haatuf.net
Cadaaladda Siilaanyo Waa Tii Aqoon Yahan Jaamac Jiir Oo Fikirkiisa Cabiiray Ku Xukuntay Afar Sanno Oo Xadhig Ah Qalinkii: Cabdi Casiis Bashiir Nuur
November 28, 2014 - Written by Admin Two

Hal-gamma madaxweyne siilaanyo waxaa uu ahaa hoggaamihii urur xornimo doonka ahaa ee SNM kaaso uu ahaa gudoomihii mudaada dheera ee soo maray SNM inkasta oo lagu eedeeyo inuu dhiibi gaadhay xoriyaddi lo dagaalamayeey ee ururkii xaq u dirir ee SNM kaaso ka soo far-cammay oo saldhigiiisu ahaa gudaha dalka itooyiba. Waxaana laga hayaa madaxdii halganka ku jirtay ereeyo cadayn u ah, dosage viagra inuu madaxweyne siilaanyo yahay sheekhsi aan cadaaladda ku wanaagsaney isla markaasna ah daneystee siyaasi ah oo wajiiyo badan . Axmed siilaanyo waxaa wakhtigii u mucaaridka caanka ku ahaa inuu si weyn ugu doodo xoriyadda saxaafadda iyo fikirada bulshaddu gudbiso , apoplectic waxaa lagu yaqaanay inuu isaa-soo taaggo fagaaraha siyaasadda isaaggo leh,hadaf cadaan ah, kaaso oo u fokoska ku hayeey inuu mar uun tallaadda dalka qabto, kaaso oo u ku kasbanaayo shacabka reer Somaliland. Madaxweyne siilaanyo markii uu talada wadanka qabtay waxaa meesha ka saaray hadafkii hore ee bulshadda Somaliland ku dooratay,isaaggo taas bedel-keedda ka dhigay inuu ku dhaqmo ficiladdi uu sidaa fiinta uga qaylin jiray ee u fagaaraha siyaasadda lasoo istaaggi jiray madaxweyne siilaanyo.

Aqoonyahan-jiirHadaba madaxweyne siilaanyo ma la odhaan karaa wax badan kalama socdo tacadiga ay masuuliyiinta dawladda uu gadhwadeenka ka yahay kula kacaaya saxaafadda madaxda banana iyo bulshadda sidaa caafimaadka qabta uga hadasha fikir-kooda oo ay soo bandhigaan. Taasi jawaabteeda waxaa uu madaxweyne siilaanyo ka jawaabay dhowaan mar uu la hadlaayeey warbaahinta dalka.isaago sheegay in aanu raali ka ahayn in la xidho qof weriyaha ,balse shaqadaas uu u igmaday masuuliyiin warbaahinta ka mid ah kuwaaso iyaaggu intaa badan shaqo ka dhigtay inay inay kala foggeeyan saxaafadda iyo dawladda.

Muddo hadaa laga joogo laba sanno waxa xabsiga si cadaalad darro ah ugu jira,aqoon yahan caanku ahaa cabirida iyo faaladda siyaasadda dalka, waxaana u sii aan gabaasho lahayn u sheegi jirey Ruunta. Jaamac Cilmi Jiir,waa qoraa Ruunta ku dhinta,waxxaa uu xariyadiisi ku waayeey,kadib markii uu warbaahinta maxaaligga ah ku daabacay,maqaallo kala duwan kuwaaso ay dhin biil ku noqtay masuuliyiin sidaa la sheegay ay hayb wadaagan,waxaanay ula yimmaadeen inuu joojiyo maadaama oo ay beesha madaxweynaha wadaa yihiin.isaago codsigaas uu ganafka ku dhutay aqoon yahan jaamac cilmi jiir waxaana uu sheegay in aanu joojinay qalinka ilaayo uu helaayo dawlad sii cadaaladd ah uu shaqaysaa. Aqoon yahanka waxaa lo taxaabay xabsiga waxaana lagu xukuumay xukun lagu jiyaasay,mudaada uu hadhsanay xukuumadda manta talada haysaa ,iyaaddo wakhtiga la xukumay, ay ahayd 2013,waxaana uu hadda xabsiga ku jiraa laba sanno iyo bilo.

Hadaba aqoon yahan jaamac jiir bulshadda Somaliland maka heelay xaqii uu ku lahaa

Aqoon yahan jaamac Jiir waxaa gabi ahaanba gabay bulshadda iyo intaa wax qortaa kuwaaso aan sidii loo baahnaa uga hadal,aqoon yahankan oo sii foogan bulshadda ugu hiilin jiray qalinka HADAANU nahay bahdaa shabakadda xogreebnews-waxaanu si cad ugu hiilin doona sheekhsigaas xoriyaddisi ku waayey wax uu xaq uu lahaa.waxaa iyaana sidaa oo kale gabay oo aan in dhoweydbaa aan ka hadal xaqdaradda uu ku xidhan yahan muwaadinka fikirkiisa ku mutaystay afar sanno oo xadhig ah,kooxa isku sheega inay xaquuqda aadamaha u doodan kuwaaso aan maalin qudha ka hadal dulmiga lagula kacay aqoon yahan jaamac cilmi jiir. Sidaa oo kale IYANA AFKA KA XIDHAy aqoon yahanka, xadhiggiisa ururaddi saxaafadda dalka Somaliland. Waxaan bulshada Somaliland ka codsanayaa inay intii qalin ugu hiilin kartaa iyo intaa kale ee sii kale ugu doodi kartaaba waa inay ka qayb qaatan u hadalka muwaadinkan xaqdaradda ku xidhan.

Qalinkii: Cabdi casiis Bashiir Nuur

info@xogreebnews.com

Tel: 4144434

Hargeisa/Somalilandaqoonyahan-jiir-80x106

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS