haatuf.net
Saleebaan Gaal Oo Hadalo Deelqaaf Ah Ku Weeraray Axsaabta Mucaaridka Iyo Madaxdhaqmeedka Naqdiya Xukuumadda, Deedefeeyeyna Inay Wada-hadal Lala Galayo Cali Khaliif Galaydh
November 24, 2014 - Written by Admin Two

“Asxaabta Mucaaradku Waa Rag Ayda Wareegaya, store Golaha Guurtiduna Mudo Kordhin Xukuumada Uma Wadaan”Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland

 

Hargaysa, shop November 24, pills 2014 (Haatuf) – Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay inaanay xukuumada Somaliland wada hadal la furayn kooxda khaatumo ee uu hogaaminayo Cali Khaliif Galaydh.

Waxa uu nasiib daro ku tilmaamay in Cali Khaliif isaga oo soo noqday raysal wasaare dib iskugu celiyo hogaamiye kooxeed khal-khal ku ah amaanka caalamka.

Sidoo kale waxa uu golaha guurtida ka fogeeyey eedo ay  asxaabta mucaaradku usoo jeediyeen oo sheegaya in mudo kordhin xukuumada u hogaaminayo madaxwaynaha somaliland u samaynayaa golaha guurtidu.

Sidaasna guddoomiyaha golaha guurtidu waxa uu ku sheegay mar uu saxaafada madax banaan kula hadlayay xafiiskiisa magaalada Hargaysa waxaana uu yidhi “Maxaanu Cali Khaliif Galaydh kuwada hadli, anigu garan mayno waxaanu kuwada hadalno, reer Somaliland weeye Cali Khaliif nin mucaarid ah maah, jabhadna wuu sheegtay nin dawlada somaliya raysal wasaare ka gaadhay ismaan lahayn reer ayuu hoos ugu soo noqonayaa,reerna madax ayaan u ahay anigu libin uma arko.

waxa kale oo uu ka hadlay guddoomiyaha golaha guurtida somaliland warar sheegaya in xukuumada iyo golaha wakiilada loo kordhinayo mudo lix bilood ah, isagoo arrimahaasi ka hadlayana, waxa uu yidhi “Hortu waan idin layaabanay sababtu waxa weeyaan doorasho joogta 2015ka ayaynu maanta ka hadlaynaa meesha kuma jirto,kuwa suuqa waxaas ka lehna run iskumay sheegin dawladuna warkaasba mahayso anaguna ma hadal hayno gole kalena hadalkiisa daa, inta ay khusaysayna waa intaas, markaas anigu ma hayno meel aanu mudo kordhin ku wadno”.

Saleebaan Gaal isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas raaciyay “Maanaga ayay nagu gubayaan mise madaxtooyada ayay ku kar-baashayaan,waxa ay ila tahay mucaaradku waa ninkaas ayda wareegaya ee kursi wareeg ah,kursi nin kale ku fadhiyo ayuu doonayaa,waana uu qaylinayaa markaas waa in loo dul qaato anaguna ka guurti ahaana waxaas oo kalena dhag loo dhigi maayo”.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay guddoomiyaha golaha guurtidu Saleebaan Maxamuud Aadan madax dhaqmeedka soo fadhiista warbaahinta ee siyaasada golayaasha dhaliila waxaana uu yidhi “Waxaan ugu jawaabayaa kaligay gole ayaan masuul ka ahay oon ahay guddoomiyahoodii, hadii gole la dhiilayo oo aanan anigu arag majirto, shaqadoodiina way gutaan, meel kastana waa laga amaanayaa guddoomiyahoodina waa xun yahay cidna idinka aqbali mayso, dad waxaas may odhane idinka ayaa iila badheedhay”.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS