haatuf.net
Musharaxa Madaxweynaha UCID, Wuxuu Leeyahay Dhamaan Astaamihii Hogaamiyenimo:Qalinkii Cali Cabdilaahi
November 27, 2014 - Written by Admin Two

Akhristayaal waxaa shaki la’aan ah, ed in qofka doonaya in uu noqodo hogaamiye dalka xukuma,in looga baahan yahay in uu leeyahay astaamaha hogaamiyenimo,taasi oo umadda uu codka ka doonayaa ay codkooda ku siiso,hadaba tan iyo markii uu jagada murashaxa madaxweynaha xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee UCID loo doortay Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen,wuxuu muujiyey hogaamiyenimo ,taasi oo soo jiidatay dad tiro badan,marka la eego astaamaha hogaamiyenimo ee uu leeyahay Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen Waxaa Ka Mid Ah.

1: marka koowaad waa aqoon yahay jaamacada aduunka ugu sareysa ee HAVARD UNIVERSITY ka haysta shahaado dhinaca dhaqaalaha ah,taasi oo marka la eego diinta islaamkuna dhinaca aqoonta qofka leh,siisay in uu wax hogaamiyo,oo waakii Rasuulka Alle lahaa waxa Salaada idin tukinaya kiina ugu Cilmiga Badan,marka waxaa sida uu islamku aqoonta u dhiiri geliyey,isla markaana uu u doortay hogaaminta umadda,mida kale Aqoon yahay Jamaal Cali Xuseen waa nin dhaqaale yahan ah,oo ka soo shaqeeyay in ka badan 20 wadan oo aduun ka ah,waxay dadka dahqaalaha u dhuun daloolaa tilmaamaan hadii la doorto Aqoon yahay Jamaal Cali Xuseen in dhaqaalaha Somaliland koru u u qaadi lahaa,oo weliba sida uu aqoon yahanku sheegay uu ka bilaabi lahaa sidii loo xoojin lahaa wax soo saarka dalka.

 

2: Aqoon yahay Jamaal Cali Xuseen sida muuqada iyo sida ay sheegeen dad saaxiibo dhaw la ah,oo la shaqeeya,waa nin dulqaad badan oo inta badan isku daya wax kasta in uu u sameeyo si taxadar leh,waxaana nin dabeecad wanaagsan oo dad dhex gal eh,oo Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen waxaa la arkaa sigoo guud ahaanba bulshada qaybaheeda kala duwan la jooga oo la sheekaysanaya,isla markaana doona in uu ogaado arimaha guud ee bulshada.

 

3: Murashaxa Jagada madaxweynaha ee xisbiga UCID aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen waa nin hantidiisa ku bixiya siyaasadda oo aan ahayn dadka siyaasadda hanta ka doonta balse waxa la og yahay in Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen isagoo ka shaqeeya banka caalamiga ah ee City Bank,uu shaqadisii iskaga tagay isagoo doorbiday in uu dadkiisa u shaqeeyo ,iyadoo ilaa wakhigaasi lacag ka baxda mooyee wax lacag ah uusan ka faa’iidin siyaasadda uu galay,taasina waxay ka mid tahay astaamaha ugu waaweyn ee laga doonayo in uu hogaamiye yeesho,oo waxa tusaale wanaagsan inoogu filaya arintaasi,aasaasihii jamhuuriyadda Somaliland Madaxweynihii Hore ee Somaliland Allaha naxariistii jano ha ka waraabiyee waxa la ogaa in xitaa dhisida wadanka uu u iibiyey guriyihisii uu isagu gaarka u lahaa,oo xitaa isagoo madaxweynihii dalka ah,uusan ka tegin wax guri ah oo dhisan,sidaasi ayuu ahaa siyaasigii somalida ugu weynaa ee marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal,waana mida laga doonayo qofka rabo in uu dal hogaamiyo in uu ku talo galo in hantidiisa uu ku bixiyo siyaasadda iyo horumarka dalka.

La soco qormooyinka danbe

Qore:Cali Cabdilaahi

Email:calicabdilaahi@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland.Jamaal

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS