haatuf.net
Golaha Wakiilada Oo Maanta Cod Gacan Taag Ah Ku Meel Mariyay Ajandaha Kal Fadhiga 26-Aad Ee Golahaas
November 25, 2014 - Written by Admin Two

Hargeysa, viagra November 25, for sale 2014 (Haatuf) – fadhigii maanta ee golaha wakiilada jamuuriyada Somaliland ayaa cod gacan taag ah ku meel mariyay ajandaha kal fadhiga 26-tanaad ee golaha wakiilada Somaliland.

fadhigaas oo uu shirguddoominayay guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa fadhiga waxa kasoo xaadiray 59 xildhibaan.

Waxa xeerka u codeeyey inuu dhaqan galo in kasta oo xildhibaanada qaarkood soo jeediyeen in laga doodo hadana 47 ayaa u codeeyey ajandaha, medicine waxaana diiday 2mudane,cidna kamay aamusin guddoomiyahuna muucoday sidaasna wuu ku dhaqan galay ajandaha kal fadhiga 26tanaad ee golaha wakiiladu.

Xildhibaanada qaarkood ayaa sheegay in ajandaha kal fadhiga 26-tanaad ee golaha wakiilada in laga doodo halka qaarkoodna soo jeediyeen in sagaalka qodob ee xeerkani ka kooban yahay sidooda lagu ansixiyo.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Ciro ayaa mudeeyey xiliga la ansixinayo kumiishanka doorashooyinka qaranka waxaana uu yidhi “Gole-waynaha waxaan u sheegayaa maalinta sabtida in la ansixinayo Komiishanka Doorashooyinka Qaranka, axada-na waxa golaha hor iman doona wasiirka wasaarada maaliyada, maalinta ay soo galayso isniintuna waxa lasamayn doonaa xisaab xidhkii waxaana akhriyi doona hanti dhawraha guud ee qaranka.Golaha Wakiiladda

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS