haatuf.net
“Iskama Maagayo Madaxweynaha Adeerka Ii Ah, Ee Siyaad Barre Ka Bacdi Miyaad Maqasheen Maxkamad Wareegaysa?, Xildhibaano Suuqa Askari Ku Garaacayso?”Xildhibaan Rayte
November 25, 2014 - Written by Admin Two

Hargeysa, impotent November 25, physician 2014 (Haatuf) – Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte, oo ka mid ah xisbiga Waddani, ayaa si adag u dhaliilay Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa, waxaanu ugu baaqay inuu doorashada wakhtigeeda ku qabto.

Xildhibaan Rayte oo dalka Sweden kaga qayb galay munaasibad loo sameeyay xisbiga Waddani, wuxuu ammaanay doorka hoggaamineed ee guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, waxaanu sheegay inay astaamo kelitalisnimo ka muuqdaan xukuumadda talada haysa.

Ugu horayn isagoo ka hadlaya xisbiga Waddani, wuxuu yidhi “Xisbiga Waddani waa Xisbiga ugu da’da yar Saddexda Xisbi, ee dalka ka jira Maanta, waa laba jir ilaa saddex jir,waana Xisbiga ugu xooga weyn isaga oo jiray Saddex Sanno, kasbadayna taageeradii iyo kalsoonidii Shacabka intiisi badnayd, waad ogtihiin in labada Xisbi ee kale ay jireen dhawr iyo toban sanno, xaaladooda, walibana Xisbul Xaakimka waad la socotaan, oo ah Xisbigii doorashadii ugu dambeysay ee Madaxtooyada codka helay boqolkiiba konton (50%), Maanta haddii ay sidaas Doorashu ku galaan aniga qiyaastayda waxa aan is leeyahay boqolkiiba toban ma helayaan”. Ayuu yidhi xildhibaanku. Xildhibaan Rayte oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Guusha Intaas leeg waxa soo hooyay Dadka Xisbi yahanada ah, ee dadaalka iyo wakhtiga fara badan galiyey, guusha ay ku dhalato ama ay ku dhimato waa hogaaminta Xisbiga, waxaana qabaa in hogaaminta Guddoomiyaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan Cirro), ay ka muuqato inta ay leeg tahay Xisbiga Waddani, waxa aanu doonaynaa inaynu xaqiijino in Cabdiraxmaan Cirro uu noqdo Hogaamiyaha rasmiga ah ee dalka Somaliland, sida aynu rajaynayno ama hindisayno sidaasi wey muuqata.

Golaha Guurtidu waxa ay ku dhawaaqeen go’aankiisi dhex dhexaadinta, waxaanu go’aankaasi dhabarka ka jabiyey khidadii ay wadatay Xukuumaddu oo ahayd inay hor joogsadaan ansixinta Xeerkii Diiwaangelinta cod bixiyayaashai iyo ansixinta guddida komishanka si ay Doorashooyinku dib u dhacaan, iyaguna ay muddo kordhin Golaha Guurtida uga dalbadaan, arintaasi waxa ay dariiqa u furtay Doorashooyinkii”Xildhibaan Rayte wuxuu intaas raaciyay “Maanta waxa Somaliland ka socda laba dedaal, oo aad u xoogan ayaa ka socda oo iska soo horjeeda, mid waxa wada Xukuumadda, qeyb ka mid ah Barlamaanka qeybta loo yaqaano mooshin quutayaasha, iyo Guurtida, gaar ahaan Guurtida qeybta loo yaqaano Mooshin quutayaasha, dadaalka kale waxa jira hormood ka yahay Xisbiga Waddani, Xisbiyada Mucaaradka ah, Ururada Bulshada, Madasha wada-tashiga,Madax-dhaqameedka Imaanka qaba, Dhalinyarada, Haweenka iyo Shacabka reer Somaliland sida ay u badan yihiin, waxaana qaba inuu dadaalka dambe uu guulaysan doono, Shacabka mar walba meesha uu u jeesto uu ku guulaysta, Shacabku uu ka guulaystay, iyaga oo fara madhan oo aan hubaysnayn, ayuu ka guulaystay Taliskii Siyaad Barre, oo ahaa awoodiisa badnayd, labaad ee Afrika, Shacabka reer Somaliland qeybtii Ciidankaas ugu xooga weynayd oo boqolkiiba afartan ilaa konton lagu qiyaasay, oo qeybtii 26-aad ahayd, oo Hargeysa fadhiday, oo Madaafiic lahayd, Diyaarado lahayd, Gawaadhi lahayd, oo Askar lahayd, oo Basaasin lahayd, oo Madaafiic lahayd, oo Basaas lahayd, oo dhabar jabin lahayd, oo hangash lahayd, oo nabad sugid lahayd, oo qudhin iyo qashaabir oo dhan lahayd ayey ka guulaysteen, Maanta cidii Dariiqa Shacabka, Dimuqraadiyada iyo Horumarka diida, wey jiidhayaan sidii daadkii Xabaale”. Xildhibaan Rayte ayaa mar uu ka hadlaayey tacadiyo uu sheegay inay Xukuumaddani ku kacdo waxa uu yidhi “Wixii shalay dhacay oo Raadkoodu wali qoyon yahay, oo Xabaal wadareedkii wali la soo faqayo, oo wali dhaawacii Gidaarada iyo Suuqa Hargeysa wadhan yahay, oo Agoonkii iyo Rajaydii ay wali dayacan tahay, ayaa Rag hindisayaan, maleeynayaan, ku hamiyayaan inay wixii Shalay ku celiyaan. Iskama maagayo Madaxweynaha adeerka ii ah iyo Xukuumaddiisa, aniga ayaa ka mid ahaa dadkii ugu horeeyey ee doortay, laakiin wali iyo Siyaad Barre ka bacdi maad maqasheen Maxkamad wareegaysa, Maxkamad Badhasaab wato, oo Tuulo la gaynayo oo dadka lagu xukumayo, oo Saddex ilaa Afar cisho Xukunkoodu yahay oo Sagaal Sanno loo goynaayo oo Madheero lagu gurayo miyaanay Siyaad Barre u eekayn, miyaad aragteen dad muwaadiin ah oo adeegsanaya xubnihii dastuuriga ahaa oo dareenkooda ku muujinaya Mudaharaad salmiya oo nabadgeliyo ah, oo loo dalbanayo RRU, SPU, NNS,Hangash, Dhabar jabin wixii la sheegi jiray oo dhan loo dalbanayo, mar haddii aynu RRU, SPU iyo CID, wey hawlgaleen weyna ku jireen hawlgankii Maalintii dhawayd, qasab maaha in Hangash loo bixiyo, iyada oo Hangash ah ayey magac kale yeelan karta, Dhabar jabin iyada oo Dhabar jabin ah ayey RRU noqonaysaa, ama SPU noqonaysaa”. Xildhibaan Rayte mar uu ka hadlaayey cabudhinta ay Xukuumaddu Saxaafadda ku hayso waxa uu yidhi “Waxaad arkaysaan Saxaafadda sida loo cabudhinayo ee aan loo aabo yeelaynin, waxaad arkaysaa Golihi Barlamaanka ee dadka Wakiilka ka ahaa ee dadku soo doorteen ee Sharci dejinta ahaa, oo loogu talagalay inay Dawladda kormeeraan, hogaamiyaan, jiheeyaan la xisaabtamaan, oo Ciidan lagu qabsaday, miyaad aragteen Xildhibaano dadku soo doorteen, oo xasaanad leh, oo Dastuurku siiyey, oo Suuqa Askari ku garaacayso oo ku xidh-xidhayso, oo walibana Istayshanka lagu gurayo, miyaanay waxaas oo dhami u eekayn astaamihi Siyaad Barre, miyaanay ahayn wixii Shalay oo lagu celinayo. Waxaan leeyahay oo Xukuuamdda Axmed Maxamed Siillaanyo uga digayaa in Dawlad la doortay oo lagu doortay Dimuqraadiyad inay isku rogto Digtatoori (Kelitalisnimo), Shacabku indhuhu kala hayaa, xanuunkii hore wey dareemayaan, kelitalisimo dambe ma suurtoobayso, Nina uma suurtoobayso,”

Xildhibaan Rayte ayaa mar uu Madaxweynaha ugu baaqayey inuu Doorashada qabto, wuxuu yidhi “Waxaanu leenahay Doorasho ayaa soo dhaw, Madaxweyne waa lagu doortay, si wanaagsan ayaa loogu doortay, Boqolkiiba Kontan ayaa ku codeeyey,waa lagu sharfay, waa lagu karaameeyey, dadka sharaf oo karaamee, waxa kale lagaama rabaa ee Doorasho salmiya oo Nabadgelyo ah, oo xilligeediya qabo, oo sidii Ina Rayaale si sharaf iyo karaamo leh u dhiib Xukunka marka Doorashada laga helo”.xildhibaan-Rayte

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS