haatuf.net
“Waxa Derajada Iyo Shahaadooyinka La Siiyaa Kuwa Dadka Caaya & Cidda Dhulka Qasta, Maanta Laga Bilaabo Waxan Ka Shaqaynayaa Wareerka Iyo Walaaqa”Fanaanadda Reer S/land Ruun Xaddi Sabban
November 23, 2014 - Written by Admin Two

Hargeysa, salve November 23, viagra 2014 (Haatuf) – Fanaannada caanka ah ee reer Somaliland ee Marwo Ruun Xaddi Sabban ayaa sheegtay inay ku dawakhday habdhaqanka bulshadeena iyo wadiiqada ay ku abaal mariso shakhsiyaadka sama doonka iyo kuwa xumaha ka shaqeeya.

Ruun Xaddi Sabban ayaa sidaasi ku sheegtay fariin daawasho ah oo ay maanta ku baahisay barta Maal Channel ee Youtub-ka, cough | si aad uga bogato sababta fanaannada ku kelliftay inay shaqadeedii ku beddeshay dariiqa ay  bulshada ku tilmaamtay fadlan

ruunMarwo Ruun waxay sheegtay in bulshadeenu madax iyo mijoba ay cidda xumaha ka shaqaysa kasoo dhawaysato cidda wanaaga fasha, waxaanu tibaaxday in maanta laga bilaabo ay falawgeed geli doonto sidii ay qaska iyo walaaqa iyo jaha-wareerka ummada uga shaqayn lahayd, tallaabadaas oo bay tidhi ay maamuus iyo karaamo kaga mutaysanayso bulshadeena.ugu horeyna iyada oo ka hadlay arrimahaas waxa ay tidhi  “Waxaan maanta ka hadlayaa wax dadka qaarna la yaabi doonaan qaarna u bogi doonaan, waxaasi waxa uu yahay 23 sanadood ayuun baa aniga iyo qaar ila mid ah [wanaagsan] oo nala badan yahay waayo dadkii wanaagsanaa  iyo kuwii xumaa ayaa kala badan…waxaa wax lagu helaa cayda, waxaa wax lagu helaa qaska, waxaa wax lagu helaa dilka, waxaa wax lagu helaa dilka…..waxaa shahaadooyinka la siiyaa kuwa dadka caaya, waxaa derejada la siiyaa kuwa  dhulka qasa, waxaa madax laga dhigaa kuwa wax wareeriya….maanta laga bilaabo la iguma oga wanaag ee waxaan ka shaqaynayaa waxa dadku u badan yihiin oo ah qaska, dilka iyo walaaqa”. Hadalka Fanaanadaasi oo dhamaystiran Halkan Hoose Ka Daawo:-

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS