Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

October 11, 2014                                              

 

 

 

 

Dawladda Ingiriiska Oo Madaxwayne Siilaanyo Wax Ka Waydiinaysa Ficilada RRU-da, Xayiraadda Wargeysyada Xidhan Iyo Doorashooyinka

Hargeysa, 11, 2014 (Haatuf) – Dawladda Ingiriiska ayaa madaxwayne Siilaanyo wax ka waydiinaysa sababta uu iskaga indha-tiro dalabyada dalalka dimuqraadiga ah, taasoo ay inta badan wadamada reer galbeedka ah oo ay Britain ugu horayso ay in badan ugu soo gudbiyeen codsiyo ay ku muujinayaan sida ay uga xunyihiin habdhaqanka xukuumadiisu hil-faha ugu laabtay madaxbanaanidii saxaafadda iyo xoriyatul-qawlkii Somaliland.

Sida ay Haatuf u xaqiijiyeen ilo wareedo ka tirsan dawladda UK, Ingiriiska ayaa arrimaha ay Siilaanyo la sugayaan inay wax ka waydiiyaan waxa ugu horeeya rasaasta nool ee ay ciidanka RRU-du la dhacaan dadka rayidka ah ee aan hubaysnayn wakhtiyada ay banaanbaxyada salmiga ah samaynaynayaan, xadhiga wargeysyada Haatuf, Somaliland Times iyo Hubaal oo xukuumadda Siilaanyo sifo sharciga baalmarsan ay albaabada ugu xidhay isla markaana xaruumahoodii ka dhigtay xeryo-ciidan.

Arrimaha ay dawladda Britain wax ka waydiin doonto madaxwayne Siilaanyo ayaa wax kale oo ka mid ah doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan dabayaaqada 2015-ka, taas oo ay Ingiriisku

aaminsan yihiin dareenada ay labada xisbi-mucaarid ee Somaliland kaga shakisan yihiin doorashooyin xor iyo xalaal ah oo dalka ka dhaca.

Sidoo kale socdaalka madaxwayne Siilaanyo maalintii shalay ugu baqoolay dalka Ingiriiska oo isaga iyo waftigiisii oo iyagu saaka gaadhey magaaaladda London ayaa waxa ka mid ah xaaladdo caafimaad oo

aanu madaxwaynaha iyo masuuliyiintii socdaalkaasi ku wehelinaysay midkoodna aanu soo hadal-qaadin, iyada oo sida la sheegay uu Siilaanyo halkaasi kula kulmi doono dhakhaatiir Ingiriis ah.

Dhinaca kale arrimahan ay UK la sugayso madaxwayne Siilaanyo ayaa waxa soo dedejiyey ka dib markii dawladaha reer galbeedka oo iyagu in badan kala hadlay arrinta wargeysyada xidhan isla markaana uu ugu jawaabi jiray inay u xidhan yihiin xukun maxkamadeed oo aanu faro-galinkarayn ayey dawladda Ingiriiska oo u muuqato mid ay u cuntami wayday marmar-siinyaha Siilaanyo go’aansatay inay si cad culays ugu saaraan sii daynta wargesyadaasi maadaama oo ay Axmed Siilaanyo iyo xukuumadiisu fahmi-kari waayeen miisaanka dalabyada dibloosiyadeed ee ay ugu muujinayeen sida ay uga xun yihiin

Wargeysyada xidhan oo muujinaysa heerka dimuqraadiyadii Somaliland taagan tahay wakhtigan.

Haddaba waxay Ingiriiska iyo dawladaha reer galbeedkuba la yaaban yihiin sababta uu Axmed Siilaanyo iskaga indha-tirayo cawaaqib-xumadda ay ku yeelankarto sumcadda Somaliland xadhiga wargeysada xidhan oo ay dhawrkii bilood ee u danbeeyey aad ugala hadleen dawlado badani, isla markaana waxay Britain ka walaacsan tahay sababta uu ugu dhaggan yahay inay wargeysyadaasi xidhnaadaan ee aanay u dhibaynin magac-xumadda arrintaasi u soo jiidday Somaliland.

Iyadoo ay dambaysay cid Siilaanyo kala hadasha arrinta wargeysyada xidhan ee Haatuf, Somaliland Times iyo Hubaal waftigii uu hogaaminayey safiirka Midawga Yurub ee Somalia oo 7-dii bishan dalka u yimid inay madaxwayne Siilaanyo kala hadlaan sii daynta wargeysyadaas.