Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

October 12, 2014                                              

 

 

 

 

“Waligaaba Duug-Duug, Dusha Ubaxa Saar-Saar, Doogtu Waa Halkeedii, Nimankii Sawirka

 Muuse Biixi Cidii Ay Ku Arkaan Xidhayey Inay Aayar Ka Tanaasulayaan Anigu Ma Filayo”

Jamaal Cali Xuseen

Hargeysa, October 12, 2014 (Haatuf) – Musharaxa Madaxwaynaha UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa dhalanteed ku tilmaamay warka sheegaya inuu madaxwayne Siilaanyo ka tanaasulay musharaxnimadii Kulmiye, taas bedelkeedana arrintaasi ku tilmaamay mid ay xukuumadda Siilaanyo ku jahawareerinayso kalsoonida shacbiga Somaliland oo uu sheegay inay ka calool go’een xukuumadda taladda haysa.

Jamaal Cali Xuseen waxa kale oo si wayn uga dayriyey bajadka loo qoondeeyey hay’adaha garsoorka dalka oo uu sheegay inay ka bajad badan yihiin hay’addo badan oo aan mihiimad-wayn ugu fadhiyin qaranka, isla markaana waxa uu madaxwayne Siilaanyo ugu baaqay in bajadka loo kordhiyey waaxda garoorka uu tibaaxay inay isbedel wayn u baahan tahay.

Musharaxa madaxwaynaha UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waxa uu xussay in xukuumadda Siilaanyo uu qorshaheedu ahaa in Haatuf, Somaliland Times iyo Hubaal xadhigooda sharciga baarmarsan bedelkiisa ay samaysay wargeysyo lagu caayo cidkasta oo dhaliila xukuumadda Siilaanyo, jariiradahaasi oo uu ka xusay wargeyska Somalilandtoday oo ku tilmaamay mid loo furtay in lagu difaaco musuqmaasuqa iyo boobka ay xukuumadda Siilaanyo ku mashquulsan tahay. Waxa uu sidaasi ku sheegay Jamaal waraysi uu maanta magaaladda Hargeysa ku siiyey Wariye Naasir Aadan Maxamed (Nawaa) oo ka tirsan bahda Haatuf.

Musharaxa madaxwayne-nimo ee UCID Jamaal waxa uu sheegay inay u muuqato xukuumadda Siilaanyo mid doonaysa inay doorashooyinka la filayo in dalka ay ka qabsoomaan 2015-ka ay ku beegto xiliga doorashooyinka Somalia la qabanayo oo ay beesha caalamku ku mashquulayso doorashooyinka Muqdisho la filayo in ka qabsoomaan 2016-ka. Ugu horayna isagoo ka hadlaya  wufuud mudooyinkii u danbeeyey dalka ku soo qulqulaysa waxa uu yidhi “Waxa keenay arrintan wufuudda ku soo gulgulaysa Somaliland shaki ay beeshu ka qabto xukuumadda taladda haysaa inay qabankarto doorasho xor oo xalaal ah, waxaanay beesha caalamku aragtay in xukuumadda Somaliland ay ka meermeeraysanayso doorashooyinkii oo waad ogtihiin oo waatii barigii dhawaa heshiiska ay wada galeen saddexda xisbi qaran, xukuumadda, Komishankii hore iyo beesha caalamka oo ahaa sida doorashooyinka loo qabanayo ee diwaangalinta loo qabanayo iyadoo aynu ognahay oo ay dalkii ku dawakhiyeen diwaangalintii madaniga ahayd oo ay gabi ahaanba habkeedii ka badeleen oo sida qorshaha caadiga ahi ahaa ahayd inay marwalba socoto ayey ka dhigeen 16 jir iyo wixii ka wayn, taasina waxay u eegtahay diwaangalintii codbixiyeyaasha, taasina shaki badan ay shacbigii Somaliland iyo beeshii caalamkaba ku abuurtay”.isagoo hadalkiisa sii watana, waxa uuu yidhi “Beesha caalamka qaar ka mid ahi waabay shakiyeen oo qaar dadkeena ka mid ahina waxaabay u arkayeen malaha waatan doorashooyin laga samaynayo Xamar 2016-ka oo arrintaasi shacbiga dalkan warwar ayey ku yar beertay oo waxaabay shacbiga reer Somaliland qayb ka mid ahi u arkaanba inay dawladdani doonayso nidaam federaal iyo wax ah oo haddii xukuumadda Somaliland 2015-ka qabanwaydo doorashadda  waxa loo arkayaa inay doonayso inay doorashada dib u dhigto oo ay ku beegto xiliga Xamar laga qabanayo doorashadda, run ahaantii 2016-kana beesha caalamku waxay ku mashquulsan tahay   doorashooyinka Somalia loo qabanayo. Waxa keenay shakiga intaas leegi waa iyadoo halkii doorasho ee ay xukuumadda Siilaanyo qabatay ay ahayd doorashadii ugu horaysay ee dalka ka dhacday ee dhiig ku daato”.

Jamaal Cali Xuseen mar wax laga waydiiyey haddii doorashadu dib u dhacdo waxa uga meelyaala mucaarid ahaan, waxa uu yidhi “Horta waxa mihiim ah in doorashadu wakhtigeedii ku qabsoonto, muddo kordhintan ay dawladda Siilaanyo iyo madaxdoodu iskugu sheekaysaa waa riyo ayuun baan odhanayaa oo shalayba waatii la ogaa iyadoo madaxwayne Siilaanyo laftiisu uu lahaa haddii Rayaale maalin loogu darro uma aqoonsanin inuu madaxwayne yahay laakiin anigu halkii ay taagnaayeen ma taagnin oo waxaanu leenahay waar doorashooyinka wakhtigoodii ku qabta oo waa laydin daawanayaaye mudo kordhin wax la yidhaahdaa ma jirto’e ha carab laalaadinina mudo kordhin”.

Mar wax laga waydiiyey sida uu arko wararka sheegaya in madaxwayne Siilaanyo ka tanaasuley musharaxnimadii Kulmiye, waxa uu yidhi “Kulmiye xaqbuu u leeyahay cidii doono inuu soo sharaxo, cid walba oo ay soo sharaxaan anagu diyaar baanu u nahay inaanu la tartan, wax dhibaato ahna uma aragno oo waa isku kaayo mid madaxwaynaha iyo mid wal oo la keenaaba. Kulmiye waa Kulmiye oo System-baa meesha jira System-kii uu Kulmiye meesha ku yimidna wuu baabiiyey ee yaan lagu jahawareerin baan leeyahay kursigu maaha hagbad ee kolba ninka ku haboon ummadda ayaa u garata laakiin hagbad la isku dhiibayo oo la isku wareejinayo maaha oo Kulmiye oo kaliya dhinacooda ay hagbadu ka socoto, waxaan leeyahay raga imika boobka iyo cadaalad-darada samaynaya ayuun buu Kulmiye mid ka mid ah soo sharaxayaa hadii aanu madaxwayne Siilaanyo musharax ahayn laakiin anagu ilaa imika waxaanu ognahay inuu Siilaanyo yahay musharax oo waatii la wada ogaa in lagu dagaalamay ee Istiikar Muuse Biixi ah lagu arko lagu xidhayey  markaa nimanka halkaas taagani inay aayar ka tanaasulayaan anigu ma filayo oo filimkaasi waxa uu ka mid yahay shirqoolada looga bartay xisbiga imika talada dalka haya ee ay dalka kalsoonidooda ku jahawareeriyaan oo arrintaasi waxay ina xasuusinaysaa uun hadalkii hore loo yidhi ee waligaaba duugduug, dusha ubaxa saar-saar doogtu waa halkeedii”.

Musharaxa madaxwaynaha UCID Jamaal Cali Xuseen mar uu ka hadlayey mar uu ka hadlayey garsoorka dalka, waxa uu yidhi “Waatan lasoo waddo bajadkii sanadka kale oo waxaan haystaa bajadkii sanadkii hore oo waxaan eegayey bajadka loo qoondeeyey hay’addaha garsoorka, run ahaantii garsoorkeena dhan ee aynu cadaaladda ka sugaynaa waa meelaha ugu liita, tusaale ahaan 3.3 bilyan wax ku dhaw ayaa garsoorkeena la siiyey halka odhadkii ama qolyahan hanta-dhawrka la siiyey 4 bilyan iyadoo wax alaala wax uu qabto hanta-dhawrkeenu jirin oo cid ay xidheen iyo cid ay baadheen toona aynaan arkin. Markaa waxa nasiib daro ah in bajadka hay’adaheena garsoorka oo dhan haddii la isku darro uu 10 jeer ka badan yahay bajadka TV-ga qaranka oo wax alaala wax uu ummadda faa’ido u leeyahay aynaan arkin xukuumaduna waxa ay ugu talo-gashay yahay in mucaaridka laga caayo oo kaliya”. Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu intaas raaciyey “Waxaan leeyahay waxa loo baahan yahay in  garsoorkeena  la siiyo bajadk ku filan oo ay shaqada ku qabtaan, mushkiladaha ka jira garsoorkeena waxa kow ka ah dhaqaale la’aanta aan waxbaba loogu talo-galin laakiin xaga bajadka la siiyey ayuun baan imika ka hadlayaa waxaanan ku  talinayaa in garsoorka dalka isbadal wayn lagu sameeyo  oo la hagaajiyo, waxwalbana yaanay dawladu u arkin dhaliil anagu iyagaanu u nasteexaynaynaa oo waa talo uun waxaanan leeyahay waar bajadkii waydinka soo wadee qolada garsoorka bal hoos ha loo eego maadaama  oo ay ka mid yihiin saddexda dhadhaar ee dalka”.

Jamaal Cali Xuseen mar uu ka hadlayey garsoorayaal hore shaqada looga fadhiisiyey oo dib haddana qaar ka mid ah loo soo celiyey, waxa uu yidhi “Arrintaasi waxay iila muuqataa arrin sharciga baalmarsan oo  nin jeclaysi ah uun inay tahay iyo garsooraha dawladda danta u fulinaya oo sharciga loo jabinayo, ka fulin-waayo xukunka xukuumadu doonaysona waa la eryaa oo waxa laga jecel yahay ka marwalba madaxtooyada telefoonka u  soo dira ee ku xidhan qasriga madaxtooyada oo garsoorahaasi waa mid lama taabtaan ah arrintaasi markaa arrintaasi waanu cambaaraynaynaa xisbi ahaan”.

Musharaxa UCID Jamaal Cali Xuseen mar uu ka hadlayey xayiraada wali saaran wargeysyada Haatuf iyo Hubaal inay muujinayso cadaaladarada baahsan ee dalka ka taagan, isagoo arrimahaasi ka hadlayana, waxa uu yidhi “Cadaalad-darada wayn ee dalka ka jirta waxaad ka daalacnkartaa ilaa imika waxay ku xidhan yihiin labadii wargeys ee Haatuf iyo Hubaal lama oga, iyadoo waxa qudha albaabada loogu laabay ay tahay musuqmaasuqa ay soo bandhigeen. Xukuumadeenu intay Haatuf iyo Hubaal xidhay ayey jariiraddo furatay oo imika wargeyskan SomalilandToday la yidhaahdo ee ay dadkuna ku naanaysaan Xirsi-today cid wal oo xukuumadda Siilaanyo dhaliisha way iska-cayaan oo waxay doonaan ayey ka qoraan oo shaqsiyaad ehlu-sharafka ummadan ka mid ah ayey caayaan oo ganacsiyo gaar loo leeyahay ayey caayaan, markaa waxay noqonaysaa uun arrintaasi aniguna waxaan doono aan sameeyo oo wargeyso dadka aan ku caayo aan samaysto dadka kale wargeysyadoodiina waan xidhayaa run ahaantii waa nasiibdarooyinka waawayn ee dalka ka jira”.