haatuf.net
Fadeexad Ka Dhalatay Shirkad Ingiriis Ah Oo Lagu Haysto Laaluush Ay Siisay Komishanka Doorashooyinka Somaliland
November 26, 2014 - Written by Admin Two

Cadadka La Soo Bandhigay Ee Laaluush Ahaan Loo Siiyey Komishanka Doorashooyinka + Dacwad Arrintaas La Xidhiidha Oo Ka Furan Ingiriiska Iyo Masuuliyiin Ka Tirsan Dalal Kale Oo Kiiskan Ku Lug Leh

Hargeysa, anesthetist November 26, 2014 (Haatuf) – Shirkad laga leeyahay dalka Ingiriiska, ayaa lagu oogay dacwad la xidhiidha lacago laaluush iyo musuqmaasuq ah oo ay siiyeen masuuliyiin ka tirsan Komishanka Doorashooyinka Somaliland si loo siiyo qandaraas lagu daabacay waraaqaha codbixinta iyo dukumantiyada doorashooyinkii hore uga qabsoomay dalka.

Waaxda dawladda Ingiriiska u qaabilsan ka-hortagga musuqmaasuqa iyo lacagaha laaluushka sharci-darrada lagu bixiyo ee loo yaqaan SFO (The UK Serious Fraud Office), ayaa dacwad ku oogay shirkad la yidhaah Smith and Ouzman, kana diwaangashan dalka Ingiriiska, taasoo lagu eedeeyey inay lacag dhan $32 kun oo dollar ($32,000) laaluush ahaan u siiyeen masuuliyiinta Komishanka Doorashooyinka Somaliland, kadibna shirkaddaas lagu abaalmariyey qandaraaska qalabka doorashooyinkii hore uga dhacay dalka.

Waxa kaloo eedaymaha lagu dacweeyey shirkadaas ka mid ah inay sidoo kale laaluush siiyey masuuliyiin ka tirsan waddamada Kenya, Mauritania iyo Ghana, dalalkaasoo ay siyaabo kala duwan uga heshay shirkadda Ingiriiska ah qandaraasyo lagu daabacay dukumantiyo doorashooyinka khuseeya.

Sida lagu baahiyey bogga internet-ka ee xafiiska La-dagaallanka Laaluushka ee UK, waxa dhegaysiga kiiskan la gudo galay 23 October 2013, waxana maxkamad la horgeeyey masuuliyiinta shirkadda Ingiriiska ee Smith and Ouzman oo qandaraas ku qaataday daabacaadda waraaqaha codbixinta ee lagu galay doorashooyinkii u dambeeyey ee Somaliland, gaar ahaan doorashadii madaxtooyada ee qabsoontay 26 June 2010 iyo tii golayaasha degaanka dalka ka dhacday 28 November 2012, waxana shirkaddaas lagu eedeeyey inay sifo sharci-darro ah iyo laaluush u martay qandaraaska ay ka heshay Somaliland.

Masuuliyiinta ugu sarreeya shirkadda Smith and Ouzman iyo nin magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Cumar (Abdi Omar) oo Somaliland u dhashay, ayaa la horgeeyey maxkamadda, iyadoo la dhegaystay eedahay loo jeediyey ee khuseeya inay lacago laashuush ah siiyey madax iyo masuuliyiin musuqmaasuq ah oo ka soo kala jeeda dalalka Somaliland, Kenya, Ghana iyo Muritaaniya oo ku yaal qaaradda Afrika, waxana eedaymaha dacwadda lagu sheegay in shirkaddaasi u dhiibtay lacag dhan $32 kun oo dollar ninka magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Cumar oo wakiil u ah shirkadda Ingiriiska si uu lacagtaas laaluush ahaan u siiyo masuuliyiinta Komishanka Doorashooyinka Somaliland, kuna qanciyo inay shirkaddooda Smith and Ouzman u saxeexaan qandaraaska waraaqihii doorashooyinka.

Sida lagu caddeeyey warbixinta dacwaddaas oo aan weli go’aan laga gaadhin, shirkadda Smith and Ouzman, ayaa qandaraas lacagtiisu ku baxayso $1 milyan oo dollar ka heshay Komishanka Doorashooyinka Somaliland, kadib markii sida maxkamadda loo gudbiyey ay shirkaddu laaluush ahaan u siiyey masuuliyiintaas lacag dhan $32 kun oo dollar.

Madaxda Shirkadda Smith and Ouzman iyo muwaaddinka reer Somaliland ee Cabdiraxmaan Cumar, ayaa dhammaantood maxkamadda horteeda ka beeniyey inay wax dambi ah leeyihiin, waxayna meesha ka saareen eedaha loo jeediyey, balse dacwaddaas ayaa ilaa hadda ka furan Ingiriiska.

Sidoo kale, waxa shirkadda Ingiriiska lagu eedeeyey inay lacag ka badan $76 kun oo dollar laaluush ahaan u siisay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Mauritania, halka xubno ka mid ah madaxda Komishanka Doorashooyinka Kenya laaluush ahaan loo siiyey $545 kun oo dollar, iyadoo dalalkaasna shirkaddu ka heshay qandaraas lagu bixiyey waraaqaha codbixinta doorashooyinka.

Afhayeen u hadlay Komishanka Anshaxa iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Kenya oo la yidhaa Yasin Aila, ayaa warbaahinta u sheegay inay komishan ahaan ka war-hayaan dacwadda la xidhiidha shirkadda Ingiriiska ee Smith and Ouzman, isla markaana saddex bilood ee dambeeyey macluumaad dheeraad ah la wadaageen Waaxda Dawladda Britain u qaabilsan ka-hortagga musuqmaasuqa iyo lacagaha laaluushka sharci-darrada lagu bixiyo ee loo yaqaan SFO si loo xaqiijiyo masuuliyiinta reer Kenya ee laaluushkaas ku lug leh.

Komishanka Maamul-wanaagga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa ee Somaliland iyo madaxda Komishanka Doorashooyinka, ayaan ilaa hadda ka hadal eedaymaha ku saabsan lacagaha laaluushka ah ee dacwaddoodu ka socoto Ingiriiska, iyadoo arrintaasi fadeexad iyo ceeb ku tahay masuuliyiinta Guddiga Doorashooyinka xafiiska bannaynaya iyo guud ahaanba dawladda Somaliland, maadaama qaab laaluush iyo musuq ah loo bixiyey qandaraaska lagu soo daabacay waraaqaha codbixinta doorashooyinkii u dambeeyey ee dalka ka qabsoomay.

Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa shahaado-sharaf ku maamuusay shirkadda Ingiriiska ee Smith and Ouzman bishii January ee sannadkii 2013, kuwaasoo ay ku ammaaneen tayada waraaqaha codbixinta ee ay soo daabacday, balse, tallaabadaas ayaa la filayaa in aanay qayb ka ahayn laaluushka shirkaddu ku bixiyey qandaraaska ay ka heshay Komishanka Doorashooyinka.Source:Jamhuuriya.10734028_1532282373685489_3298026952103650122_n

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS