Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

October 12, 2014                                              

 

 

 

 

Wasiir Xagla-Toosiye Oo Sheegay In Cusbitaalada Gaarka Ahi

U Arkaan Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa Mid Khatar Ku Ah Ganacsigooda

Hargeysa, October 12, 2014 (Haatuf) – Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Saleebaan Axmed Ciise (Xagla-toosiye) ayaa sheegay in cusbitaalada gaarka loo leeyahay (private clinics) ay u arkaan horumarka cusbitaalka guud ee Hargeysa mid khatar ku ah Ganacsigooda.

Waxaanu intaa ku daray in xarumahaasi caafimaad ay cusbitaalka guud ee Hargeysa ay usoo qodbiyaan qofka marka ay wax ka qaban kari waayaan, isla markaana cusbitaalka Guud uu sanadkan qaliin ku sameeyey in ka badan 1800 qof oo ay ku guulaysteen qaliimadaasi saddex qof oo kaliya mooyaane.

Wasiir Xagla-toosiye ayaa sidaasi ku sheegay mar uu maanta ka jawaabayey war uu qoray mid ka mid ah wargeysyada Hargeysa ka soo baxa sida uu hadalka u dhigay, waxaanu yidhi Wasiirku “Arintan joornaalka Foore qoray runtii waa arin dacaayad ah oon sal iyo raad toona lahayn waan cambaaraynayaa joornaalkaas iyo cidii ka dambaysay waa maqaal u eeg inuu huwan yahay masayr laga masayrsan yahay adeegyada caafimaad ee cusbitaalka ee koraya, waxaan ka shakisanahay inay lug ku leeyhiiin private clincs-ku, kuwaas oo u akra cusbitaalku inuu khatar ku yahay ganacsigooda.

Cusbitaalku horumar aad u wanaagsan oo mujtamacu ogyahay oo adeegyo aan hore loo dabooli jirin ayuu daboolay kuwo dibadaha loo aadi jiray ayuu qabtaa, dhakhaatiir awood u hel ayaa jooga, waa cusbitaal (national hospital) waxa looga yimaadaa dhamaan gobolada dalka iyo dibadiisaba, waa wax lagu faani karo waxa cusbitaalka ka socdaa. Meesha uu maanta marayo waligeed cusbitaal dalka ku yaala ma gaadhin, cusbitaalkan waxaanu doonaynaa in aanu u dhadhicino gobolada.

Waa cusbitaal isku filaaday dadkiina ku filaaday, waad arkaysaan tirada dadka iyagii soo soconaya intay yimaadaan maalintii la daweynayo, agaasimuhu siduu sheegtay inta loo adeegay ee la qalay sanadkii hore waxay ahayd 1009 qof, saddex ayaa dhimatay, maantana waxa ay marayaan in 1800 qof qaliin lagu sameeyey oo saddex dhimatay, taasi waa guul muujinaya heerka cusbitaalka guud marayo.

Dadka waxaan u sheegayaa cusbitaalka ka faa’iidaysta arintani waa been oo afar iyo labaatanka saacadood wuu shaqaynayaa oo dadka ayuu u adeegaa.

Cusbitaalada gaarka ahn waxaan u sheegayaa anagu diyaar baanu u nahay in aanu u wada shaqayno, bukaanka aad u soo gudbinaysaan inuu noqodo xiligii wax laga qaban karayey saddexdaasi qof ee dhintayna waa dad in badan lagu hayey cusbitaalada gaaraaka ah oo waxba laga qaban kari waayey oo lacagtii laga dhameeyey ayay soo gudbiyaan ama waxa ay yidhaahdaan dibad ha loo qaado waa in uu ku jiro marxaladii wax laga qaban karayey. Aad ayaanu usoo dhaweynaynaa wada shaqayntooda, qorshayaal badan ayaanu usoo wadnaa cusbitaalka, wax badan oo dhimana in aanu wax ka qabano weeyaan, cusbitaalka waxa la dhisay 1953-kii oo Hargeysa ay dad yari degenaayeen oo cusbitaalka awoodii loogu talo galay oo ahayd lix kun ayaa hada waxa isticmaalaya dad ka badan 4 milyan waana muhiim in aanu helo dhismo awooda dadkaasi leh”. Ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadka Somaliland.

 

Xigasho: Hilaacmedia.com