Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

October 20, 2014                                              

 

 

 

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Waxa Uu Ka Mid Yahay

Shakhsiyaadka Ay Dawladd Wax Isku Falaysaa Aanay Sinaba U Soo Dhawaysateen

Hargeysa, October 20, 2014 (Haatuf) - Cali Maxamed Warancade oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland waxa uu ka mid yahay shakhsiyaadka ay dawlad wax isku falaysaa aanay sinaba u soo dhawaysateen.

Waa qof dawlad ku nool ah oo shaki ka galo jiritaankiisa qof ahaaneed haddii aanu shaadh dawladeed gashanayn.

Cali waa qof aan waxbarasho hagaagsan soo qaaddan yaraantiisii, waxaana shaqo ugu horaysay 60-maadkii markaas oo uu ka mid noqday askar loo qaadanayey ciidan bilays ah oo cusub oo si gaar ah loogu samaynayey ilaalinta anshaxa iyo aaddaabta.

Markii ay dhalatay dawladdii Siyaad Barre 1969-kii Cali Warancade wuxuu markiiba iska xaadiriyey Axmed Saleebaan Dafle, waxaanu ka mid noqday saraakiishii NSS-ta. hadaba markii lagu jiray sanadihii cadaadiska ee xukunkii Siyaad Barre, waxyaabaha uu Cali Warancade ku caan-baxay waxa ka mid ahaa guul-wadayn siyaaddo ah oo uu ku dhaqmi jiray iyo isagoo isku taxaluujin jiray helitaanka wararka SNM-ta, taas oo ahayd hawl uu si gaar ah ugu dirran jiray Axmed Saleebaan Dafle.

Markii ay dawladiisii dhacday 1991-kii ee ururkii SNM ee uu basaasi jiray la wareegay taladii dhulka Somaliland, Cali wuxuu u soo qaxay Hargeysa.

Si kasta oo ay jabhadu iskaga hortimaado ama nac-kasta oo dhexdeeda yaalaba mujaahidiintu waxay ka sii necbaayeen saraakiishii NSS-ta u shaqaynjirtay gaar ahaan kuwii ka soo jeeday qabiil ahaan  Isaaqa.

Labadii sanadood ee ay SNM xukumaysay Somaliland Cali Warancade foodda wuu soo galinkari waayey maamulkii ay dalka u dhistay.

Labadaas sanadood mooyaane wixii ka danbeeyey oo dhan Cali muu shaqo-beelin oo wuxuu ka qaybgalay xukuumadihii Cigaal iyo Rayaale-ba, maanta-na wuxuu wasiir ka yahay tan Madaxwayne Siilaanyo.

Cali Warancade malaha wax aqoon iyo cilmi ah oo uu kusoo kordhin karo maamulka iyo hawlaha wasaaradaha uu xilalkooda soo qabtay.

Laakiinse wuxuu  leeyahay af-miishaarnimo uu iskaga dhaadhiciyo cidda uu mansabka dawladeed ka doonayo isagoo u muujiya inuu yahay qofkii u qaban lahaa hawlkasta oo loo diro noocay doonto ha ahaatee.

Xeeladdaasi waxay ilaa hadda Cali u suurtagalisay in maamulkii SNM-ta mooyaane ay saddexdii ku xigayba oo uu kan Siilaanyo ka mid yahay ay xilal u dhiibaan.

Sanadkii 1995-kii oo ahaa wakhtigii cumladda (currency) ee sixir-bararka (inflation) iyo hoos u dhicii joogtadda ahaa ee shilinka Somaliland ay waddanka aafeeyeen ayaa madaxwayne Cigaal wuxuu u magacaabay guddi ka soo talisa sidii wax looga qaban lahaa mushkiladdaa.

Guddidan oo ay xubnaheeda ka mid ahaayeen Siilaanyo iyo Aadan Cabdi ayaa iyagoo arrintii loo xilsaaray ay ka munaaqashoonayaan waxa si qashiinimo leh ula murmay Cali Warancade oo wakhtigaasi ahaa wasiirka ganacsiga isla markaana farsamo xumadiisu  ay sabab u ahayd mushkiladda sixir-bararka iyo hoos u dhaca cumladda Somaliland.

Siilaanyo oo markaa dhaamay sidan uu hadda yahay ayaa intuu Ina Warancade eegay waxa uu yidhi “ala-jaahil dhiirranaa”. hadda oo ay 10 sanadood ka soo wareegtay dhacdadaasi Cali Warancade waxa uu xukuumaddan uu Siilaanyo hogaaminayo ka yahay wasiirka daakhiliga, waxaana halkii cumladda ee uu ka fara-qabsaday hadda ugu jirta diwaangalinta maddaniga ah.