Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

October 4, 2014                                              

 

 

 

 

Ethiopia Oo Ku Firka-Naxday Kulan Si Sibiq Ah Uga Dhacay Oo Dhexmaray Wasiir Ka Tirsan Dawladooda Iyo Wasiir Maxamuud Xaashi

Hargeysa, October 4, 2014 (Qarannews) - Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan dawladda Ethiopia ayaa ku firka naxay kulan si sibiq ah uga dhacay oo todobaadkan Adis-ababa ku dhexmaray wasiirul-dawlaha arrimaha dibadda ee dalkooda Berhane Gebre-christos iyo wasiirka duulista iyo hawada ee Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ah dhawr wasiir oo ku jira xukuumadda Somaliland oo ay dibloomaasiyiinta shisheeye ee fadhiya mandaqada Geeska Afrika ku xantaan inay xidhiidho dhaw la leeyihiin ururadda xagjirka ah.

Siday ilo xogogaal ah oo ku suggan magaaladda Adis-ababa ay noo sheegeen, qaar ka mid ah masuuliyiinta sarsare ee dawladda Ethiopia u qaabilsan arrimaha sirdoonka ayaa waxa naxdin iyo u qaadan-waa ku noqotay markii ay ogaadeen in wasiirul-dawlahooda arrimaha dibadu la kulmay Mr Maxamuud Xaashi oo ay waliba ka wada hadleen arrimo la xidhiidha amniga labadda dal.

Wasiirka duulista ee Somaliland oo shalay galinkii danbe dalka ku soo laabtay ayaa dhawr warsaxaafadeed oo uu soo saaray intii uu ku guda-jiray booqashadda uu todobaadkii hore ku tagay magaaladda Adis-ababa wuxuu ku sheegay in wasiirul-dawlaha Gebre-christos ka sokow uu kulamo kula yeeshay wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska, wasiirka gaadiidka iyo  adaxda Ethiopian Airlines.

Sidoo kale masuuliyiin sarsare oo ka tirsan wasaaradda khaarajiga ee Ethiopia ayaan iyagu jeclaysan amaba ka xumaaday in kulamadan uu Maxamuud Xaashi la yeeshay saddexda wasiir ee ka tirsan dawladda Ethiopia ay u dhaceen si baalmarsan Protocol-ka, iyadoo hadda la baadhayo cidii soo qaban-qaabisay.

Dhinaca kale Maxamuud Xaashi oo isagu xalay ogaaday in kulamadiisii ay kiciyeen dareeno shaki leh, ayaa markii uu galinkii danbe ee maanta ka soo degay madaarka Hargeysa wuxu ku tiraabay hadalo cadho ku jirto oo is-difaac ah isagoo ku celceliyey inuu xaq u leeyahay kuna saxsanaa inuu wasiiro-da uu doono la kulmi karo, isla markaana uu dawladda Somaliland ku matali-karo kulamada noocaas ah.