haatuf.net
Halkan Ka Daalaco Magacyadda Siyaasiyiin Miisaan Culus Oo Xilal Ka Soo Qabtay Xukuumadda Siilaanyo Oo Barri Khamiista Ku Biiri Doona Xisbiga Waddani
November 26, 2014 - Written by Admin Two

 

Hargaysa, drugs November 26, 2014 (Haatuf) – Magaalo Madaxda Somaliland ee Hargaysa, ayaa waxa si weyn looga dareemayaa labadii caano maal ee u dambeeyay, u diyaar garowga xaflada uu xisbiga Mucaradka ah ee WADDANI ku soo dhaweynayo masuuliin miisan culus ku leh siyaasada Somaliland iyo mawjado taageerayashooda ah oo ay horkacayaan,kuwaasi oo maalinta beri ah si rasmiya ugu biiri doona xisbiga muraacadka ah ee WADDANI.

Masuuliyiinta oo hore xilala ugu soo qabtay xukumada KULMIYE ayaa waxa ka mid ah wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland Boobe Yusuf Ducaale Iyo Wasiirkii hore ee Caafimaadka Xuseen Xoog,Wasiirkii hore ee arrmiha gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur,Badhasaabkii hore ee G/Togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje) iyo Wasiirkii Boosaha iyo Isgaadhiinta, Cali Cilmi Geele, agaasimihii dib u-dejinta Axmed Cilmi Barre.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS