiyaha Haatuf iyo Somaliland Times Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa sheegay in labadaas wargeys ay wali u xidhan yihiin Madaxwayne Siilaanyo iyo qoyskiisa.
Waraysi uu siiyey HCTV oo habeen hore la baahiyey ayaa Yuusuf waxa uu xayiraadii ay xukuumadu ku soo rogtay labadda wargeyska ku tilmaamay sharci daro iyo dhaqan-xumo aan hore u dhicin. Isagoo arrintaas ka hadlayna waxa uu yidhi “In xaruun warbaahineed la iska xidhaa sharci darada ay tahay ka sokow waa dhaqan-xumo uu madaxwayne Siilaanyo ku kacay”.
Isagoo ka hadlaya maxkamadii la saaray isaga iyo tafatiraha wargeyska Haatuf Axmed Cali Cige wakhti hore oo sanadkan gudihiisa ah waxa uu yidhi “Waxay ahayd xukun qarqoosh madaxtooyadu wado oo Siilaanyo garsoore, garyaqaan iyo xeer ilaaliye intaba ka yahay, wax qarsoona may ahayn oo Somaliland oo dhan baa wada ogayd”.
Yuusuf Cabdi Gaboobe wuxuu sheegay in mudadii uu xabsiga ku jiray aanu marnaba wax cafis ah waydiisan madaxwayne Siilaanyo “Anigu cid aan cafis uga baahnaa may jirin, cidna maan waydiisanin, Siilaanyo-na isagaa dambiile ah oo dulmi igu xidhay”.
Mar wax laga waydiiyey halkay hawlihii shidaal baadhistu ku danbeeyeen iyo sida uu u arko ciidanka loo samaynayo shirkadaha heshiisyada shidaal sahaminta ah kula jira xukuumadda, Yuusuf Gaboobe waxa uu sheegay in musuqmaasuqii uu wargeyska Haatuf hore u soo bandhigay uu wali ka jiro hawlaha shidaal baadhista, taas oo abuurtay fursad ay cadawga Somaliland sida UNSOM iyo maamulka Somalia uga faa’idaystaan qorshayaashooda ku wa-jahan la dagaalanka qaranimada Somaliland.
Yuusuf Cabdi Gaboobe waxa uu soo bandhigay Documents uu ku cadaynayo in musuqmaasuq baahsani ku gaddaaman yahay hawlaha dhinaca shidaal-baadhista, waxaanu sheegay in Wasiirka Macdantu dawladda iskaga gudbno dakhli badan oo uga soo xaroon lahaa shirkadaha oo iskugu jira cashuuro iyo kirooyin ku waajibayey shirkadahaasi balse ay caadaysteen inaanay bixinin.
Dhinaca kale mr Gaboobe waxa uu ciidanka loo samaynayo ilaalinta shirkadaha shidaal baadhista ku sifeeyey ciidan beeleed ay hirgalintiisa iska kaashanayaan xukuumadda iyo shirkadahaasi.
Waxa kale oo uu xusay suurta-galnimada in maamulka madaxwayne Siilaanyo ciidanka cusub u adeegsado cabudhinta dadwaynaha, isagoo arrintaas tusaale uga dhigay ciidanka RRU-da ee dadka rayidka ah rasaasta la dhaca iyadoo markii hore ay dadku moodayeen in Ingiriisku u tababarayey la dagaalanka argagixisada.
Guddoomiyaha Haatuf Mr Gaboobe waxa uu madaxwayne Siilaanyo ku tilmaamay inuu yahay qof aan mabda’ joogto ah lahayn oo kolba halkay dantiisu ku jirto uun u jeedsada, waxaanu arrintaasi tusaale uga dhigay dhaleecayntii iyo eedayntii uu Siilaanyo u soo jeedin jiray madaxwayne Rayaale markii uu xidhay Yuusuf Cabdi Gaboobe.
Isagoo dhacdadaa ka sheekaynayana Yuusuf waxa uu xussay in madaxwayne Rayaale uu madaxwayne Siilaanyo kaga duwanaa isagoo ka xishooday inuu fuliyo go’aankii maxkamadda ee ahaa in xarunta wargeyska Haatuf albaabada loo laabbo, halka uu Siilaanyo xaruntii wargeyskaas xidhay iyadoon xukunba ku dhicin.

 

Xigasho: Qarannews