haatuf.net
Qaran Idil Ku Yee, Qof Hadlaa Ma Jiro!!!Qalinkii Faysal Cumar Madar (Faysal Qumuj)
November 24, 2014 - Written by Admin Two

Maxaa Gudoomiyaha Jiidali lagu xidhay, anabolics yaa xidhay?

Waxa kusinaan 14/11/2014 laga qafaashay gurigiisa gudoomiye Cabdiraxaman Xasan Aadan oo ah Hogaanka urur ay ku bahoobeen da’yarta beesha Super Awal oo lagu magacaabo Jiidali. C/raxmaan waxa lagu haystaa saldhiga-dhexe ee Hargeisa oo ilaa imika ku xidhan yahay, medicine xadhiga iyo nidaamku waa calamadaha dawladnimo, order inkastoo marka si qaldan loo adeegsado ay keento hadimooyinka umada badani eega kazoo kaban laayihiin.

Iswaydiintu waxay tahay maxaa lagu xidhay? Waxa lagu xidhay waxaad hogaan u tahay dhalinyarada beesha super Awal (Jiidali), hala yabin Akhriste. Calaamadaha Xukumadaha aan haysan Kalsoonida Bulshada ama lumiya tageerada muwaadiniintooda ayay shaqaalahoodu sida:(wasiirada,Agaasimayaasha IWM), Waxay ku raali galiyaan madaxtooyada markaa talada haysa in ay Masuuliyada ay hayaan kaga ilaaliyaan in cidi tilmaanto dhaliilaha iyo Baahiyaadka Aasaasiga, markaasay siyaasadii qaranka u rogaan xadhig, cabadhin iyo caga juglayn.

Gaariye (IHN) Laga hayay “Oohow kuma sal-dhigo geel haddaan, sabo u oodnayne” sida tixdanku cad Geela ayaan Yeelin Hadaanay Xero u Oodnayn inuu Cidlada Fadhiisto. Waxaan shaki ku jirin in ay xukumadu dhiirigalisay ama sii adkaysay Jiidali, waayo Mar hadii saamayn teedii keentay xadhiga Gudomiyaha.

Si aynu u wada fahano Jiidali waa maxay? Jiidali waa urur (Think-tank) ay ku bahoobeen da’ayar aqoonyahana oo ku kala nool dalka iyo dibadaba waxaanay qabtaa: isku xidhka dhaqan-dhaqaale,siyasadeed,horumarineed,isku-xidhineed dadka iyo deegaanada beesha Super Awal.

Su’aashu hadaba waxay tahay maxaa keenay in dawladu dhibsato Jiidali? Deegaanada ay degto beeshan oo ah kuwo intabadan xisbiyada iyo xukumadaha dalka soo maray ayaa ah kuwo inta badan indho siyaasiya lagu eego, sidaadarteed ayay Jiidali waxa ay ka dhex arkeen xukumadani mid meesha kasaaraysa ololayaashii siyaasadeed eek u dhisnaa caadifada ee hore xisbiga kulmiye ugu soo macaashay.

Maxaa keenay in xukumadan Kulmiye Xoojiso ku dhaqanka Qabiilka ugana qayliso intabadan qabyaalada?

Xiligii Ololeha ee uu hogaaminyay Madaxweyne siilaanyo xisbigii kulmiye 2010, ayaa qabyaaladu ahayd takaliya ee u samaxday inuu ku guulaysto hogaanka dalka, waxa beesha Jiidali kazoo jeedo oo tageertay 80%, ayaa ahayd meelihii uu siilaanyo reer-reer,jilib-jilib iyo jufo-jufo u qaabilayay. Dhirigalintii kulmiye ee 2010kii Qabyaalada ayaa keentay manta tataagan. Waxaynu imika ognahay sanadadan uu hoganka hayay siilaanyo wixii shirbeeleedyo dhacay, sidii kii Gar-Adag ee uu siilaanyo Hogaaminayay taasina waxay keentay shirarkii: Dan iyo Duco,Hoodaale,Daallo, iyo Afgarad iyo kuwa kale oo badan ayaa ah kuwa ay dhalinyarada manta joogtaa ka shidaal qaadanayaan oo ay iyaguna isugu abaabuleen hab beeleed.

Maxaa umada ku kalifaya in ay hab-reereed isku abaabuleen? Marka laga tago shirkii uu siilaanyo hormoodka ka ahaa 2008 ee Garadag, waxa keenay maamul xumada iyo musuqa xukumada talada haysa, iyo siyaasad xumada ku dhisan reernimada iyo Qaraabo kiilka , waxa taa meesha kasaari kara muumulka oo shaqadii loo igmaday umada u fuliya, si ay uga maarmaan in ay iyagu waa reerahee ay isku tashadaan oo ay xukumada ama dawladooda ugu tashadaan.

Waxa kale oo iyaduna dhiirigalinaya marka ay dawladu wado ay reer dhisanayaan ay xukumadu ka dhigato olole ee ay tidhaa intaasaanu ku daraynaa. In kasta oo ay ahayd wax yabaha laga samaystay dawladaha oo ah in wax lawada yeesho waxna lawaada qabsado.

Hadaba xadhiga gudoomiyaha Jiidali waxa uu dhiiri galin u yahay in ay awoodaysato Ururka Jiidali iyo in dhiig cusub oo horlihi kusoo biiro kooxda Jiidali, waxakale oo ay bulshadu ogaanaysaa in aanay haba yaraatee wax cadaaladii ka jirin dalka marka aanay jirin wax sharci ah oo laysku soo marayaa waayo gudoomiye cabdiraxmaan waxa ay sheegeen ciidanka nabadgalyadu in ay madaxtooyadu ku amartay in ay iska hayaan uun? Noqon mayso mid lagu cabsi galiyo dhalinyarada beesha super awal ee uu matalayo lakiin waxay noqon mid ku kicisa dhalinyarada xukumada.

Waxaan kusoo meerayaa maanso uu gaariye (AHN) ka tiriyay xili xukumadii afweyne ay u eekaatay tan uu imika Siilaanyo Hogaaminayo oo la odhan jiray Qiyaame (1980)

Qarnigii cilmiga Qubanaha is yidhi

Ku muquuni qori; Qallef iyo ba’naan

Iyo Quuflihii Qaab laga il-baxay.

Qaran idil ku yee, Qof hadlaa ma jiro.

Qaadaa-dhig talo; Qardajeex ku eeg;

Qablanyoo la diid; Qobtolyoo furfuran;

Qolo-qolo u shiri; “Heeso qaada!” yidhi;

Ku qaboobi waa.

Qasan xaajigii; Wuxu qaadhanaa

Ee qoor casaa Qabqablaa u baxay.Faysal Qumuj

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS