Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

October 21, 2014                                              

 

 

 

 

Aragtiyo Xasaasiya Oo Ka Dhashay Xeedho Reer Axmed Dhagax Gudoonsiiyeen

Wasiirka Duulista Iyo Siyaasiga Oto Biixi Oo Ku Tilmaamay Dhaqan Xumo Xaafadoodu Bilawday

“Barigii Faqashtu Wadanka Joogtay Ayaa La Odhan Jiray Quruxda Hablaha Ayaa La Eegayaaye Tiyaatarka Hala Geeyo Hablaha, Xaafadayadii Erayadaasi Ka Xanaaqi Jirtay….” Oto Biixi

Hargeysa,  October 21, 2014 (Haatuf) - Dood iyo aragtiyo aad u xasaasiya ayaa ka dhashay fujaan xeedho ah oo habeen-kii sabtida Hargeysa koox dhalinyaro ahi ku gudoonsiiyeen wasiirka ugu musuqmaauqa badan Somaliland ee duulista iyo hawada Mr Maxamuud Xaashi Cabdi.

Arintan oo ahayd wax dhaqanka iyo reer Hargeysaba ku cusub oo ay soo kordhisay xaafada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa ayaa aad loogu hadal hayey goobaha ay dadku iskugu yimaadaan ee magaalada Hargeysa iyadoo dadku aad u faalaynayeen fujaanka oo ay sheegeen inaanay dhaqan ahaan wanaagsanayn in qaabkan loo isticmaalo waxay aragtiyaha kala gedisan ee laga bixiyay fujaankani sheegeen inaanay munaasib ku ahayn in xafladaasi fujaan lagu bixiyo.

Dhinaca kale Siyaasiga Oto Biixi oo isna ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay in barigii faqashtu wadanka joogtay ayaa la odhan jiray quruxda hablaha ayaa la eegayaaye tiyaatarka habalaha hala keeno isla markaana xaafadoodu ay ku gacan saydhi jirtay waxaanu yidhi Mr Oto Biixi “Waxaan maanta ka hadlayaa arin aan dhaqanka Hargeysa iyo dhaqanka reer Somaliland midna ku jirin oo habeen hore ka dhacday xaafadayada Axmed Dhagax, barigii faqashtu wadannka joogtay ayaa la odhan jiray quruxda hablaha ayaa la eegayaaye tiyaatarka ha la geeyo hablaha, xaafadayadii erayadaasi ka xanaaqi jirtay oo odhan jirtay ma hablahayaga ayaa la eegayaa, xaafadayadii umadaba orod ayay ku dhaaftay waxaan umaduba samayn ayay samaysay.

Nin aan fijaan iyo xaashi cadba istaahilin ayay fijaan gudoonsiiyeen waa wasiirka duulista, umadu way isa siisaa oo way is sharaftaa, fijaanka waxa aanu ku naqaanaa dhaqanka, Maxamuud Xaashi ma inan ayuu xaafadayada ka guursaday oo fijaanka loo siiyey”.

 

Xigasho: Hilaacmedia.com