Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

October 12, 2014                                              

 

 

 

 

Suldaan Yusuf Xiiray Oo Kalsoonidii Lagala

Laabtay Lana Taageeray Baaqii Jifadiisa Hoose Kalsoonidii Kala Noqdeen

Yuusuf Cige Diiriye

 

Dood iyo Falaqayn dheer oo dhex martay xubno ka mid ah haldoorka qurba jooga beesha Cabdalle Isaxaaq ee UK ayaa waxaa laga soo saaray bayaanka hoos ku qoran:

1. In beeshu si buxda u taageerto go'aankii  jufada reer Yuusuf ay soo saareen kuna bayaamiyeen inay kalsoonidii kala noqdeen suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray.

Go'aankan in la taageero waxaa kalifay ka dib markii ay cadaatay in Mudane Xiiray uu la dar-jiidhay cumaamadii Saldanada ee reerka oo dhan uu ku metelayay isagoo ku fushanaya danno gaar ah, lana dhex qaaday Saldanadii meelo iyo waxyaabo aan munaasib ku ahayn, magaca guud ee reerkana dhibaato iyo Foolxumo u soo kordhinaysa.  Sidaasi darteed haldoorkani waxay si buuxda u taageereen baqaasi Mudane Xiiray jufadiisa hoose ay soo saareen.  Waxay sidoo kale beesha ku boorinayaan inay si midaysan u taageeraan baaqaasi isla markaasna ilaashadaan karaamada iyo maamuuska ay ku dhex leeyihiin guud ahaan ummada afka Soomaaliga ku hadasha.

2.  In si buuxda oo hagar la'aan ah la isaga kaashado horumarinta deegaanka beeshu degto oo adeegyada bulsho ee ka jiraa ay aad u hooseeyaan una baahan yihiin wax ka qabad balaadhan.  Waxaana muhiim ah in beesh si wada jir ah ugu dabagasho haayadaha u xilka saaran haddii ay yihiin kuwo dawliya iyo kuwa caalamiga ah ee dalka ka shaqeeyaba oo ay dabagalaan xuquuqda muwaadiniinta deegaankaasi ku nool.

3- Waa  in taladii dhaqanka ee beesha Isaxaaq Care dib loogu celiyo cuqaashii soo jireenka ahayd iyaga oo midaysna ay la wareegaan talada dhaqanka ee reerka ee saldanada guud.

 

Allah ayaa ceeb ka nasahan

Yuusuf Cige Diiriye

Sheffeild UK