haatuf.net
Jamaal Cali Xuseen Oo Bulshadda Tog-Wajaalle Ka Tacsiyadeeyey Khasaarihii Dabkii Shalay Ka Kacay Suuqa, Fariin Adagna U Diray Xukuumadda Iyo Ganacsatadda Somaliland
November 4, 2014 - Written by Admin Two

Hargeysa, pharm November 4, medical 2014 (Haatuf) – Musharaxa madaxwaynaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa muujiyey sida uu uga xun yahay dabka qabsaday meheradaha ganacsiga eek u yaala magaaladda Wajaale ee degmadda Tog-Wajaale, kaas oo xukuumadda taladda haysa iyo ganacsatada dalkaba ugu baaqay in loo gurmado muwaadiniintaasi meheradahoodii ka gubteen.

Jamaal Cali Xuseen waxa uu nasiib-daro ku tilmaamay in magaalo ganacsiyeedkaas mihiimada wayn dalka ugu fadhida isla markaana dhaqaalaha badani yaalo ee Wajaale inaanay lahayn dabdamis hadii dab ka kaco lagula tacaalo, kaas oo arrintaasina ku naqdiyey xukuumadda Siilaanyo.

Sidoo kale musharaxa madaxwaynaha UCID waxa uu wax laga xumaado ku sifeeyey madaxda degmadda Wajaale iyo kuwa gobolka Gabiley-ba oo uu xussay inaanay kaba soo xaadirin goobtii khasaaruhu ka dhacay, taas oo uu ku micneeyey shaqo xumo iyo faashil uu sheegay inay ku jirto xukuumadda madaxwayne Siilaanyo.

Jamaal Cali Xuseen waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal kooban uu Haatuf soo gaadhsiiyey, kaas oo isagoo dhamaystiran u dhignaa sidan:- “Marka ugu horaysa iyadoo ay qadar  Ilaahay qoray yihiin wax walba haddana waxaan aad iyo aad uga xumaha muwaadiniintii khasaaruhu ka soo gaadhay dabkii shalay waxyeeleeyey meheradaha badan ee magaaladda Wajaale, kuwaas oo aan leeyahay Ilaahay ha idinka yeelo kuwa degdeg uga soo kabta khasaaraha ku dhacay ganacsigooda. Run ahaantii qadarka ka sokow nidaam xumadda iyo habacsanaanta xukuumadda taladda haysaa waa ta keentay in bulshadeenu arrimihii daruuriga u ahaa ay ku liidato, waxaana xaqiiqo ah adeegyadda bulshadu inay yihiin Somaliland kuwa ugu liita, waxaan in wax laga qabto masuuliyadeeda 1-aad saaran tahay xukuumadda taladda haysa madaxwayne Siilaanyo oo xaqiiqatan u muuqata mid ku fashilantay wixii loo doortay iyo balanqaadadii faraha badnaa ee ay xiligii doorashada dadka u balanqaadeen oo intoodii badnayd aanay waxba ka fulin.

Xukuumadda taladda haysa iyo ganacsatada waawayn ee reer Somaliland-ba waxaan ugu baaqay inay u gurmadaan bulshadda khasaaruhu ka soo gaadhay dabkaasi, waxaanan si gaar ah xukuumadda ugu baaqayaa inay dab-damisyo u http://jetgrunn.no/cialis-mail-order samayso magaalooyinka iyo degmooyinka mihiimka ah, iyadoo degdmadii ganacsiga dalka saamaynta ugu badan ku lehayd ee Togwajaale oo aynu ognahay ganacsiga iyo shaqada ay bulshaddu iskeed u abuuratay ee ka socda oo aan haddana lahayd baabuur yar oo dab-damis ah, arrintaasi waa inagu ceebe waar wax ka qabta ayaan leeyahay xukuumadda.

Mida kale waxa wax lala yaabo ah oo ceeb inagu ah in masuuliyiintii dawladda ee degmadda ilaa heer gobol mid aan lagu arkin goobta khasaaruhu ka dhacay oo aanay joogin, iyadoo iyaga masuuliyadi ka saaran tahay maadaama oo ay dawladda u matalayaan gobolka iyo degmadda-ba, taas oo markii danbe keentay inay  dadkii gadoodeen oo ay mudaharaado salmi ahi ka dhacaan magaaladda Wajaale.

Iyadoo aynu ognahay in bulshadda Togwajaalle laga qaado cashuur aad u badan, ma hal dabdamis baa loo waayey?waa maxay sababta ay dadkeenu mar walba uu xoolahooddu ugu dhamaado dab oo ay u daawaddaan? mee qorshahii xukuumadda ee arrinkani ku wajahnaa?.

Ugu danbayn waxaan ugu baaqayaa isla markaana aan wow look it female viagra pills kula talinayaa oo aan ugu nasteexaynayaa xukuumadda iyo cidkasta oo gacan ka gaysankartaba in dadkaas muwaadiniinta ah ee khasaaruhu soo gaadhay in si deg-deg ah loogu gurmaddo; arrimaha noocan oo kale ahna talo qaran laga yeesho oo laga sii tabaabushaysto sidii la very good site viagra online pharmacy iskaga caabin lahaa ee magaalooyinka mihiimka ah oo dhan loogu samayn lahaa dabcamisyo iyo adeegyada aas-aasiga ah”.

 

 

 

 Jamaal Cali Xuseen

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS